Thursday, February 21, 2008

Lughaya.com oo baroosinka si toos ah u aasatay

Dhamaan akhristayaasha shabakada wararka dalka ee lughaya.com waxaan idiinku bishaaraynaynaa in shaqo faro badan aan galinay sidii aan idiinku soo gudbin lahayn wararka dalka. anagoo wax ka badalayna aalada aan isticmaalno oo aan u heelanahay inaan la qabsano carsiga.

Nashqadan cusub oo noo saamixi doonta in aan kasii badino shaqadii aan u haynay shacab waynaha Awdal meel kasta oo ay joogaan ba iyo gobolada deriska ahba iyo guud dalka Somaliland. anagoo waliba isku taxalujin doona in aan wax ka taabano koonfurta Soomaliya oo marba marka ka danbaysa kasii daraysa hadii eebaha awooda lihi ogolaado.
Wax yar ayaa hadhay noo dul qaata insha allah war dhexdhexaad ah iyo wada shaqayn dhamaan shabakadaha gobolka ayaan ku boorinaynaa.

aad ayaad ugu mahadsan tihiin tageerayaasha Lughaya.com sida wanaagsan ee naloogu dul qaatay iyo hanbalyooyinka aad noosoo fidiseen.

Badheedhaha Lughaya.com

1 comment:

Anonymous said...

waad ku mahadsan tihiin masuuliyiinta lughaya.com hawsha culus ee aad ka haysiin gobolka
laakiin sida aad shakada wax uga bedesheen uun mawqifkiinana wax uga bedela

thnks