Tuesday, February 19, 2008

Eng. Shimbirna, Ma Been Baad Ka Sheegteen?

Eng. Shimbirna, Ma Been Baad Ka Sheegteen?.
Waxaynu aad iyo aad uga xumaannay wareysi Shabakada SaylacNews la yeelatay Col Eng Cumar Cabdilaahi Hande, oo ku magac dheer Cumar Shimbir. Waxa aynu ka xumaanayna ma aha Shabakada Saylac.com laftaarkeeda oo waraysatay Eng Shibmir, oo taasi waa wax lagu farxee ma aha wax laga xumaado, Hambaylo iyo bogaadin ayayna nagu leeyihiin inay runta u dagaagaan.

Hase yeeshee Cumar Shimbir waa halyeey Soomaaliyeed iyo halyeey reer Awdala oo guud, sida aynu ku wada naqaanno. Waxanan aad uga xumahay inaan maanta uun kusoo baraarugay in meelo wax lagu qoray lagu eedaynayo Eng Shimbir. Nasiib darro meesha waxaasi ku qoran yahay wali ma galin ama mana akhrisan, oo wakhti badan ma haysan maalmahan.

Kuwa wajiyada badan ayaas kolleyba waxba ka xishoon oo ay ka suurtoowdaa inay iyagoo wajigoda qarinaya meelahaas dadka ku af-lagaadeeyaan. Kuwaasina sida Engineer Shimbir u saamixin IF iyo AAkhiraba, ilaa iyo ay isa soo caddeeyaan, ayay anagana naga yihiin, oo saamixi mayno.

Fadeexaddan ku lug leh daawooyinka ee lagu kala eedeeyay labada Engineer ee kala ah Shimbir iyo Saylici, waa fadeexad aad u fogaatay una baahan in si deg-deg ah loo soo af jaro. Beelaha Maxadcase ayay dul saaran tahay, beelaha kalana waajibkoodu waa inay beeshaas ka sugaan warbaxin rasmi ah, ee ma aha inay ka faa’iidaystaan, oo taasi waa foolxumo labaad, kuna wada fidi doonta Samarroon.

Dawooyinka waxa laga soo diray ayaa nagu maqaalo ah, dalka USA, waliba dadka qaarkoodna waxay tuhmayaan Canadana inay qayb ku leedahay. Hase yeeshee magac ku qornayd ma jirin oo taasi hadday dhici lahayd, fadeexadanu sidan imikana uma fogaateedn. Cumar Shimbir ayaa been laga sheegay, oo hadana Saylici ayaa been laga sheegay. Kuwa warxumo tashiilka wadina halkaas ku joogsan maayaan, malaha inkaarina ma qabato. Labo arrimmood ayaan idiin soo jeedinaynaa inaad yeeshiin:

(1) Beelaha Maxamad Case.
Midda koowaad waxay u taallaa beelaha Maxamad Case, inay iyagu shir dhexdooda ah qaataan, soona saaraan warxbixin lagu caddaynayo cidii ka danbeysay fadeexada dawooyinka. Ilaa iyo inta ay shirkaasi qaadanayaana, ee wakhtigu u saamaxayana aanay hadal danbe ka soo saarin arrintan iyada ah. Dadka fadeexadeeyay Shimbir iyo Saylicina, si wada jir ah loo baadho, badkana loo soo dhigo.

(2). Beelaha Kale ee Samarroon.
Tolnimada guud iyo gobnimadu ma aha in marka tolkaa iyagu dhexdooda wax yar oo dhibaato ah isku keenaan ama isku geystaan, in laga faa’iidaysto, oo kolba sidii la rabo loo jiido. Baaqan aynu usoo jeedinayno beelaha kale ee bulsho weynta Samarroon wuxu yahay. In ilaa iyo inta Maxamad case ad ka helaysiin warbixin danbe, ad sheekada halkaas ku dhaaftiin. Kuwa idinku jira ee an ka soo jeedin beelaha Maxamadcasana ee been abuurka wadana ad soo qabatiin ama ad naga aamusiisiin.

Wa-Bilaahi Tawfiiq.

HiilDan
hiildan@yahoo.com

No comments: