Wednesday, November 21, 2007

Wasaaradda Dibu-dejintu, Mashruucan qaxootiga Doorashada ee Jabuuti, sow kama xishooto!!!

Haddii aynu dib u milicsanno, doorashooyinkii Dalka ka
dhacay, waqti kasta oo ay Doorasho jirteyba, waxa si
ku talogal leh oo qorsheysan loo keenayey dad lagu
sheegayey qaxooti, Marka ay Doorashadu dhammaatana dib
ugu noqon jirey jabuuti. Kun iyo Siddeedda Boqol ee uu
maanta ku dhawaaqay wasiirka Dibudejintuna waa farsamo
yaqaannada wax is-weydaarinta ee uu Madaxweyne
Ismaaciil Cumar Geelle xuurtada ugu haysto
Doorashooyinka!! Axsaabta mucaaridka ahuna ay tahay in
ay si xooggan uga hortagaan.

Doorashadan foolka innagu soo haysaa, waa mid aynu
natiijadeeda sii haynno maanta. Waxa la wada ogyahay
tirakoobyada ay warbaahiintu Dalka ka sameysay, mid la
akhriyo iyo mid muuqaal ahba, halka ay bulshadu
martey.

UDUB oo xataa maxamed Case iyo Reer Nuurba ka
dhaqaaqay, meel kale oo ay qabsataa uma hadhin aan
ahayn in ay soo waariddo wax is weydaariyeyaasha
codbixinta, inta fadqalallada ka shaqeysa iyo Guurtida
oo ay ku muusannaowdo, kana codsato inay xilka u
kordhiyaan oo aan hadal af-laga yidhi dhaafayn.
Ummaddu waxay go’aansatey, in ay UDUB u duceyso oo
isbeddel Maamul dhaco, wax Alle abuurtey oo joojin
karaana aanu jirin ee Dalka iyo Dadkiisa cid wax u
qabata loo baahdey, UDUBna ku guul-darreysatey!!.
Xaalad abuur, Xifaaltan iyo is-qabqabsi dhexdooda ah
oo ay qiraal ku yihiin iyo Waxqabad la’aan aanay
Dalkan waxba u qaban, ayaa lagaga guurey. Waxa marag
waafiya qaraarkan ummadda u ah, hayaanka ay Beelaha
Samaroon ka soo hayaameen UDUB ee ay Axsaabta
Mucaaridka ah ku biireen.

Waxa Ilaahay lagu mahadiyaa in Bulshada Dalku Saylac
ilaa Sanaag-Bari isla qabto, in danta inanka
Laas-qorey joogaa , tahay danta inanka Saylac jooga,
Waxa dhib ku ah Muwaadinka Somaliland, waa ku wada
dhib muwaadiniinta Somaliland. Annagu haddii aanu
nahay Bulshada Dalka, Musharka iyo Gunnoyinka Madaxdu,
waxba nooma aha, ee waxa wax noo ah, Maamulka noo
fidiya adeegyada lama huraanka ah ee nolosha tooska u
taabanaya. Ilaa maanta Dawlnimo aannu ku taamno ma
haynno, Ciidammadu waa maleeshiya, waddooyinkun, waa
dani ku tidhi, Idaacad waddani ah oo Dalka wada
gaadhaa ma jirto, Caddaaladdu waa agoon, Maamulku waa
faasid, Ganacsigu waa Alle-u-tirsan, Tacliintu waa iga
gee!!

Wasaaraduhu waa Magac, iyo Goobo naasnuujineed,
Dakhligii Dawladda inba meel ayaa lala maray, Gobollo
lacag qalaad ayaa ka socota, waqti aynu qarannimo
sheeganayno!! Shidaalkii istaraatejiga ahaa, Gacan
ajnebi ayuu ku jiraa, iyada oo Ganacsatada Dalku lacag
iyo aqoontiiba leedahay !! Xoolihii dhoofi-jirey Carab
qudha, ayaa loo xidhay!! si kaabad loogu dhigo kobaca
dhaqaale, Gidaar walba dad rayid ah ayaa fooniye ku
haysta, cid xakamayneysa iyo cid ka warhaysa midna
jirin oo khataro nabadgelyo xambaarsan, khayraadkii
Badda oo si aan sharci ahayn fasaxyo loogu siiyey
maraakiib heshiisyo madaxda qaar la galeen ayaa
xaalaufiyey oo imika xaalku dhagaxii shacabiga ahaa ee
noole-badeedku ukunt dhiganayey ayaa la bilaabay
rarkiisa!!

Udub marka aynu eegno waxtar haba iska joogee,
waxyeellada ay Dalka u geysatey, waxaan filayaa in
aynu sannadaha soo socda oo dhan , ku mashquuli doonno
dibu hagaajintooda. AQOON YAHANKA Dalka waxaan odhan
lahaa, nin walowba inta aad xaqiiqadeeda hayso, isku
habayso oo Baanka Macluumaatka ee soo dhawaan bixi
doona ku biiri, si aynu habka ugu fiican uguna
dhakhsaha badan ee aynu kaga soo kaban karro
waxyeellooyinka ugaga faa’ideysanno. Waxaan rjo weyn
ka qabnaa in caddaaladdu marka ay miiska dul timaaddo,
rag badan oo Dalkan dhaawacyo weyn u geystey ay ka
jawaabi doonaan, su’aalo aanay maanta haabkaba ku
hayn!!

Waxaan meel fog ka arkaa, Mawaahibka dhallinta
Somaliland ku qarsoon, oo inta si Cilmi ah oo xaqsoor
leh loo soo xulay, Fagaarayaasha Caalamka wacdaro ka
geysan doonta, Xag sports, xag Aqooneed, Xag
farsamo.Waxaan u soo joogey tartankii Caalamku
Dawladaha khaliijka isugu yimid in Bulshada Somaliland
ahayd mid Bulshooyinka Caalamka meel hore kaga jirtey
dhinac walba. Waddankaygan hodanka ahi, keliya waxa uu
u baahan yahay, Maamul hufan oo xaqsoor iyo waxqabad
qawmiyadeed leh, si sinnaan leh Ummadda waajibaad iyo
Xuquuqba ugu qaybsha, kana faa’ideysta , xoogga dihin
ee Bulshadiisa, una faa’ideeya Dalka iyo Dadkiisaba!!
Waaga noo beryay, Alla wacanaa, oo wanaagsanaa!! Allaa
Mahad leh.

Dr. Cali Cabdi Muxumed,
Hargeysa.

No comments: