Saylicipress
14 September 2007
Dadka qurbaha jooga ayaa dhibaato ka haysataa sidii ay u noolaan lahaayeen nolol ku salaysan diinta iyo dhaqankoodii dalka hooyo oo ay uga fogaan lahaayeen wixii shiki galinaya inay ku dhacaan xaaraan ama wax ilaahay uusan raali ka ahayn. haddaba waxa ugu badan ee khilaafka ka bilowdaa shaqada ay hayaan dadku ama sida ay u nool yihiin; cuntada halkii ay ka iibsan lahaayeen ama wixii ay iibsan lahayeen; dakhli sidii uu usoo gali lahaa dadka aan shaqaysan karayn ama waayeelka.
Shaqada iyo Ramadanta: (North America)
70 % shaqada wadida gaadiidka (Taxi, Buses etc)
15 % warshado, nadaafad, ama cusbitaalo
10 % shaqo sare (Professional) Cusbitaalo, Banks, (Teaching), macalinimo ama baayacmushtar gaar ah.
Dadka Yurub jooga oo aan ahayn U.K, Holland, Germany, Norway iyo Switzerland dadku waxay u badan yihiin dad aan shaqo hayn - weliba wadamada Sweden, Finland, Denmark, Belgium, iyo France; Warshado joogto ah, Taxi, ama Kaalmaha shidaalka xitaa dadku ma heli karaan inay ka shaqeeyaan marka ay Europe joogaan. waxa ugu badan ee lagu nool yahay waa Caydh ama lacagta kaalmada ah.Dadka qurbaha (North America) joogaa weliba ragu inta badan waxay ka shaqeeyaan "Taxi" in ka badan 70% - ragu waxa ay wadaan gadiidka dad waynaha oo uu "Taxi-sigu" kow ka yahay;
haddaba Taxi-siga ayaa waxa soo raaca dad wadamadan u dhashay oo intooda badan u socda xaflado ama shaqo; wakhtiyada habeenkii oo dadka soomaalida ahi u badan yihiin inay shaqeeyaan waxa Tagaasida raaca dad ku socda xaflado oo cabitaanada diinta islaamka ka xaraan ah sita ama doonanaya; dad dhoofaya ama dad cusbitaalo ku socda. magaalooyinka qaar sida magaalada ay soomaalidu ugu badan tahay ee ay shaqada ka qabtaan Taxi-ga waa Chigaco wakhtigan la joogo. dadka ayaa doorasho leh inay qaadaan ama ka shaqeeyaan dhinaca ay rabaan ee magaalada iyadoo uu jiro suuq ku filan shaqalaha oo dhan.Hadaba inaga oo aan halkan kusoo koobi karayn sida noloshoodu u qaybtanto oo dhan hadana waxaan qaadanaynaa Ramadanta iyo gadiidka - Taxi - drivers, Buses- ka iyo Warshadaha iyo wixii soo raaca:waxa inta badan la qaada dad khamri sita ama cabsan ama u socda inay soo cabaan; diinta Islamku maxay ka qabtaa? sida uu noo sheegay sheekh degan gobolka Ontario oo dhawaan yimid magaalada Edmonton, Alberta;
hadii aan ka fogaan kartaan meelaha ay macsidu ka dhacayso ka fogaada lacagta idinka soo gasha qofka kahmriga sita gooni iskaga dhiga oo haku darina lacagtiina. guud ahaan diinta Islamku mar walba ama Ramadan ha noqoto ama ayeysan noqonine in la sameeyo wax diinta ka hor imanaya waa mamnuuc. dadka qaar waxay aaminsan yihiin imaanshaha dalalkan qurbaha ayaa guud ahaanba xaaran ah; waayo shaqada ka sokow dadka waxa uu dhib ka haystaa cuntadii ay cuni lahaayeen sida hilibka ama digaaga; qaar baa aaminsan inaysan banaanayn in aan la cunin hilibka lagu iibiyo tukaanada waawayn ee dalalkan shisheeya qaarna waxay aaminsan yihiin inay "Ehlu Kitaab" yihiin oo ay banaan tahay in la cuno. culimada lafteeda ayaa isku khilaafsan arintan. dadka ayaase loo dayn wixii sax ah inay go'aamiyaan ama ha raacaan waxa saxda ah ee ay diintu arintan ka qabto iyagoo baadhitaan samaynaya, media-yuhu inuuisku dayo inuu wax badan ka ogaado waa lagama maarmaan.warshadaha, ama nadaafada lafteeda ayaa iyaguna dadku isku khilaafsan yihiin waayo warshada ama meelaha la nadiifinyo ayaa qaybo badan leh. oo waa la gaban karaa wadanka dhan oo leh xafiisyo aad u badan oo kala duwan waxkastana lagag shaqeeyo ilaa warshado kala duwan oo ay ku jiraan xitaa kuwa doofaarka qala. shaqooyinka qaar ayaa dadku wareegaan oo kolba meel lagu qoraa sida ilaaliyayaasha - Waardiye (Security).
dhinaca Bangiyada ayaa iyaguna ah kuwo ribo faraban ku shaqeeyaa arintaasiina ay niyad jab ku hayso dadka kuwa shaqada ay jecel yihiin qaban lahaa.dadyowga ay shabakada Saylicipress waraysatay ayaa qaarkood aaminsan yihiin haddii shaqooyinka aan wadamadan ka qabano aan wadankeena ka qabanayno in aan horumar balaadhan gaadhi alahayn; xaalku wuxuu marayaa "Waa Xamaalkii Markuu Xamar Tago Xaajiga Ahaa!" oo ay ku heesi jireen dadkii ugu horeeyey ee usoo dhoofa qurbe weliba kuwii wadamada carabta tegay. dadka qaar ayaa aaminsan hadii aan ogaan lahaa dhibka meeshan ka jira dalkeenii hooyo kamaan imaadeen. hadana sidaas ay tahay hadii dalkii hooyo loo geeyo diyaarad wayn ama looga dhiso cimaarad (Sar) magaalada Shangahai dhamaan umada Afka Soomaliga ku hadashaa umay kala hadheen. taasina waata keentay in dalkii hooyo uusan lahayn wax horumar ah oo la taaban karo ama dawlad umadeeda u dhego nugul ama hogaamiye dadkiisa ay isku dhinac u jeedaan.dadka aan shaqayn karayn ama hooyooyinka kalidood nool ayaa ku khasban inay qaataan lacag dawladu ku caawiso si ay ugu noolaan karaan nolol ku dhow ta dadka shaqaysta; lacagtaasina culumada qaar waxay ku tilmaamaan in qofkii jilicsan uu ilaahay arko qofkii ka maarmana uu qabto shaqo uu kuu ku noolaado oo diinta ka hor imanayn. waa mawduuc balaadhan oo aan immika halkan lagu soo koobi karayn; waana dhibaatooyinka laga dhaxlay dalalka shisheeye ee aan diin iyo dhaqan ahaan aad u kala duwanahay laakiinse nasoo dhaweeyey oo ayna marnaba suurtoobayn iy dhulka aad ku nooshahay la qaato ama la'iska kaa xidhi inta bolis kabo wayni kugu soo garaaco guriga. arinta ugu wayn ee dalalkan lagu jooga ayaa ah nabada iyo cadaalada ay umadooda ku dhaqayaan. cabsi kaama hayso in boolisku iska kaa joojiyo oo uu kuu awood sheegto, laaluush cad cidi ma kala qaadato. qololo shaqo la'iskuma geeyo aqoontaadu waa meesha ay ku dhigto.
Mishaaro: (Salary - Income)
Dhakhtarka buuxaa dalkan ee dawlada u shaqeeyaa wuxuu qaataa lacag dhan 200, 000 dollar sanadkii oo ay usoo hadho laag dhan 12000 dollar bishii anagoo ka tusaale qaadaynayna 10 dhakhtar oo dalka South Africa uu gobolka Alberta dhawaan ka keensaday - waxana lacagtaa u dheer guri ama caawimaad kale oo kasoo gala shaqo gaar ah oo ay sameeyaan; qofka "Nurse" ahi wuxuu qaataa lacag dhan $35 saacadii oo qiyaas ahaan noqon karta $7000 oo lacagta Marayalanka ah; warshadaha, bangiyada, macalimiinta, ama wixii la hal maala ee "labour" ah waxa laga qaataa saacadii $ 8 ilaa ugu badnaan $ 25; qofku inta badan wuxuu shaqeeyaa 5 maalmood oo min 8 sacaadood ah; markaa qiyaas ahaan lacag dhan meelaha $ 2000 ayaa bishii soo gasha; dhina Taxi-ga qofku wuxuu sameeyaa maalintii qiyaas ahaan lacag ku dhow $ 150 oo saafi ah (net) marka kharash oo dhan laga saaro suda Gas, Cunto, iyo kirada baabuurka; markaa qiyaas ahaan waxa soo gasha $ 4000 bishii oo ay dadku inta badan shaqeeyaan 7 maalmood. dadka caydha ku nool ugu badnaan waxa soo gasha lacag aan ka badnayn $100 ilaa $ 200 oo lacagta maraykanka ah oo cunto ahaan loo siiyo; kirada guryahana waa laga bixiyaa.culumada qaar ayaa arinta guud ahaan dhinac walba kusoo gabo gabeeyey in qof walbaa ka baqo ilaahay inta uu karayo wixii xaaraan cad ahna uu ka fogaado.
ilaahayna dhamaan ha'ina siiyo khayrka bisha barakaysan ee Ramadan.
Saylicipress Reporter
Edmonton, Canada
admin@saylicipress.net
Friday, September 14, 2007
Ramadan iyo Qurbo jooga - Dhinaca Shaqada iyo Cuntada:
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment