Wednesday, November 21, 2007

Bilis Xaawaleey - Abdifatah Dahir

bilisxaawalay yeey
bal baraarugoo maqal
baanahan iniiwado
balan qaadka aan sido
1-booyaan kadheeree
ninka boob ujeediyo
bah wanaagta kala garo

bilis xaawalay yeey
budhcad wehel manoqonkaro
2-boondaro nin dhuunyada
baylahdaa magarankaro
maalintuu barjeeyana
3-bulxanweeyi faraxsani
maalintuu kaboodana
buuqlama agjoogee
boqorkii kuwadankara iyo
kawax bi,in kala garo

bilis xaawalay yeey
adoo baawarhaystoo
bash bash reerku kuuyahay
been dumar ayay dumin
raaskoo barwaaqa ah
waxa laga bunaystiyo
4-buruudkaaga kala garo

bilis xaawalay yeey
baydh baydh amaan maleh
ninkaagana habaal marin
ha 5-ubusaylin meel kale
burush mari khilaafkana
waxa kuu bil muuqdiyo
bilig biligta kala garo

bilis xaawalay yeey
bini aadam baanahay
baribuu dagaal iman
bedelkeedu waa nabad
la iskuma badheedhee
baashaalka odaygiyo
kala garao bilaawaha

bilis xaawalay yeey
ba,a looma yeedhee
baroortaadu yay badan
barashada horee guur
bilic raaca yay noqon
burhaantana lakaashoo
beer jileec ayuu iman
beer saar 6-bidaal wade
ninka baahan kala garo

bilis xaawalay yeey
khayrkuun ubaratama
been xariirid waa jabe
beegsada wanaagoo
7-soobeeji dhaqankeen
beenayso shaydaan
8-beeqaaqi waligaa
bay hoofi ha ujabin
bul bul yuuna kuukicin
bah bah iyo bug aan jirin
kalagaro bartii runa

bilis xaawalay yeey
bulshadaad lajaartahay
xuquuq buuxda siiyoo
booqashada hamoogaan
barakay kusiisaaa
9-barafuun ha uriyaan
ubalwee unoqo baan
baqshiishkaga waxad heli
bedelkeeda aakhiro
ninka 10-soobaqooliyo
ninka baaqaday kala garo

bilis xaawalay yeey
isku biirsha kaashiga
tabukoota garabgala
taburburisay reerkeed
ubildhaansha garashada
habakhaylin hadalkee
11-baduug diida oo kaba
12-bahardaad bilaa male
13-bahluulka kala garo

1=hadal taxan laakiin aan macna kufadhiyin
2=nooc kamida noocyada jaadka
3=farxad iyo qosol badan
4=waxa aad nasiibka wanaagsan uleedahay
5=uriyaaqid amaaba niyad kicid meel kale
6=hadal tuhun kudhisan oo aan lagu kalsoonayn
7=wax wanaagsan oo lasoo shaaciyo
8=jeedaali amaaba shaabuugee
9=cadarka
10=soo anbabaxay
11=jab jabbid
12=si aan nidaam lahayn ufadhiisasho
13=martabad sare oo uu ilaahay dadka siiyo


Abdifatah Dahir
Cairo, EGYPT
mudane_22@hotmail.com

No comments: