Monday, September 10, 2007

Kulan ka dhacay maanta Hotel Rays

Zakariye Carab
10 September 2007

Kulan ka dhacay maanta Hotel Rays oo wax lagaga qabanayo baahida ka jirtay Dugsiga Sare ee Sh. Cali Jowhar

"1973-kii markii bulshada reer awdal ku fikireen …ayuu badhasaabkii waqooyi galbeed ku yidhi" Macalin Cumar Bidaar."

waa Xaq waajib ah inaan illaalino danta" Xaamud - Maamulaha Sh. Cali Jowhar."

Waxaad moodaa in bulshada uu ka dhintay damiirkii"
Badhasaabka Gobalka Maxamuud Sh. Cabdillaahi."

Waxaan idin ku baraarujinayaa in wax kasta oo afka ka sheegtaan ..."Maayarka Degmada C/raxmaan Shide Bile.

Kulan balaadhan oo ay soo qaban qaabiyeen Macalimiinta iyo Maamulka Dugsiga Sare ee Sh. Cali Jowhar ayaa maanta ka dhacay Hotel Rays kulankaas waxaa lagu martiqaaday Badhasaabka Gobalka Awdal, Maayarka Degmada Boorama, salaandiin, waxgarad aqoonyahanno, waalidiin iyo odoyaal magac iyo maamuus ku leh Gobalka Awdal kulankaasi oo lagaga arinsanayey sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka lagu hayo barxaddii uu lahaa Dugsiga Sare ee Sh. Cali Jowhar faro baas lagu hayo arintaas haddii wax lagaga qaban waayona uu Qatar ku jiro dugsiga intiisa kale waxaa ugu horeen ka hadlay kulankaas macalin ku hadlayey afka macalimiinta dugsiga sare sh. Cali jowhar Mudane Cumar Suldaan Indhomood wuxuuna yidhi waxaan maanta halkan iskugu imanay sidii aynu wax uga qaban lahayn dhibaatooyinka haysta dugsiga sare sh. Cali jowhar.

dhamaan dadkan kulanka aan ku martiqaadnay waa kuwii wax ka qaban lahaa anoo ku halqabsanaayo ayuu yidhi Cumar heestii lo'da ee ahayd"Hadaan Halablaha Hantidaada LehHoosta kuu dhigo miyaan kuu hagraday "Waa marka ay lo'du dhibaatada ku badato oo ay haraado ayuu ninka hantideeda leh ceelka guntiisa ku dhacaa si uu gorofka u soo buuxiyo markaasna markaas wuxuu lahadhayaa ma jirto heestana waxay ka tarjumaysaa marxallada maanta ka taagan dugsiga sh. Cali jowhar.Mar uu ka hadlayey taariikhda dugsiga sare sh. Cali Jowhar wuxuu yidhi Cumar 1973-kii ayey bulshada Gobalka Awdal ay dareentay baahi ay u qabaan inay dhistaan dugsi sare si ay ugu kaaftoomaan lacagtii qaaliga aheyd ee laga qaadayey ardayda dugsiga sare dhigata iyada oo bulshada reer awdalna ay saadaalinayeen tirada ardayda badato.

dabadeedna waxaa sheeko ku maqlay ayuu yidhi Cumar in gudi ka kooban waalidiinta ay u tageen badhasaabkii gobalka waqooyi galbeed si ay ugala soo hadlaan in uu u ogalaado inay dhistaan dugsi sare dabadeedna waxa uu ku jidhi waxaad ii keentaan nashqadii dugsiga aad doonaysaan dabadeedna markay u keeneen nashqadii dugsiga waxa uu ku yidhi caasimada gobalku kan oo kale kama dhisno ee sideed reer awdalwo ugu hamideen inaad dhistaan kan aad ii soo gudbiseen maadaam ay borama magaalo yar tahay dabadeedna waxaan ku nidhi anagaa dhisanayna ee adigu noo duwaan gali isagoo markaas aamisanaa inayba dhistan karayn ayuu yidhi waayahay ee orda igale tagay riyadan waalan laakinse hadaad dhitaan ainguna waxaan idiin keeni waxa dhexdiisa la dhigayo.

Bulshada reer awdalna way ku guuleesteen dhanka kale waxa uu cumar ka codsaday maamulka gobalka iyo ka dagmada inay ka caawiyaan sidii dayr loogu samayn lahaa dugsiga .waxa kale oo uu sheegay in ardaydii dugsiga ka aflaxday ay gadhayaan tiradoodu 3250 kun oo arday dhamaantoodan waxay ka dhex muuqdaan bulshada ay la nool yihiin waxaana ardaydaa ka mid ah1. Dr. Cabdiraxmaan jaamac haddi2. Dr. Maxamed Cali Nageeye3. Eng. Abdirahman Haji Ahmed Miisaan (Shimbir)4. Dr. Ayaale Cumar Cige (Arki jirey)Iyo dad badan oo aan halka ku soo koobi karayn [...] waxaa kale oo halkaasi ka hadlay diiriye daahir nuur oo ah gudida waalidiinta dugsiga sare ee sh. Cali jowhar wuxuuna yidhi maanta waad ogtihiin dhulkii uu lahaa dugsiga sare ee sh. Cali Jowhar iyo heerka maanta uu yahay dugsigu waxaa uu masruufaa jaamacadda cammuud ee aanu maanta ku faaneyno oo sanad walba dugsiga sh. Cali jowhar waxaa ka qalin jabiya arday fara badan oo uu u gudbay jaamacada cammuud.

waxaan ognahay in dugsiga lagu dhisay iskaa wax u qabso oo maanta tacabkii aan gelinay midhihiisii aaynu guraneyno, maanta waxaa loo baahan yahay in deer loo sameeyo waad ogtihiin inay dan guud jirin qofkasta oo darajo kasta leh aanu iska dhowreen danta guud ayuu hadalkiisii ku soo gunaanaydayWaxaa isna kulankaas ka hadlay maamulaha dugsiga sare ee sh. Cali jowhar Xaamud waxaa uu ka waramay dhibaatada ka jirta dugsiga oo ku sheegay in ay u daran tahay in uu muran ka taagan yahay afartii jiho uu dugsiga lahaa ha u darnaato jihada koonfureed oo daaqadaha iskuulka la hoos maraa haday tahay dad iyo baabuurta taasina waxay dhibaato u keeneysaa ardayda marka aan nidhaahdo wax ka qabta oo hagaajiya barxada dugsiga dagaal baa nalagala horyimaadaa sidaan u ilaalinaynay danta dugsiga waxaa naga soo gaadhay dhibaato fara badan oo cadaawad baa naloo qaaday taasina waxaan ugu jilib dhignay waxa weeye inaan illaalino danta bulshada Gobalka Awdal waana waajib waxaana waajib ah in la illaaliyo danta dugsiga iyo danta ardayda maamulaha dugsiga sare sh. Cali jowhar waxaa uu hadalkiisii ku soo gunaanaday waa in si deg deg ah wax looga qabta baahiyaha ka jira dugsiga maadaama markii hore bulshadu dhisatay waxaana maanta is haysta waa iskuulkii oo leh waxaan difaacayaa dhulka dugsiga iyo dad waynihii oo leh anaa dhulkan hore u dagi jiray oo waan dhisanayaa ee wax halaga qabto arintaan .

Waxaa kaloo isna kulankaan ka hadlay Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Boorama Dr. C/raxmaan Shide Bile waxaana hadaladiisa ka mid ahaa anaga maamul ahaan inaad nugu canaantaan waa waa jib arimahan oo kalana waxaa naga soo gaadha way dhib badan yihiin hase ahatee dhulkana waxaa iibsanaya waa dadwaynaha oo qofkii dibada ka imayaya waxa uu doonayaa inuu dhisto meel u dhaw magaalada bal kawan qofka miskiinka ah isan maxuu yeeli oo haddii qofka lacagta lahi uu dhisto meel ka fog magaalada;

magaaladuna way waynan lahayd markaas waxa uu sheegay in meel looga soo wada jeesto arimaha bulshada haddii aad daacad dalka u ahaataan anaguna daacad ayaan u ahaanaynaa hadaad laaqlaaq badisaan anagana laaqlaaq baa nagu badan, waxaa kale uu ku baraarujiyey in marka kulamadan oo kale lay iskugu yimaado uun afka wax laga sheego hase ahaate aan wax laga qaban markaas waxaa loo baahan yahay in waxaad afka ka tidhaahdaan sideedana looga soo baxo ayuu hadalkiisii ku soo gunaanuday, kulankan oo ahaa mid heer sare loo soo agaasimay oo ay ka soo qaybgaleen dhamaan qaybaha bulshada sida hooyooyinka, culima'udiinka iyo qaar ka mid ah macalimiinta dugsigyada sare waxaana kulankan soo xidhay badhasaabka gobalka awdal Maxamuud Sh. Cabdullaahi Cige hadalkiisa waxaa ka mid ahaa dugsigan oo kaliya maahan waxay dhibaatada naga haysataa gurmad xoog leh ayaan u galnay dugsigan maalin walba waa laysku haystaa arintiisa waxaadna moodaa inuu dadka ka dhintay damiirkii wax kala garanayey ee ka tagayey waxa danta gaarka ah ee wax ka qabanayey danta guud ardayda waxay u baahan yihiin meelo ay ku nafisaan oo ay ku ciyaaraan ma ahan inuu dugsigu noqdo jeel ee waxaad u saartaa gudi farsamo oo soo qorsheesa qarashka ku baxayo deerka dugsiga.

Wariye Sakariye Carab Cadan
Boorama, Awdal

No comments: