Thursday, September 13, 2007

Gabay: Dhafoor Goror - Daweeye

Dhafoorgoror:
erey ahaan waa marka dhiigu madaxa ka soo dhaadhoco
Dhibjirta aawadeed = maskaxgoror ;
Macnahase uu gabaygan ereygu ugu jiraa waa marka waddan dadka dhafoorka ahi
Ku yaraadaan, ha dhinteen ama ha dhuunteen amaba ha dhoofeene, sida dadka
Waaya-araga ah, kuwa iskuulada sarsare le, samataliska, Indheergaradka
Qalinyahanka, Aqoonyahanka ; kadibna hoggaanka ummadda loo cidleeyo
barbaar aqoontoodu hoosayso iyo qaar ka macaasha darxumada lafteeda.
Hadaba gabaygani wuxuu Soomaalida ugu baaqayaa Dubuheshiisiin buuxda.

''Intooy dhalashood eersadeen dhuunte dabadeede''
dhalashooda ay eersadeen maaha ta qoladooda ee
waa ta garannimadooda, ama Soomaalinimadooda.

waa Fikirkii, Abwaan Daweeye {Axmed Warsame Xasan}
Ku bilow Magaca waaqa guud iyo gaarba naxariista,

Dhismagabay dhawaaqiyo xigmadi, dhalasha weeyaane
lama dhiirigeliye e Allaa, dhiiba oo hure’ e
Dhehna maaha ereyaysku dhacay, waad u dhowdahaye
Dhuunfaafsan dhiidhiib higgaad, dhumuc ku miisaaman

Waa inu dhanxanagaaga sare, qiiro dhaliyaaye
Marhaddaanu dhiigaagu kicin, wayska dhalanteede
Dhuuniga sidiisaa naxwaha, dheri la saaraaye
Dhexdaa lagu hagaaja murtida, ololka dhaadheere

Dhankaraday haday noqoto waa, dhaawac maansaduye
Dhegtaa diida goortay figrado, dhalan habaabaane
Maarhadaad dhubqaalido ka daran, dhoorey hadalkeede
Dhadhankiisu waa inad macnaha, dhidib u aastaaye

Dhufsashada fudaydka ahna wuu, kaa dhutinayaaye
Dheeldheel mid laysaga dhohoo, loo dhacaa jire'e
Waa la dhirindhireeyaa si'aad, xaqa u dhawrtaaye
Dhoylaawonimo waa jahliye, laysma sii dhige' e

Dhugmo gaaban waa laga durkaa, dhihitinkeediiye
Dhafoortaabashada qaarna waa, dhegedki naareeda
Dhinacaaga waa loo tudhaa, aakhiraa dhimane
Hadaad dharaq ku dhoondoonatana waa dhunkaalgabay-ye

Dhilifdhilifta iyo faanku way, kaa dhabqinayaane
Dhankastaa la eegaa hadaad, tahay nin sii dheere.
Dhayal uma tirshe'e shaacir wuu, dhega adaygaaye
Xilka dhabarka loo saaray buu, qalad ka dhawraaye

Waxa loogu dhiibuu qabaa, gabay dhamaantiiye
Dhursugaada waa lagu yaqaan, dhaqane waayeele
Anna dhuuxa mooye'e wax kale, ii dhadhami waaye
Umaan dhalanin hawraar inaan, dhan u qaloocshaaye

Runtana kama dhabaro oo xaqaan, dhihi aqaanaaye
Dhayalna kuma hodmoo waan nebcahay, dheregga qaarkiiye
Inaan dhuxulo noolnool qabsado, dhimirku ii diidye
Dhexdhexaadin baa lagu yaqaan, maansadaan dhige'e

Intuu shacabku dhiidhida ku jiro, aamus iga dheere
Kolley dhiirigelintaa ma jiro, waxan ku dhaafaaye.
Dhimina maayo jeeruu nasrigu, soo dhalaal boxo'e
Dhafandhaaf dhambaalada an sido, waydin dhiidhiyiye

Hadaad dhimir dareen leedihiin, waydin soo dhiciye
Dhafoor goror dhulkeenuu ku dhacay, dhuganna maysaane
Dhegxumaanta waan wada qabnaa, dheelli sharafeede
Dhalliishana hoggaanka bulshada, looga soo dhacay-ye

Dhab u qaadataa iyo caqliga, dhinac marsiisaaba
Murti baan dhexgelayaa hadaad, dhego u leediine
Bal dhegeysta waxan doonayaa inaydin dhaadaane
Taariikhdu waw dheeh naflaha dhaashigoo kale,e

waxa loo dhitaystaa markale yaanad dhaadhicineDhabbihii la eediyo kuwii dheefta lagu gaadhay
Waa si,an dhaleecadi dorraad maantanaw dhicine
Soomaalidu dhibkay soomareen baan la dhaygagaye

Dhawdhawdu uma dhaadhacsana dhegacadduureede
Malaha dhuuf haddii loo jaray wax u dhawaaqaane
Way ku dhegabarjoobaan si kale hadal dhamaantiiye
Balse dhacay sidii wax iga dhumay an iska dhiillaawo

Dhammayn maayo dhiillooyinke,e,dhawr an ka higaadsho
Dharaarii madoobaa haddaan ,dheehashada eegno
Madaxdii dhulkeenoo dhanbaa, dhaaftay xeradiiye
Wax dhaqaajey mooye'e, ajnebi la isu dhaafdhaafye

Siddii dhuuniraacnimo carrada looga dhalandhoolye
Intuu Sanawi dhoorka u fidhay daba dhusleeyeene
Dhanxiirkaa yar baa wada xukumay,nimankan dhaadheere
Iyagoo dhafoora cadcadbay talo ka dhawreene

Darba dhinac intuu ula shirshiray dhururi siisiiye
Dhanjafnoqotay xaajadu markay boqol is dhaafeene
Isku dhidhi intuu kala dhexdhigay dhacama waawayne
Hadba oday dhakadu boos cad tahay sharugu dhaanteeye

Runtana uma dhowaade'e wadani dhiidhiyaan jirine
dhala biira goortuu dhammuu koru dhawaaqaaye
Dhashaaqiyo basbaasiyo loxoox, dhabaqsan oo buuran
dhandhanaan intuu ugu dardaray, dhure ku siisiiye

Goorta ay dhamaystaan hadana, amar u dhiidhiibye
Midba dhinaca reer hebel ka jiro, qunu dhiyaalsiiye
Sirta dhoobakuuska ah runbay, dharabka moodeene
Dharfadloow amxaar baa ku yidhi, guba dhulkiiniiye

way u dheganuglaadeen kufriga dhacay dalkeeniiye
Dar an dhiifba gelinbay rasaas, kaga dhagsiiyeene
Qunyar laga dhaqaaq kaan ka dhalan, Dhicirta waawayne
Nabsi soo dhaxaa laga dhigtoo madi dhibaatawye

Intooy dhalashadood eersadeen, dhuunte dabadeede
Dhafandhaaf dhambaalada an sido, waydin dhiidhiyiye
Haddaad dhimir dareen leedihiin,waydin soo dhiciye
Dhafoorgoror dhulkeenuu ku dhacay, dhuganna maysaane

Dhegxumaanta waan wada qabnaa, dheeli sharafeede
Dhalliishana hogaankaa bulshada, looga soo dhacay-ye
Tukaloo kasii dhiillo kulul, baan dhexgelayaaye
Dhab u qaadataa iyo caqliga, dhinac marsiisaaba

dharaarii madoobaa hadaan, dheehashada eegno
waayeel dhamaaday ableey, kaga dhawaajeendhe
Duqo dhaayabeelay cashuur, dhiibada hayeendhe
Lacagtay ka soo dhocoriyeen, kuma dhaqaalayne

Madaafiic dhammaysiyo hubbay, dubugu dhiibeendhe
wuxu qorigu dhaafay hadana, dhereg u doonteen dhe
Hablo gaajo dhaandhaamisay dhigo yidhaahdeendhe
Dhexyar meehanawday bariis, sunugu dhoobeen dhe

Anaa dhaylo kuuqaadayay, kaga dhammaysteendhe
Jacayl uma dhirbaaxine nafbaa, gaysay dhoobadadhe
Qasabbay kuwada dhaarsadeen inay isdhiibaandhe
Masjidkay dhexdiisii galeen, dhawrta celin waadhe

Miduunbaa la dhuundhuumin jirey dhilanta naagoode
Seddex dumar is dhalay bay marqudha dhegaha laaceenedhe
Iyagoo ilmadu dhaafaysay , dhagaxku aaseendhe
Toban goor mid ay dhali karaan, dheef u raadsade'e

Dhidigaansho lama doonaynine, waa siqiir dhadhine
Dhimirkiyo dareen kaan lahayn, meel dhaqaaqdabe'e
Intooy dhalashadood eersadeen, dhuunte dabadeede

Dhab uqaadataa iyo caqliga dhinac marsiisaaba
Tukaloo kasii dhiilo kulul baan dhexgelayaaye
Dharaarii madoobaa haddaan dheehashada eegno
Gaaridii aqoon dheerlahayd lagu dhowaan waaye

Ku dhabooqday saxaraa la yidhi dhinacyadeediiye
Waxay tidhi dhabtii waan bukaa idinma dhaafsheene
Sidaasay cawaankii dhinnaa kaga dhaqaaqeene
Dhafandhaaf dhambaalada ansido, waydin dhiidhiyiye

Hadaad dhimir dareen leedihiin, waydin soo dhiciye
Dhafoorgoror dhulkeenuu ku dhacay, dhuganna maysaane
Dhegxumaanta waan wada qabnaa, dheelli dharafeede
Dhalliishana hoggaankaa bulshada, looga soo dhacay-ye

Dhab uqaadataa iyo cagliga, dhinac marsiisaaba
Tukaloo kasii dhiillo kulul, baan dhexgelayaaye
Dharaarii madoobaa hadaan, dheehashada eegno
Keenyaati waakii dhexgalay, kala dhaqaaqiiye

Dhalley uurle bay waawiyeen, meel xadka u dhaw-we
Dhanka kale Itoobiya iyana, wax is ma dhaamayne
Khamra lala dhanyaa iyo xashiis, lagula dhaansyaaba
Waakii Amxaaruhu dharqaday, dheemankii jabay-ye

Intooy dhalashadood eersadeen, dhuunte dabadeede
Dhab u qaadataa iyo cagliga, dhinac marsiisaaba
Tu kaloo kasii dhiilo kulul, baan dhexgelayaaye
Dharaarii madoobaa haddaan, dheehashada eegno

Dhabihii adoonsigu ka dhalay, Cadan dhexdeediiye
Aqlada dhexdooday haween, dheri ku maydheene
Dhudi oo silsilad dheer ku xidhan, dhidibka loo taagye
Sida xoolahaa loo dhaqdaa, lana dhukaasaaye

Iyagoo isdhaafay hadana, naag ka dhigayaane
Dhabtiina waa lakala iibsadaa, tii dhegta lahayde
Habla wada dhalaalay heleen, oon cidnaw dhalane
Dhulkasoobax baa lagu matalay, sida Dhalooshiiye

Dhankastaba caadaawuhu ka dhereg, Dheeha iyo Luule
Intooy dhalashadood eersadeen, dhuunte dabadeede
Dhab u qaadataa iyo caqliga, dhinac marsiisaaba
Tu kaloo kasii dhiillo kulul, baan dhexgelayaaye

Dharaarii madoobaa hadaan, dheehashada eegno
Dhakaarada Cadmeed tay dhigeen, dhaaxa la ogaaye
Xeryo dhooban baa lagu afrogey, dhamac rasaaseede
Dagaal baa dhex maray yamanahay, ugula dhuunteene

Afar boqol waxbaa dhaafsanaa, dhimashadeeniiye
Madaafiicda waxa loola dhacay, haba dhammaadaane
Muslinnimo haday dhawrayaan, uu dhab yahay xaalku
Dhagar iyo hubbay soo direen, dhabar jabkeeniiye

Maxay dhuxusha noo siinayeen, sow ku dhimo maaha
Waxaasoo dhibaatooyinnaa, jira dhulkeeniiye
Ragna dhimay haweenkiina dhacan, dhixirka loo gooye
Dhugta ereyadaydoo kakaca, dhaladki ceebowye

Boqolkaa waxlayskuma dhafe'e, dhiillo werinteed dhe
Hadaad hoos u sii dhaadhacdana, dhagar xasuusteed dhe
Dhirbaaxooyinkii ugu xumaa, soo bandhigiddood dhe
Dhakhso taajir dhuungoysmo gacal, dheelmashiyo hoog dhe

Dhextaal gabay dhammaad iyo bilaw, dhidibadiisii dhe
Dhigta udubka miisaanka dhexe, dheellitiristii dhe
Dhiigmaydhe rooob oo onkoday, dhagagacdiisii dhe
Dhafandhaaf dhambaalada ansido, waydin dhiidhiyiye

Hadaad dhimir dareen leedihiin, waydin soo dhiciye
Dhafoorgoror dhulkeenuu ku dhacay, dhuganna maysaane
Dhegxumaanta waan wada qaabna, dheelli sharafeede
Dhalliishana hoggaanka bulshada, looga soo dhacay-ye

Dhab uqaadataa iyo caqliga, dhinac marsiisaaba
Murti baan dhexgelayaa hadaad, dhego u leediine
Bal dhegaysta waxan doonayaa, inaydin dhaadaane
Umushuba dharaaray xanuun, dhinac u jiiftaaye

Dhakhsana way illowdaa halkii, dhaawacu ahaaye
Wax u dhow masaladaa haddaan, dheeha ka afuufo
Dadkeenana dhigaasay caqliga, dherer wadaagaane
Gumaystuhu intuu dhaansaday, talo u dhibtaane

Dhakhsana way ilaawaan wixii, dhiillo soo maray-ye
Hadba kii dhashuunbaa yidhaa, dhuunta nagu jiide
Waa ciriq dhammaanteen ku jira, dhinaca duul saare
Inaan geed isugu soo dhacnay, talo ku dhaabnayde

Waa lakala dhabarayaa horjoog, laysku dhici waaye
Dhexfadhiiste Keenyaati iyo, dhawr daloo kale'e
Waxba nama dhexaadshaane way, sii dhambalayaane
Waala kala dhantaalaa midnimo, tii dhabta ahayde

Hadba dawladay noo dhisaan, dhicisay uurkii dhe
Wax dhashaaqsha mooye'e xabbay, dhali taqaanaa dhe
Markaan dhoof idhaahdaba dubbay, sugu dhalaashaa dhe
Intaan dhaxanta joogu wakhtigu, sii dhakhsanayaa dhe

Dhamaanteedba soo maaliwayn, laga dhug roonaaye
Badh diyaarad lagu dheelmiyoo, tigidho loo dhiibo
Iyo qaar hub lagu dhiibiyo dhimasha doondoon ah
Labadaa dhibcood baa heshiis, laysku dhaafsaday dhe

Waa si an dhankeenaba hadeed, uga dhammaanaa dhe
Waa si ay dhulkeenaba, dadkale dhaxal u qaataan dhe
Waa si an maryaa ugu dhaqnaa, qoom dhiggeena'a dhe
Markab dhacay dad wada saaranoo, dheelintaan nahay dhe

Dhengadaanu wada haysanaa, laysla dhacayaa dhe
Dhaxaltooyo qoysbaan rabnaa, dhaadashiyo faan dhe
Kubad baynu wada dheelaynaa, goolku dhalanayn dhe
Waxa laysku dhaarsaday anaa, dhuunigaw hadhi dhe

Dhexdaa laysqabsaday meel cidla ah, dhooqo iyo ceeb dhe
Intuu Dhugadba kii kale ku dhegey, dhoolahays dare dhe
Goortuu Dhurduhu laag yidhaa, Dhoocil kala tuur dhe
Dhudhumada intoo lagu qabsaday, dhumiye xeerkii dhe

Wuxu dhiidha Siidhigu hayoon, dhidika tiixnaaba
Dhexduun baa la keenaa markale, koobki dhagareed dhe
U dhowaanta Eebuu khalqigu, wax isku dhaamaaye
Wax kalooy is dheerdheeryihiin, diintu may dhigine

Habkuu dhuuni qaybsigu u dhacay, dhaciyo xaaraan dhe
Dhibanaha intoo loo tashaday, Dhebiga loo fiiq dhe
La dhaqaaji Dhawrsane qarsoon, iyo Dhiblaawii dhe [4.5]
Nin dhaniyo nin dhiman baynu nahay, dheef wax lagu sii dhe

Dhalwash lagaga sii maarta kulul kii runta u dhow dhe
Intooy dhalashadood eersadeen, dhuunte dabadeed dhe
Kontonkaa waxlayskuma dhafe'e, dhiillo werinteed dhe
Hadaad hoos u sii dhaadhacdana, dawlad dhicisow dhe

Siday Dhirindhir dhay uga liseen, dhaarashada been dhe
Qaran dhawrto lagu raadsadoon, dhab u shaqaynayn dhe
Magac kiish dhexdii lagu ridooy dhabarka saarteen dhe
Dhextaal gabay dhammaad iyo bilaw, dhidibadiisii dhe

Dhigta udubka miisaanka dhexe, dheellitiristii dhe
Dhiigmaydheroob oo onkoday, dhagagacdiisii dhe
Dhafandhaaf dhambaalada ansido, waydin dhiidhiyiye
Hadaad dhimir dareen leedihiin, waydin soo dhiciye

Dhafoorgoror dhulkeenu ku dhacay, dhuganna maysaane
Dhegxumaanta waan wada qabnaa, dheelli sharafeede
Dhalliishana hoggaankaa bulshada, looga soo dhacay-ye
Dhab uqaadataa iyo caqliga,dhinac marsiisaaba

Murti baan dhexgelayaa hadaad, dhego u leediine
Bal dhegaysta waxan doonayaa, inaydin dhaadaane
Wadankana dhardhaaraa ku xidhan, kamarad dhuun dheerdhe
Goortaan Dharreeyada gallay, inagu dhuunteendhe

Intaan Walasaqada dheeleyneey, khayrka dhurayeendhe
Dhudda Saylac dhaabadaha bari, taniyo Awdheegle,
Inay dheeman ciidii rarteen, lagu dhig joornaaldhe
Ka dhammeeye xeebaha wixii, dhoorsanaan jiraydhe

Ceebaad hubkii lagu dhuftaad, dhab u ogaydeendhe
Dhawr baac dhulkuu hoos u galay, dherer daraadiidhe
Waa uun dhib laynoo qarshoon, cidina dhaadayndhe
Tukaloo ka sii dhiillo badan, baan dhexgelayaaye

Sunta waxay ka soo dhaamiyaan, dhiillo farawayndhe
Dheecaan ku jira booyad bay, nagu dhex tuuraandhe
Waa waxa caqliga dhuuqay-yee, laysu dhibayaadhe
Tukaloo ka sii dhiillo kulul, baan dhexgelayaaye

Dhiddig xooleheenii la dhaqay, dhoof-ma-geydadadhe
Tukaloo ka sii dhiillo kulul, baan dhexgelayaaye
Dhirta iyo ugaadhii badnayd, Dhooli lagu qaad-dhe
Dhafaruur macaaniyo Quwaax, malabka dhiiqaaya

Iyo Dhebidhanaan midha dhaloo, dhuguc ku joogjoogo
Dhigridii udgoonayd Cillaan, dhiincaska abuura
Kol ay Dheenta buuraha ku tahay, way dhakhtariyeendhe
Tu kaloo ka sii dhiilo kulul, baan dhex gelayaaye

Dhanka kale Yaxaaskiina dhacan, madaxa dhuubnaadhe
Intoo gacanka lagu dhaadhacuu, wiish ku soo shegeydhe
La dhidhiibi Jeertii dhextiil, dhoobo webiyeed-dhe
Tukaloo kasii dhiillo kulul, baan dhexgelayaaye

La dhaqaaji haadii fadhiday, dhiraha waawayndhe
Dhugdhugtii rasaastay carada, dhan uga yaaceendhe
Dhuugiyo Qaniin baa hadhiyo kii Dhilqa ahaadhe
Iyaguna dhankooday jaqaan, dhiigga maytidadhe

Tukaloo kasii dhiilo kulul, baan dhexgelayaaye
Bahalihii Dhurwaa baa ka hadhay, dhamal ku noolaadhe
Isaguna dhankiisuu marxuum, dhereg u doontaadhe
Kolla lama dhaqayn oo xabaal, kuma dhextuuraane

Waraabayska dhuunyada nin weyn, oo dhabada yaal dhe.
Soddonkaa waxlayskuma dhafe'e, dhiilowerinteed dhe
Hadaad hoos u sii dhaadhacdana, dhurasho khayraad dhe
Dhulla-helay siduu nacab u dhoco, dhamamixiisiidhe

Dhextaal gabay dhammaad iyo bilow, dhidibadiisii dhe
Dhigta udubka miisaanka dhexe, dheelitiristii dhe
Dhiigmayadhe rooboo onkoday, dhagagacdiisii dhe
Dhafandhaaf dhambaalda an sido, waydin dhiidhiyiye

Hadaad dhimir dareen leedihiin, waydin soo dhiciye
Dhafoorgoror dhulkeenuu ku dhacay, dhuganna maysaane
Dhegxumaanta waan wada qabnaa, dheelli sharafeede
Dhalliishana hogaankaa buslshada, looga soo dhacay-ye

Dhabu qaadataa iyo caqliga, dhinac marsiisaaba
Masalaan dhexgelayaa hadaad, dhego u leediine
Bal dhegeysta waxan doonayaa, inaydin dhaadaane:
Dhillawyahanku waa geed ku dhega, dheegga geed kale'e

Isuma dhaanto Dhuurtiyo Higladu, labada tii dheere
Dhosoqiyo, dhasaynada, Qansaxu, waw dhiggii kale'e
Dharkaynitiyo Dhalooshiyo yubaha wuu dhexgelayaaye
Dhogorna uma eke'e waa hadana, dhalan ilaahay-ye

Dhirta wuxu isugu maray hadaan, dhab uga faaloodo
Xididaan dhulkaw gelin intuu, dhaabto keligiise
Wax u dhow tusaalahan hadaan, dheeha ka afuufo
Wax ka dhigan ninkaysdhiiba een ceeb ka dhiidhiyine

Dadkeenana dhiggaasoo kalay, dhaqan wadaagaane
Dhammaanteed adduunyada ma jiro, dhimir ka soocaaye
Iyagays dhunkaale'e khalqiga, way dhunkanayaane
Dadkuba dhoofka wuu wada tagaa, dhume kuweeniiye

Dhalinyariyo waayeel la noqoy, Dhaanish iyo Fiine
Dhablin iyo Dhaj baa loo dhigaa, ubadki dhaanteeye
Afsoomaaligii laga dhammaa, dhumucda waynaaye
Xigmadihii laakala dheegan jirey, dhawr gu' maan maqale

Waa la dhalangediyey odayadii, dhaabadda adkaaye
Wuxuunbays dhexdhigayaan sidii, loo dhakaan dhebay-ye
Dhaameelka loo soo ruxay, dhaqanki siisteene
Dhurankuna qabiil buu noqdiyo, Dhoore yaa dilay-ye

Murti baan dhexgelayaa hadaad, dhego u leediine
Ninkii dhaanka raray ee laydihi, soo biyaha dhaami
Ee dhiililhii neefku siday, dhado ku sii daayey
Ee toban dharaarood ratiga, dhugasho goobaayey

Dhexda awrki waakaa ku lumay, sida dhiggiisiiye
Murti baan dhexgelayaa hadaad, dhego u leediine
Wax la yidhi wadani waw dhalee, layska dhigiwaaye
Murti baan dhexgelayaa haddaad, dhego u leediine

Dhar magaalo sida loo xidhaa, waa dharaaar qudhahe
Dhalse magaalo sida loo noqdaa, waa dhibgooniyahe
Wax u dhow tusaalahan haddaan, dheeha ka afuufo
Inkastuu dhexrooruu jacayl, dhaanto ugu qaado

Inkastuu sidii Maykal dhilo, dheeha haraggiisa
Nina dhii-en-eey raaci waa, qoom kaloon dhaline
War waa dhagar awawgii ninkii, xoolo dhaafsaday-ye
Soddonkaa waxlayskuma dhafe'e, dhiillo werinteed dhe

Hadaad hoos usii dhaadhacdana, dhaqan wareeggii dhe
Dadkii dhadiyo ceeryaan dhexgalay, een dhulla lahayn dhe
Qaxootiga dhaboolaqay carada dhabaqlaguurkii dhe
Dhextaal gabay dhammaad iyo bilow, dhidibadiisii dhe

Dhigta udubka miisaanka dhexe, dheelitiristii dhe
Dhiigmaydhe rooboo onkoday, dhagagacdiisii dhe
Dhafandhaaf dhambaalda an sido, waydin dhiidhiyiye
Hadaad dhimir dareen leedihiin, waydin soo dhiciye

Dhabu qaadataa iyo caqliga, dhinac marsiisaaba
Murti baan dhexgelayaa hadaad, dhego u leediine
Bal dhegeysta waxan doonayaa, inaydin dhaadaane
Dhafoorgoror dhulkeenuu ku dhacay, dhuganna maysaane

Dhegxumaanta waan wada qabnaa, dheelli sharafeede
Dhalliishana hogaankaa bulshada, looga soo dhacay-ye
Kii inuun dhaqaalayn lahaa, hore u soo dhaafye
Dhiigyacab intoo looga tegey, dhaxalki loo daaye

Dhallaan iyo haweenbaysku hadhay, jaahil dhaansado'e
Dhigaanya xunna waa kii tacliin, loogu dhigay looxe
Nimankii iskuulada dhexgalay, dhab u ogaysiiya
Inay dhaxantu geestaa ka timid, dhab u ogaysiiya

Dhegaatina ma soohaan raggii, ciidda loo dhalay-ye
Waxay soo dhigteen maynu arag, dhuray ku keeneene
Qalinyahanku wuu dhoohanyee, dhabu ogaysiiya
Jaamacadda waa lagu dhintee, dhab u ogaysiiya

Dhulla male hadana way dhigtaan, kii dhisma ahaaye
Adoon dhaqanin geel dhiil u culo, dhimani weeyaane
Inay dheelalaabaan qurbaha, dhab u ogaysiiya
Dhallaankoodi waa oomanyee, dhab u ogaysiiya

Inay dhaan u rarayaan dadkale dhab u ogaysiiya
Tobankaa waxlayskuma dhafe'e, dhiillo werinteed dhe
Hadaad hoos usii dhaadhacdana, dhoof an soo noqon dhe
Dhaleecaynta buuggii cilmiga, dhigashadiisii dhe

Dhakafaarka Jaamici ku dhacay, dhaxal la'aanti dhe
Dhextaal gabay dhammaad iyo bilow, dhidibadiisii dhe
Dhigta udubka miisaanka dhexe, dheelitiristii dhe
Dhiigmaydhe rooboo onkoday, dhagagacdiisii dhe

Dhafandhaaf dhambaalda an sido, waydin dhiidhiyiye
Hadaad dhimir dareen leedihiin, waydin soo dhiciye
Dhafoorgoror dhulkeenuu ku dhacay, dhuganna maysaane
Dhegxumaanta waan wada qabnaa, dheelli sharafeede

Dhalliishana hogaankaa bulshada, looga soo dhacay-ye
Dhab u qaadataa iyo caqliga, dhinac marsiisaaba
Murti baan dhexgelayaa hadaad, dhego u leediine
Bal dhegeysta waxan doonayaa, inaydin dhaadaane:

Kubaddii wax layskula dhacdhoco, dhinacyadeeniiba
Dharka waxay ku qariyaanba way, dhaaftay sheekaduye
Dhabta waxay u saareen ajnebi, dhabara waawayne
Dhugta reer galbeediyo baraa galay dhexdeeniiye

Hadaad hoos u sii dhaadhacdana, waa dhadhaabkale'e
Bal inay taladu dhoohantooy meel u dhimanayso
Xabashigu dhankeenuu ka helay, dhuliyo maamuuse
Ereterina wuxu noo dhexgalay dhagar siyaaseede,

Waa laba dhankeena u fikiray, dhibiyo maandhaafe
Waysku dhalasho iyo diin hadaad, dhab u taqaanaane
Dhexdana waxa kujiri waa inaga, laysla dhacayaaye
Maxaa loogu soo kala dhegdhegey, wax isma dhaamaane?

Waxba yaanan sii dheehanine, waa dhig soo godane
Dhugdhugiyo rasaas baan maqlaa, inay dhacaysaaye
Abwaanadu ma dhiirdhiiriyaan, xadadkan dhowdhowe
Waa sida dhakhaatiir gurmada, inay u adhaafaane

Hadba gobolka dhiiladu jirtaa, lagu dhaqaaqaaye
Dhexdhexaadinteenaa ka roon, dabadhaslayn jaane
Maxaa dhacay maxay dhawrayaan, ee dhulka u yaale
Nimankii murtida dhaaminjiray, dhab u ogaysiiya

Kuwuu dhiigu diiree fikira, dhab u ogaysiiya
Dhanka xeebta waa ina Cilmiye, dhab u ogaysiiya
Calijawharkii Dhiirran jirey, dhab u ogaysiiya
Dhamaciyo dhiggiisii Bashiir, dhab u ogaysiiya

Dhaqaaleeyihii Ganey ahaa, dhab u ogaysiiya
Dhammow Walanwal yaan dhafinine, dhabu ogaysiiya
Dhanka koonfureed iyo galbeed dhabu ogaysiiya
Cabdigii runtaw dhici ogaa, dhab u ogaysiiya

Mustafihii dhibaatada nebcaa, dhabu ogaysiiya
Dhoodaan ha dhiibte'e murtida, dhabu ogaysiiya
Inta gabay dhdii kala taqaan, dhabu ogaysiiya
Dhammaanteedba soomaaliweyn, dhabu ogaysiiya

Ninkii dhaayaloow maansadaa, igula soo dhiirro
Geesiga dhulka u hiiliyoow, igula soo dhiirro
Gobanimo halyeyga u dhashow, igula soo dhiirro
Soddonkaa waxlayskuma dhafe'e, dhiillo werinteed dhe

Hadaad hoos u sii dhaadhacdana, dhalasha doondoon dhe
Dhammaanteen midnimo loodhanyahay, dhaawacbixinteed dhe
Dhexdhexaadin Soomaliyeed, dhagaxdhiggeedii dhe
Dhextaal gabay dhammaad iyo bilow, dhidibadiisii dhe

Dhigta udubka miisaanka dhexe, dheelitiristii dhe
Dhiigmaydhe rooboo onkoday, dhagagacdiisii dhe
Dhafandhaaf dhambaalda an sido, waydin dhiidhiyiye
Hadaad dhimir dareen leedihin, waydin soo dhiciye

Dhafoorgoror dhulkeenuu ku dhacay, dhuganna maysaane
Dhegxumaanta waan wada qabnaa, dheelli sharafeede
Dhalliishana hogaankaa bulshada, looga soo dhacay-ye
Aniguna dhankaygii an dhigo, dhagixi koowaade

Dhab u qaadataa iyo caqliga, dhinac marsiisaaba
Masalaan dhexgelayaa hadaad, dhego u leediine
Bal dhegeysta waxan doonayaa, inaydin dhaadaane:
Dharlaawiyo Dhegooliyo midaan, Dhaaya kala haynin

Iyo mid an lugaha dhaaban karin, kuna dhaqaaqaynin
Afartaa la dhaama socdaal, dhawr habeen galay-ye
Wax la yidhi dharaaray socdeen, dhixitinkoodiiye
Iyagoo dhibaataysanoo, gelindhexaad jooga

Ninkii dhaayalaawaha ahaa, dhiillo soo weriye
Seddexdii kaluu been ku dhuray, kana dhegaysteene
Wuxu yidhi coldhiiflaan arkaye, dhinac u soo baydha
Shufto soo dhow baa muuqate'e, dhawra hadalkiina

Dhabacdoo is qariyuu ku yidhi, ha ina dhaafaane
Dhegoolana dhawaaq baan maqluu, dhahay markiisiiye
Dharlaawana intuu dhaygag galay, dhuumatada raacye
Wuxu yidhi shuftadu way dhacaan, kii dhalaal badane

Warsaayooy maryaha naga dhuftaan, garan ma dhaafaane
Curyaankina dhankiisii ka raac, tala dhamayntiiye
Wuxu yidhi dhamaysbaan nehee' maan dhan uga yaacno
Wax u dhow tusaalahan haddaan, dheeha ka afuufo

Weligeen runtaan loo dhowaan, oon ka dhirifnaaye
Dhafoorgoror dhulkeenuu ku dhacay, dhuganna maysaane
Dhegxumaanta waan wada qabnaa, dheelli sharafeede
Dhalliishana hogaankaa bulshada, looga soo dhacay-ye

Dhab u qaadataa iyo caqliga, dhinac marsiisaaba
Dhacdo soojireenoo horaan, dhaabo leeyahay-ye
Bal dhegeysta waxan doonayaa, inaydin dhaadaane:
Hadduu kibirku dheefleeyohoo, dhoogsan lagu gaadho

Hitler baa dhufays ciidan gala, dhumuc u waynaaye
Goortuu Adduunyada dhibuu, dhagar u soo jeestey
Goortuu xaqii dhaafay uu, dhaadasho u baydhay
Uu yidhi anaa dhalad ahuu, dhoorka koru taagay

Uu yidhi dhulkaan duubayaa, badaha dheegooda
Waakii Ilaahay u dhigay, dabin ma dhaafaane
Waatay dharaar mida qarbigu, wada dhirbaaxeene
Baarliin markii lagu dhuftee, laysku dhacadiidshey

Dhabanacasta waakii dhexdhigay, dhuunta tiisa ahe
Dhankaan rabo tusaalahan haddaan, dheeha ka afuufo
Macnuhu waa ka dhawrsada xumaan, lagu dhibaatowye
Mid u dhow qiyaastii haddaan, dhererka raacsiiyo
Boqorkii dhufaamee rag badan, soo dhikilasiibey
Goortay dhanaanaatay-yee, laysku dhibisaydhay
Maahmaah an dhicin buu ka tegey, dhihitinkiisiiye
Wuxu yidhi dhamaystire haddaan dub u dhalaalraacno:

