Monday, February 18, 2008

Jawhar iyo Jiinlow oo ay ka dhex muuqato farshaxankii oday biiqay

Aduunyada nin noolow maxaa aragti kuu laaban. Nin wayn waxa ku haboon iinuu uu yeesho meel loogu soo hagaago. Markii jawhar uu lacagta ka urursanaayey bulsho waynta reer awdal wuxuu matali jiray in uu yahay qof caafimaad qaba.

Waxasa cadaatay in uu waabayda isaga laftiisu qaybiyo isagoo isticmaalaya shabakada ku can baxday been abuurka iyo kala dilka sokeeyaha ee harowo. Maalinba magac cusub ayaa nagu soo kordha oo farshaxan la galiyey. Laakiin jawharow waxaad wadkaagii u yeedhatay markaad afkaa hilibka bakhtiga Scandanivianka ku cunaysay aad ku taagtay Col. Omar Abdilahi Hande (Shinbir). Marka hore maxaad ka taqaanaa Col. Hande markaa aad leedahay waxa arinta deeqda xisbiga kulmiye ka danbeeyey nin usoo sheeqayey maamulo hore oo la yidhaah shinbir. Waxa nasiib daro ah in aad si xun u isticmaalaysid warbaahinta in badan oo inaga mid ah ku cusub. Waliba kuwii markii ayna warbaahintani jirin adhiga raaci jiray.

Waa su’aale maxaa ceeb ah maxaa lagu fanaa?

Waxa lacag loo ururin jiray garoonkii ay dhawr ka jeer dhagaxa dhigtay huda barkhad ee uu rayale rabay inuu doorshada ku galo. Waxa lacagta dadka ka guraayey jufada uu Jawhar u hadlaayo ee uu Col. Hande iyo cabdirahman Zaylici u aflagaadaynaayo. Gudida loo xil saaray in ay garoonka dhisaan ee borama joogtay waxay ka koobnaayeen ama u badnaayeen jufada jawhar u ooyaayo. Qof kale kuma jirin.

Laakiin umada kale ee gobolka ku nooli kama hadlin oo waxay u haysteen in ay wax qabanayaan oo way taageereen. Laakiin waxa cadaatay in garoonkii uu siyaasad noqday oo Rayale sugaayo inuu doorashada ku galo sida uu u hor istaagay jidkii la dhisi lahaa. Waxana cadaatay in la cunay lacagtii dadka laga ururiyey ee garoonka lagu dhisi lahaa siduu Rashid Cabdi Bakal horey u sheegayba (Alaaya cisak). Gari allay taqaan. Bilad sharaf ayuu mutaystay Rashid oo runta isha ka tuuray.

Markaa waxa nasiib daro ah in runta la’iska indho tiro oo la eedeeyo masuulo kaalin wayn kaga jira bulsho waynta awdal, Somaliland, iyo Somaali oo dhan sida Col. Shinbir oo kale. Waxa hadaba iska dhex galay dad badan oo adhiga jiri jiray siyaasada, qabyaalada, caawinta umada, iyo run ku hadalkii. Adhi jir ceeb ma’aha ee laakiin fakir kiisa ayaa gaaban oo qabowgaa Sweden ayuu u haystaa inuu Australia ka jiro. Oo wuxuu moodayaa in cirka daruurtu saran tahay ee isaga dul taagi ay sidoo kale dul taagan tahay cidhifka Koonfureed.

Waxase ka khaldantay in cidhifka koonfureed wakhtigan lagu jiro uu u helo 6 bilood oo qorax ah (wixii ka sareeya ama ka hooseeya 66 (N or S) degree parallel) oo loona yaqaano “Winter Solstice” halka uu cidhifka waqooyi uu kaga jiro qaboobe ama “winter” ama 6 bilood oo mugdi ah. Sida “Summer Solstice” ka koonfurtu ay qaboobe ugu jirto; waqooyiguna kulayle.

Adhi jirtu waxa haboon inay ogaadaan in dhulku uu u kala qaybsamo waqooyi iyo koonfur oo 0 (zero degree equator-ku) kala badho; wixii kor ka xiga waxa loo yaqaanaa Northern Hemisphere; wixii hoos ka xigana waxa loo yaqaanaa Southern hemisphere.

Wakhti kala duwan ayey laba xili kala helaan; qaboobaha iyo kulaylaha. Waxba kugu daalin mayo saynis ee waxaan uga dan leeyahay. Aduun yadu ma’aha warka xumaha salka ku haya ee aad raga halyeeyada ah ku aflagaadaynayso oo kaliya; ee waxa jira dhinacyo badan oo laga eego wixii khalad ah ama sax ah.

Maxaa ku khaldan in laga soo horjeesto dawlada fadhiidka ah ee dalxiiska ku jirta? Maxaa ku jaban in siyaasad caafimaad qabta la’ wada ciyaaro. Been aan jirin maxaa keenay in aad ka faafiso halyeeygii soomaaliyeed ee Col. Cumar Cabdulahi Hande (Shinbir); Waxaan ka dagaalamayaa in aad siiso qof walba sharaf uu leeyahay. Hadii kale waxa iman doonta in geesigii Yusuf Talan in maalin dhow la’aflagaadeeyo. Waar wax iskula hadha oo runta ka hadla. Waabaydu halka ay kasoo maaxanayso waa naqaanaa; laakiin maanta maalin aan ahayn ayuu garan. Hareeraha si wanaagsan iskaga fiiri.

Deeqda la diray

Waxa cad in deeqdaasi ay tahay mid loogu tala galay siyaasiyiinta xisbiga kulmiye looguna talo galay in la’ tuso xukuumada fadhiidka ah in calankeedii dhacay. Waxa diray deeqdan oo mudo sadex bilood ah la’ qorshaynaayey; qurbo jooga waqooyiga maraykanka iyo dad yurub degan. Waxa laga diray lacag ururin loogu talo galay siyaasada oo baryahanba socotay; lacagtaa waxa bixiya qof kasta oo taageersan dhaqdhaqaaqa gobonimo doonka e Cabdirahman Zaylici uu hormoodka ka yahay. Laf iyo qabiil gaar ah ma’laha. Kadib waxa khaladka keenay in ay isku soo dul dhaceen masuubadii ka dhacday xeebta awdal iyo deeqdan gaadhay dalka. Oo sida qof kastaa og yahay container laga diray Maraykan wuxuu u socdaa Africa hal bil. Markaa qof kaliya oo lagu magacaabi karaa ma jiro waayo dhaqdhaqaaqan gurmadka qaranku malaha waji gaar ah iyo magic qof oo la yeedhiyo. Waa umad isku duuban oo diyaar u ah in Rayale markale soo noqon. Kadibna maxkamad lasoo taago musuqmaasuqa uu galay darteed. Isaaq ayaa ku jira, mahadcase, habarcafaan iyo lafo kale oo kasoo jeeda jufada Rayale lafteeda oo arkay in guusho dul taagan tahay kulmiye.

Hadaba wax hubso kadib awliyooyinka masaajidada ugu gal. List-ka dadka ka qayb qaata taakulaynta xisbiga kulmiye oo lagu daabacay saylicipress.net mudo aan dhawayn dadka taageersan ururka badankoodu waxay ku jiraan dadkii taageeray warkii ay soosaareen odayasha lughaya sida ay anigu filayo-
Wa bilaahi tawfiiq

Xassan Cumar (xassan yare)
Degmada Boon, Awdal
xassan_somali@yahoo.com

No comments: