Wednesday, September 12, 2007

Bannaanbaxyo Lagaga Soo Horjeedo Xadhigga Siyaasiyiinta

Hargeysa Iyo Burco Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland —
12 September, 2007

Bannaanbaxyo Lagaga Soo Horjeedo Xadhigga Siyaasiyiinta Qaran Oo Si Nabadgelyo Ah Uga Dhacay Hargeysa Iyo Burco

Hargeysa.Sept.12.2007.(Somaliland.Org) Muadaaraado balaadhan oo si weyn loo soo agaasimay ayaa maanta ka dhacay magaalooyinka Hargeysa iyo Burco. Mudaraadka ka dhacay caasimada Hargeysa oo ay soo agaasimeen hogaanka ku meel gaadhka ah ee urur siyaasadeedka Qaran waxa ka soo qayb galay dadweyne aad u tiro badan oo ka kala yimi qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo ay hormuudka ahaayeen hogaanka ku meel-gaadhka ee ururka Qaran Iyo Madaxda sare ee xisbiga KULMIYE oo uu horkacayo gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud "Siilaanyo".

Banaanbaxan oo socday mudo saacad iyo badh ah wuxuu ka soo bilaabmay Barxada xarunta ka horeysa Hotel Xaraf ee dheega ku haysa buundadii go'i jirtay, Cali Dhooqo, isla markaana wuxuu ku dhamaaday wadada hor marta wasaarada maaliyada. Inkasta oo xukuumadu isku dayday inay is hortaagto banaanbaxaas isla markaana ciidamo aad u tiro badan oo bileys ah oo wata gaadiid tiro badan la soo dhoobay aagaagaasi banaanbaxu ka socday, balse duufaanka culus ee ka horyimi awgeed way u suurtooni weyday in xukuumadu joojiso banaanbaxaasi, halkaas oo ay isugu yimaadeen kumanaan dadweyne ah oo sita boodhan ay ku xardhan yihiin hal ku dhegyo ay ku taageerayaan go'aamadii gudiga dhexdhexaadinta golayaasha qaran isla mar ahaantaana ay ku cambaaraynayaan filin la'aanta go'aamadaasi ee dhinaca M/weyne Riyaale.

Waxaa halkaasi kula hadlay dadweynaha xubno doora oo ka mid ahaayen qaar ka mid ah hogaanka ku meelgaadhka ah ee urur siyaasadeedka qaran iyo hogaanka xisbiga KULMIYE, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud "Siilaanyo", Afhayeenka xisbiga KULMIYE Muj Maxamed Kaahin Axmed, Muj Muuse Biixi Cabdi, Mudane Cali Muxumed Guuleed "Cali Maarshaal", iyo Maxamuud Jaamac Abgaal oo ka mid ah gudiga fulinta ee xisbiga KULMIYE isla markaana ka soo jeeda gobolka Awdal.
Dhinaca hogaanka ku meel gaadhka ah ee ururka qaran waxa u hadlay gudoomiyaha ku meel gaadhka ah ee ururka qaran Cali Ducaale iyo Baashe Cabdi Gaboobe oo ka mid ah hogaanka ku meel gaadhka ah ee urur siyaasadeedka qaran.

Todobba (7) qof ayaa ciidanka Boolisku qabqabtay maanta, kuwaas oo lala xidhiidhiyay agaasinka mudaharaadkan. Dhinaca kale, magaalada Burco ayaa iyana waxa ka dhacay Mudaharaad ballaadhan oo lagaga soo horjeedo xadhiga siyaasiyiinta Qaran iyo diidmada Madaxweyne Riyaale ka dhega-adaygay go'aankii ergada dhexdhexaadinta oo aanu fulin qaybtiisii.

Liibaan Maaweel, Hargeysa.
Xaquuqda Sawirada: SDWO

Source: Somaliland.org

No comments: