Monday, February 18, 2008

Shir jaraaid oo ay qabteen gudida gurmadka aafada Awdal

Gudida Gurmadka Masiibooyinkii Roobabkii ka da’ay Gobolka Awdal ee Association of Awdal Community of North America (AACNA) oo Saxaafada siiyay Warbixin

Hashim Goth, Boorama 18 February, - Gudida gurmadka masiibooyinkii roobabkii ka da’ay Gobolka Awdal ee ururka AACNA ayaa saxaafada uga xog waramay halka ay marayso hawshii loo soo xilsaaray, ugu horayna waxaa halkaas hadal ka jeediyay gudoomiyaha gudida Dr.Cabdiraxmaan Jaamac Hadi oo yidhi marka hore waad mahadsan tihiin bahda saxaafada, marka xigana waxaan war idinka siinaynaa safarkii gudidu ku soo martay 29 tuulo oo ka tirsan Awdal, hadii aan marka hore ku horeeyo sida gudidani ku aasaasantay waxay ahayd magacaabis ay na soo magacaabeen qurbajooga Waqooyiga America anaga oo wakiil ka ah AACNA, waxaa la furay Acount dahabshiil ah oo Lambarkiisu yahay DO616, halkaas oo lagu soo hagaajinayo lacagaha, ilaa hadana waxaa na soo gaadhay lacago gaadhaya 20kun oo doolar, dhanka khasaaraha soo gaadhay dadku wuxuu le’eg yahay mid aad u balaadhan waana ugu yaraan xoolaha meesha ku dhintay 4 boqol oo kun oo neef.

Dr.Cabdiraxmaan wuxuu intaas ku daray in warbixno kala duwan ay ka qoreen dhibta meelahaas ka dhacday hayadaha samafalka, Ururada caalamiga ah, Dawlada iyo Ururada wadaniga ahba, balse warbixinta aan soo qornay iyo ta dawladu ay yihiin qaar isku dhaw hallka haydaha samafalka qaarkod meelo kooban ay mareen ee ay ka qaateen qiyaas, Anagu waxaan marnay 29 tuulo aadna waan u hubinay, khasaaruhu waa 40%, lixdanka hadhayna xooluhu waa qaar bukaan ah oo aan dadkii waxba ugu filayn, hadaba waxaan u sheegaynaa qofkii toos ugu soo dira Acountkan in 1% laga qaadayo xawaalada, hadii kale sida laga qaado 4% ayaa lagaa qaadaya.

waxaanan ku boorinayaa dadka aan weli deeq bixin in ay dedejiyaan oo ay hore u soo diraan, dhaqaalahaasi hadii uu noqdo mid waafi ah waxaan samayn doonaa in aan dadka xoolo u iibino, waayo lama quudin karo dadkaas xooluhu ka madheen, waxaana haboon in dadkaasi wixii ay ku noolaayeen loo soo cesho. waxaan ku soo gabagabaynayaa in dadka deeqaha bixinayaa ay meel qudha noqoto si ayna meel qudha ugu dhicin, ee ay meel walba u gaadho oo ay dhibtu gaadhay dadka baahana ay joogaan. wixii baahi jira ee dhanka caafimaadka, hoyga, huga iyo xoolaynta waxay noqon doontaa in la daboolo oo lagu daboolo deeqdaas naga soo gaadha qurbajoogaa soo diraya.

Sh.Xasan deheye ayaa isna ka codsaday in dadkaas la soo kaalmeeyo, meelahaas aafooyinku ka dhaceena loo baahan yahay in fikir midaysan laga yeesho. waana in laga ilaaliyaa deeqdan xasaasiyada qabiilka, maadaama dadka qurbuhu yihiin waxgaradkii iyo Aqoontii umadan,Cumar C/laahi Xasan oo ah Xoghayaha dhaqaalaha gudida ayaa ka waramay sida ilaa hada u soo gaadhay deeqdu wuxuuna sheegay in ay meelo kala duwan deeqdu ka timid, dadka qaarna soo mariyeen Acountka Dahabshiil, qaarna toos u soo direen, wuxuuna u mahadnaqay dhamaan dadkii kaalmada soo bixiyay. waxa la aasaasay 28 Jan, 2008, warbixnaha intaas ay jirtay gudidu waxaan u dirnay urirka AACNA iyo websidad qaarkood. Otowa waxaan ka helay, 13610, Dumarka Dalas 3000$ Maxamed Dugsiiye oo ka soo diray Kalgari 1000 $ ,Cali Baxar oo soo diray 1000$ ,Maryan Xasan dugsiiye 2700$ oo kuwait nooga soo dirtay, hadaba dhicisku inta birta loo sido ayuu ka bakhtiyaa ee dadkaas hala soo caawiyo,Maxamed Daahir Dhawal ayaa isna uga mahaceliayay qurbajooga reer Awdal ,wuxuuna intaas raaciyay in tuulooyinka ay soo marayeen meel walba ka xaqiijinayeen odayada goobtaas ay kula kulmeen dhibta gaadhay inta ay le’egtahay, mudada dhibtu haysato dadka way dheeraatay ee waxaan idinka codsanaynaa cidii wax ku deeqaysa in ay soo dedejaan.

Sh.Cismaan Axmed ayaa isna ku guubaabiyay dadka deeqaha bixinaya in ay dadaalkooda laban laabaan, isla markaana ay yartahay ilaa hada wixii kaalmo ay heleen dhanka dawlada iyo haydahaba, waxqabadka dadkasina yahay waajib ina wada saaran, waanan idiinka mahadcelinaynaa dhamaan dadkii ka qayb qaatay deeqdaas, wixii hore gurmad loo geyn karayay waa loo geeyay, balan qaadyaduna way badan yihiin dhanka dawlada iyo hayadahaba, waxaana jecelahay in aad wixii deeq ah soo dedejisaan.

Hashim Goth

Borama, Awdal
hashimgoth@hotmail.com

No comments: