Thursday, February 21, 2008

Rashid Bakaalow Malaha Qof kalaad Igu Qaldaysaa.

Waxaan akhriyey maqaal uu cinwaankiisu ahaa “Ducadii Axmed Sh.Faarax lama aqbalin” oo uu ku saxeexnaa Rashiid Bakaal.Maqaalkaasoo aad iidhibay rashiid wuxu ku sheegay inaan kasoo horjeedo gargaarka loo ururinayo dadkii ku caydhoobay masiibadii dhawaanta ka dhacday gobolka iyo gudigii isku xilqaamayba.Laakiin haddii uu rashiid akhriyi lahaa qoraaladayda aan kaga hadlayo dhibta dadkeennii ku dhacday iyo sida ay gurmad ugu baahanyihiin iyo waliba sida aan ugu hawlanahay arintaa lafteeda,malaha waxa loo sheegay ama uu akhriyeyba wuu iska hubin lahaa. Waa qalin iyo xeerkii oo mar marbuu ku xadaa.

Balse ceytami maayo,cadhoonmaayo,ku habaari maayo,kuuna hanjabi maayo si hilan uunbaan kuula hadli.Waxan kuleehay Walaal iska hubso malaha qofkalaad igu qaldaysaaye. Anigu ma qorin article waxaa ka hadlaya,kamana hadal arinta aad sheegayso.Waxan filayaa way ku khaldeen oo telefoonbay wax kuugu sheegeen.Waayo hadii aad akhriday article-ka aad ka hadlayso cidda ku saxeexanbaad arki lahayd,waa haddii uu jiro.Mise midbaa isu key ekeysiiyey toloow. Saban waliba waxbuu caan ku yahay sabankanna waxa fududaaday sida wax loo qoro iyo in waliba qofku fikirkiisa dadweynaha usoo bandhigo.Laakiin waxa fiican in qalinka si quruxbadan loo adeegsado oo waxa maskaxdaada kasoo maaxanayaa uu noqdo wax aan umadda dhibin oon fidmo dhexdhigin.

Waxan uga socdaa Waayadan danbe markii qoraalkii fududaaday maamulayaashii mareeguhuna xil iska saari waayeen inay qofka wax usoo qorey xaqiijiyaan,waxa soo baxay dad Aaladda internetka si xun u isticmaala oo intay magac bug ah qaataan bulshada kala dila.Rashiidow malaha midbaa Emailkeygii iyo isamkeygii koobiyeystay oo isu key ekeysiiyey sidii maskax geel kala baxda. Bulshada sharafta leh iyo akhristayaashaba waxan halkan ugu caddaynayaa article-ka uu Rashiid sheegayo hadduu jiro inaanan anigu qorin.(waan raadiyey laakiin waayey meel uu ku qoranyahay). Tafatirayaasha shabakadaha waxan kula talinlahaa laba arimood.

Tan koobaad:Marka hore qofka qoraalkiisa inaad tafatirtaan oo wixii umadda dhibaya aad ka reebtaan, haddii meel laqaato uunan lahayna aad iska tuurtaan. Tan labaad:Dadka wax idiin soo qora inaad iska hubisaan inay yihiin dad jira iyo inkale.waxa jira dad fidmo wadayaal ah oo kolba shaadh soo xidha oon isa soo caddayn karin.waa fule aan soo badheedhi karin oo magac beena wata.Waa virus.Laakiin si fudud baad ku ogaan kartaan,meesha uu joogo iyo qofka uu yahayba. Halkan ka akhri maqaalka uu qoray rashiid bakaal ee sida hubsiimo la’aanta ah uu dhiidhida iigu dhextuuray.
http://lughaya.com/lug/?p=377
Jawhar Cabdisamad Qalinle
korwaayeel@hotmail.com

No comments: