Wednesday, September 12, 2007

Ma Xisbi Awdal Keensataybaa Jira?

RAMADAAN KARIIM.
12 September 2007
Abdiqani Ateyeh

Maalin maalmaha ka mid ah, oo an qiyaasayo inay ahayd horraantii siddeetanadii (Early 80’s), anigoo jooga Boorama, ayaa loo dareeray doorasho lagu sheegay mid loogu codaynayo madaxerynihii dalka ee wakhtigaasi. Kaasi oo ahaa marxuun Maxamad Siyaad Barre (Allaha u Naxariisto). Labo sanduuqbaa la keenay oo midkood midabkiisu ahaa Buluug midka kalana ahaa Huruud (Jaalle). Sanduuqa hore waxa ku qornaa HAA, sanduuqa kalana MAYA. Taasi oo macnaheedu ahaa in Siyaad Barre dib loo doorto ma waxad tidhaahdeen HAA mise MAYA?.

Hadaba maalintaasi iyada ah, dadkii reer Boorama ee doorashadaas ka qayb galay (anuu kuma jirine), waxa ugu caqli badnaa marxuun Cawaale Caynaan – Cawaale xaax (Allha u Naxariisto). Waxba hadalka badin maayee, cawaale wuxu codkiisa ku dhiibtay ‘MAYA’ oo saduuqii Jaalaha ahaa ayuu ku riday. Kadib waxa loo sheegay Cawaale, inuu noqday kacaan diid oo duqii dalka u sarreeyay uu diiday. Cawaale markii uu hadaladii dadka dhagaystay ayaa wuxu ku jawaabay: “Aabo… labada Sanduuq, ma Sanduuqbuu oday kale keensaday?, soow labadaba oday kali ahi iskama leh oo nooma soo wada dirin. Dee haduuna isagu rabin midka an ugu riday, haka rogto oo ka uu rabo uun haku rogto”. Caqli badanaa…!

Waxan ugu socdaa reer Awdaloow. Saddexdan Xisbi ee haddii Ilaahay idiiin roonyahay, maalinkaa maanta ah kabihii idinkaga dhammaadeen, ee ad ku kuraamo (cidhbo) beesheen, kuna karaamo seegteen. Saddexdaas xisbi mi mid Awdal keensataybaa jira???. Soow saddexduba kama wada iman Hargeysa iyo Burco oo isku wada Reer ah?. Soow saddexduba marka laysku daro isku miduun noqon maayaan oo ma wada aha KULMIYE + UCID + UDUB = KULUCUD.

Hadaba walaalayaal, beryo Ramadaanbaa la joogaaye ka faa iidaysta barkadeedoo , reer Awdaloow, saddex xaalaadood midkood ku ahaada heshiis:

(1). Inaad kulligiinuba KULUCUD ku kala jirtiin, iskuna dhibsan, isuna karaahiyaysan oo ad aqbashiin inaad la haanshaaraysiin hub nin kale sito. Habeenka laydinka qaadana ad iska soo hoyatiin idikoo waxba is hiifin.

(2). Inaad Xisbi Awdal keensatay la timaadiin oo ka bilaabma Lowyacado ilaa dhaafa Sanaag bari. Ninkii reer Awdal ah ee xisbigaas u codayn waayana ad markaa geed kusoo xidhiin.

(3). In hadii codkiinuba isku kiin dili doono ama laydinku dili doono, dee ad codkiinba iska haysatiin oo waxba doorasho danbe isku wareerin. kharashka badan ee doorasho xaaraan ah idinkaga baxayana ad ugu adeegtiin danyarta iyo masaakiiinta iyo Agoomaha iyo guud ahaanba horumarka gobolkiina

Saddexdaa xaaladood wax kale oo an imika ku daro ma garanayo, wixii dheeraad ah ee faah-faahsana waa innoo Ramadaan ka dib. ALLAHA XAQA INNA WAAFAJIYO.

LIIBAANA

Abdiqani Ateyeh

London UK

hiildan@yahoo.com

No comments: