Thursday, February 21, 2008

“Ma garanayo goorta deeq Burco iyo Hargeysa la gaadhsiiyey reer Boorama dembi ka dhigeen” Cabdiraxman Saylici

Cabdirahan Zaylici oo difaacay sifihii Xisbiga uu Wareejiyey deeqdii qalabka caafimaad
Musharraxa xisbiga Kulmiye ee mansabka Madaxweyne kuxigeenka, C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), ayaa dafaacay sifihii xisbigiisu kula wareegeen iyo sidii ay qalabkii caafimaad oo deeqo ahaa ugu wareejiyeen wasaaradda Caafimaadka iyo xukuumadda Somaliland.

Sida uu ku soo waramay Maxamed Cumar Sheekh, Weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, C/raxmaan Saylici oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay Boorama, ayaa dhinaca kale waxaa uu kaga hadlay ujeedooyinka laga leeyahay ama xukuumad iyo kuwa gobolkan Awdal ka taageera xisbiga udub ka leeyihiin hadalada beryahan dambe lagu durayo isaga iyo xisbiga Kulmiyeba, taas oo uu ku tilmaamay inay tahay dacaayad siyaasadeed oo xukuumaddu miciin moodday markii dadweynaha Reer Awdal ka soo jabeen xisbiga UDUB iyo Dawladda Rayaal,e danna ay u arkaeen Xisbiga Kulmiye.

C/raxmaan Saylici ayaa shalay shirkiisan kaga hadlay arrimo kale oo door ah oo ay ku jiraan sida isaga iyo taageeraayaasha xisbiguba uga go’antahay in aanay dhegaysan doonin aflagaado kasta iyo dacaayaad kasta oo ay xukuumaddu miciin mooddo.

Hadalakii uu halkaa ka yidhina waxa ka mid ahaa “Waxaad mooddaa in xukuumadda iyo kuwa taageera ay waayadan dambe hal-hays ka dhigteen Saylici baa Kulimiye siiyey deeq dadka gobolka Awdal loo soo ururiyey, hadaladaasi iyo kuwa kaleeba waxaad arkaysaa inay yihiin kuwa gobolkan Awdal ka dhigaya inuusan ku jirin Somaliland, deeqda reer Awdal loo soo ururiyo ama reer Somaaliland loo ururiyaanna tahay mid ku kooban gobolka Awdal, iyadoo siday hadalka u dhigayaanna ay dareemayso in deeqda reer Awdal ama xisbigaa qaranka ee Kulmiye uu gadhsiiyo goboladdaa kalena ay reer Boorama u tahay dembi gobolka laga galay, waana xaasidnimo iyo cunsurinnimo, maadaama gobolada kale ee ay Somaliland ka kooban tahayna xaq u leeyihiin in la gaadhsiiyo wixii dadkeedu soo ururiyaan.

Taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee gobolka Awdal waxa qalabkaasi kaga baxday lacag dhan $15,000 oo Doolar, oo lagu soo gaadhsiiyey, dawladduna xaq uma lahayn inay cashuurto ama tidhaa cashuur baan ka dhaafnay, inaan qalabkaasi ka kulmiye ahaan u guddoonana xaq baan u lahayn, inaan dedaalkayaga sheeganana xaq baan u lahayn, waayo dawladu magacayaga horee ayey u sheegi weyday dedaallo aan muujinay oo taageerayashiisu ku geeyeen gobolada Sool.
Waxa wax lala yaabo ah oo daciifnimo ah in la yidhaa ha sheegina xisbigaasi kulmiye wixii uu dalka keenay, waxaanan u aragnaa laba arrimood.

Waa tan kowaade inay maamulayaasha dawlaadda ee daba ordayey qalabkan dhkhtarka weyn mooyee aan la dhigi karin tuulooyin aan lahayn cisbitaallo la doonayey in la lunsado oo agaasimayaasha daba ordayey doonayeen inaan Kulmiye la tusin.Iyo tan labaad oo ah in xukuumaddu Kulmiye u quudhi la’dahay sida daacdnimada leh ee ay dalka u soo gaadhsiiyeen, loona qaybiyo cisbitaalada dalka.

Tan sadexaad waxaan odhan karaa waa markii u horeysay ee deeq lagu wareejiyo xisbigaasi, isla markaana uu si daacadnimo ku jirto dawladda ugu wareejiyo, mana dhici jirin tan oo kale oo dawladda uun baa wixii shicibka debedda ee Somaliland iska soo ururiyaan meel dhigan jirtay, isla markaana aan la ogeyn meesha ay mareen.

Waxaan la yaabaa oo kale wasiiro iyo taagerayaasha xisbiga Dawladdu waxaan u sheegeynaa in qalabkaasi annaga oo xisbiga kulmiye iyo taageerayaashiisa gobolkan Awdal uu ku qornaa, magacoodana uu dalka ku yimi, iyagana loo soo wakiishay, wakhtigaasina uu ahaa wakhti ka horreeyey aafada ka dhacday gobolka Awdal, alaabtaasina ay dalka timi aafadaasi ka hor, ciddii ujeeddo ka lihina iyadaa og, waxanan leeyahay raggaa maanta leh goboblkii awdal baa Kulmiye ka qadiyey qalabkaasi, waa ragga maanta ka xun qalabkaasi inuu gaadho Somaliland cisbitaaladaeeda, sida deeqaha reer Awdalba loo geeyo Sanaag iyo gobolka Sool, mana fiicna in gobolkan laga dhigo mid u xidhan xisbi keliya iyo dad keliya, afkana laga sheegto Somaliland, deeqda reer Somaliland ay gaadhsiiyaan reer Awdal siyaasiyiinta Hargeysa fadhida iyo kuwa halkan jooga ee dawladda taageeraa ka dhigaan qalab dad shisheeye ah la siiyey oo aan Somaliland ahayn.

Sidee reer Awdal lagu dooran doonaa haddii halkaa la marayo. halaga waantoobo arrimaha keenaya kala qoqobnaanta Somaliland iyo cunsurinnimda. Ta nalagu haystaa waa taa, kana yeeli mayno inaan gobolaysi iyo qabyaalad wax ku bixinno ee qarannimo ayaan wax ku bixinaynaa”.

Xigasho: Haatuf