'Ragga hooyadiina u dhisoo huuno wax u dhaama-
Dhankastaba ka eegoo ma arag weli dhawaaqaase-
Wuxu yidhi ka dhawrsada dad waa, Dhidara shaydaane.
Inkastoo dhijaan lagu ridoo, dhoobo lagu aaso

Isagoo dhibiiyuu hadana, dhiif lasoo kiciye
Sida dhuxunkureebkii ilkaha, maru dhag kaa siiyo
Ama uu dhabada kuu dhigdhigo, qodaxyo dhuudhuuban
Waakii wuxuun kugu dhufteen, kaa dhalleexsamine

Mar hadduu ku dhaafana markale, kaa dhabari waaye
Wuxu yidhi ka dhawrsada dad waa, Dhidara shaydaane.
Haddaad dhawr ka guulaysatood, libin ku dheeraato
Middunbaa dharaar kuu fikiri, tu anad dhaadayne

Wuxu yidhi ka dhawrsada dad waa, Dhidara shaydaane
Dhiinsoole kii soo xidhiyo, Dhuu ka halabaystay
Dharkaa kala wannagsane caqliga, wax isma dhaamaane
Inu kaa dhabiiltami ogyaa, dhici karaysaaye

Hays dhihin adaa dheer garaad, waxan dharbaashaysan
Oo wuxu yidhi kadhawrsada rag waa, dhidara shaydaane
Dhankaan rabo tusaalahan haddaan dheeha ka afuufo
Macnuhu waa xumaan haw dhadhabin lagu dhibaatowye

Mid u dhow qiyaastii haddaan dhererka raacsiiyo
Dhababacada Saadaam wuxuu dhagar jeclaystaaba
wuxu qolo dhallaanka u korshuu qaarna dhadhiyaaba
Wuxu geesi dhacadiidiyuu, libin ku dhaataaba

Dhiinsoole naagaha wuxuu, agal u dhiibaaba
Wuxu suuqyo lays dhaafi jirey, dhaxan ka yeelaaba
Raganimo dhammaanteed wuxuu, dhabarka saartaaba
Wuxuu sii dhiyaalaba tu dhigan, dhaafi kari waaye

Waatay dharaar mida Qarbigu, wada dhirbaaxeene
Waatay u dhiibeen habeen, qoomamkuu dhibaye
Waatay kuwuu dhaami jirey, xadhig ku dhuujeene
Waatii dhigdhoxo soo daldalan, dhuunta loo sudhay-ye

Waatay dhaleeciyo afxumo, ugu dhameeyeene
Ashahaada waakii ku dhegey, dhihitinkeediiye
Isagoon dhammayn bay birii, kala dhaqaajeene
Dhabaq waxay ka siiyeen khankuu, dherer u taagnaaye

Ragaysane halkuu dhiibsanaa, dhaafe lugihiiye
Waatii qofkii dhimir lahaa, dhiigu joogsaday-ye
Waatay markuu dhacay hadana, daba dhaqaaqeene
Waatay sidii bahal Dhurwaa, ugu dhowaadeene

Dhawr toban dad dhaafsiisan baa, joogey dhagartaase
Allaylehe dembiga kuu dhexgalay, laga dhallaan maydhye
Mar haddii qisaas lagu dhuwamay, waa siqiir dhabahe
Inay cay kusii dheelmiyaan , waw dhandhaannimo'e

Waana dhaqan cawaannimo in mayd, lagu dul dheelaaye
Dhasalaaluqii jaahilnimo, dhabanahays reebye
Waa xaal dhanaan oo ka yimid ciil dad dhaansamay-ye
Dhirdhirbaaxe maydkii wax badan, tii allaa dhimane

Dhankaan rabo tusaalahan haddaan, dheeha ka afuufo
macnuhu waa ka dhawrsada dakane lagu dhibaatowye
Mid u dhow qiyaastii hadaan, dhererka raacsiiyo
Horaa loo dhameeyee cilmiga, waynu dhababnaaye

Ninki'i dhalay xigmaduhuu dhigaan, dhaaba leeyahay-ye
Waa midu dhashiisawga tegey, dhaxalgalkiisiiye
Wuxu yidhi dhamaystire hadaan, dubu dhalaalraacno
Dadka kaleba waw dhaarsan yahay dheefiyaay xamare

Dhayalbay la tahay REERWARSAME dhaqashadii geele,
Haddaan dhiirigelintaa macnaha, qun uga soo dheego
Dadka kaleba waw dhaarsanyiin, inay is dhawraane
Dhayal bay la tahay tii midnimo, dhegaha Soomaale

Dhankaan rabo tusaalahan haddaan dheeha ka afuufo
Macnuhu waa ka dhawrsada xumaan lagu dhibaataw-ye
Boqolkaa wax layskuma dhafe'e dhiillo werinteed dhe
Haddaad hoos u sii dhaadhacdana dhibatusaalayn dhe

Dhexdhexaadin Soomaaliyeed dhagax dhiggeedii dhe
Dhammaanteen midnimo loo dhan yahay dhaawac bixinteed dhe
Dhextaal gabay dhammaad iyo bilow dhidibadiisii dhe
Dhigta udubka miisaanka dhexe dheellitiristii dhe

Dhiigmaydhe rooboo onkoday, dhagagacdiisii dhe
Dhafandhaaf dhambaalada an sido, waydin dhiidhiyiye
haddaad dhimir dareen leedihiin, waydin soo dhiciye
Dhafoorgoror dhulkeenuu ku dhacay, dhuganna maysaane

Dhegxumaanta waan wada wabnaa dheeli sharafeede
Dhalliishana hoggaankaa bulshada, looga soo dhacay-ye
dhab u qaadataa iyo caqliga dhinac marsiisaaba
Murti baan dhexgelayaa hadaad dhego u leediine

Bal dhegaysta waxan doonayaa, inaydin dhaadaaane
Marbuu cadawgu kuu dhaamayaa, kaysla dhalateene
Dhogortiihuwane waa ninkii dhibay walaalkiiye
Ku dhufoo dhaqaaq kii is yidhi, dhaaftay taladiiye

Dheg haddii la jaro sow dalool, dheeri hadhi maayo
Gacankaa dhacdoo kugu dhacdaa,dhimasho soow maaha
In dhabtii sidaa xaalku yahay, dhuumata hagoogan
Bal dhegaeysta waxan doonayaa, inaydin dhaadaane

War ma dhamaado qoomkaan Rabbigu xadadka dhaafsiine
Dhicina mayso reer inu ku dhoco, dhoomo looqaday-ye
Dhallaankeena uun baa hantiyi, dhaxal nacaybeede
Dhitayada waxaan uga tagnay dhurani doonaane

Hadba qaar dhibiibyaa markale, dhiif la soo kiciye
Iyagoo dhilmaayaysanbay, dhaanto soo celine
Dhankaan rabo tusaalahan haddaan dheeha ka afuufo
Macnuhu waa ka dhawrsada xumaan lagu dhibaataw-ye

Mid u dhow qiyaastii haddaan, dhererka raacsiiyo
War caanaha dhan iyo soo dhanbaa la isu dhiibaaye
Mid hadduu dhamaystuu qudhqudho dhiilka wada laaco
Dhaqankeena ceebay ahyd , dhegaha Soomaale

Inaan dhuuni kala jiidanaa, waa dhegxumo wayne
Dhankaan rabo tusaalahan haddaan dheeha ka afuufo
Macnuhu waa ka dhawrsada waxboob kuma dhergeysaane
Mid u dhow qiyaastii haddaan dhereka raacsiiyo

Dhafoorgoror dhulkeenuu ku dhacay dhuganna maysaane
Dhegxumaanta waan wada qabnaa dheellisharafeede
Dhalliishana hoggaankaa bulshada looga soo dhacay-ye
Dhab i qaadataa iyo caqliga, dhinac marsiisaaba

Murti baan dhexgelayaa hadaad, dhego u leediine
Baldhegeysta waxan doonayaa, inaydin dhaadaanne
war seddexdii dhardhaaree mid dhacay dheri maqaadaane
Dantuna waa dhigaasoo kaloo, la isla dhawraaye

Dhinacyada haddaan laysla qaban, fool la dhiqi waaye
Dhufays qudha inaan wada galaa waa gob dhaqankeede
Dhawaaq mida inaan yeelanaa, waa gob dhaqankeede
Dhammaan waynu wada toosannahay dhigiyo loolkeene

Dhalawdhalawda biibiisidaad, kala dhirfaysaane
Intood geedo dhacadiidsataan dhalayga soo maala
Dhawrtada shisheeyuhu waxbay sii dhabqinaysaaye
Gool dhaysinaayiyo wan weyn dheri ku moofaysta

Idinkoon dhubqaaliyin murtida dhego u sii daaya
Isku soo dhowaadoo gacmaha keen! isugu dhiiba
Dhunkashana ku dara waa si'aad dhagar u daysaane
In cadaalad layskula dhaqmay dhuri ku joogtaaye

Allaw soo dhowee waa waxaan dhawrayee maqane
Kontonkaa wax layskuma dhafe'e dhiilo werinteed dhe
Hadaad hoos u sii dhaadhacdana dhalasha doon doon dhe
Dhex dhexaadin soomaaliyeed dhagaxdhiggeedii dhe

Dhamaanteen midnimo loo dhanyahay, soo dhakhtarinteed dhe
Dhextaalgabay dhammaad iyo bilow, dhidibadiisii dhe
Dhigta udubka miisaanka dhexe, dheellitiristii dhe
Dhiigmaydhe rooboo onkoday, dhagagacdiisii dhe

Dhafoorgoror dhulkeenuu ku dhcay dhuganna maysaane
dhegxumaanta waan wada qabnaa, dheelli sharafeede
Dhalliishana hoggaankaa bulshada, looga soo dhacay-ye
Dhab u qaadataa iyo caqliga, dhinac marsiisaaba


Murti baan dhexgelayaa hadaad, dhego u leediine
Bal dhegeysta waxan doonayaa, inaydin dhaadaane:
war hadaan gabayga dheeree idhaa waad ku dhama'daane
Dhamal buu noqdaa lagu ambado, dhexiyo daaftiiye

Sida dhaanwidhwidhistoo kaluu, wada dhalaalaaye
Dhugmo fiican ruuxaan lahayn wuu dhexmarayaaye
Dhayal laguma soo helo macnaha dhudaha qaarkoode
Dhibicdiyo ujeedada ragbaa, dhaafa oon arage

Ninkii dhaayagaabani ma helo meel an raad dhigay-ye
Dhankaan ka hadlo wiil dhaartay baa hoos u dhaadhaca'e
Bal an soo dhoweeyee tixdaa, dhab uga faalooda
Bal dhudhumiya maansada halkaan dhaabada u saaray

Dhugta ereyadaydoo markale dhinac walbaw eega
Farta dhabanka saaroo macnaha igula dheeraada
Runta lama dhabcaale'e xaqaa lagu dhowaadaaye
Bal dhammeeya xaajada wixii dhimanna noo sheega.

Maansha Allaah

2 comments:

Anonymous said...

[url=http://firgonbares.net/][img]http://firgonbares.net/img-add/euro2.jpg[/img][/url]
[b]outside sales software, [url=http://firgonbares.net/]software online shop[/url]
[url=http://firgonbares.net/][/url] office like software order software australia
sun office software [url=http://firgonbares.net/]structural designer autocad[/url] nero ultra 9
[url=http://firgonbares.net/]software stores canada[/url] software programs to buy
[url=http://firgonbares.net/]oem software review[/url] coreldraw maps
buying new software [url=http://firgonbares.net/]softwares price list[/b]

Anonymous said...

Your blog keeps getting better and better! Your older articles are not as good as newer ones you have a lot more creativity and originality now keep it up!