Thursday, September 13, 2007

Shamsan - Hees Jacayl Ah: Eedaad

Halkan waxaan rabnaa inaan ku soo bandhigno suugaan ka mid ah Suugaantii abwaan Shamsan Isamil Nur oo hadda ku nool gobolka kansas ee dalka USA ,hadaba heestan oo magaceeda la yidhaa Eedaad oo ah hees jacayl ah oo uu sameeyay Abwaanku 1991kii isaga oo ku sugnaa dalka Djibouti ka dib markii uu ka soo laabtay dalka Egypt oo uu markaa wax ka baran jiray . hadaba sababta uu heestan u tirshay ayaa ahayd isaga oo waqtigaa mawjado jacayl ah dhax dabaalanaayay ..heestani waxay ka mid tahay heesaha ka baxa Adeecada Djibouti ee uu abwan Shamsaan leeyahay uuna u tirshay xaaskiisa Nimco Ahmed Ali waatana heestii:

Anuunbaa arladan yugan
Asaagay ka dhoofee
Addimada maxaa i xidhay
Ma aduunbaa ii yaal
Adowgay iigaga tagay
Aanan iga idlaanayn
Aaheey waa wareey
urugada jacaylkiyo
Eedaadka caashaqu
Ma mid la ii abuuraa
____________________
Aduun nimaan lahaynbay
Urugadu ku badan tahoo
La itaal dareeyee
Aduunyada intaa leeg
Midii aan ka eegtaa
Ehelkay ii diidee
Aaheey waa wareey
Urugada jacaylkiyo
Eedaadka caashaqu
Ma mid la ii abuuraa
_______________________
Arrin iyo itaal li'i
Ergo miyay ka talisaa
Amuuraa i haystee
Dadyahow igu adkaatee
Waxa aniga ii dran
Orod miyaan ku helayaa
Aaheey waa wareey
Urugada jacaylkiyo
Eedaadka caashaqu
Ma mid la ii abuuraa !!

BY: Shamsan Nur

No comments: