Sunday, November 18, 2007

Ciidamada Qaranka Somaliland Oo La Wareegay Dhamaanba Tukoraq Iyo Nawaaxigeedaba: Warsaxaafadeed Uu Wasiirka Warfaafintu Soo Saaray

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Qaranka Somaliland Mudane Axmed X.Dahir Cilmi oo loo qaybiyay saxaafda isla markaasna uu nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay shabakada wararka ee qarannews ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadda Qaranka J.S.L oo kaashanaya shacbiga ku nool Gobolka Sool gaar ahaan jiida Tuko-Raq ay maanta oo sabti ah gaadheen Tuuladda Tuko-Raq oo ka mid ah tuulooyinka dacalka u saaran xadka J.S.L ee dhinaca Garoowe.

Guushan ayaa ka danbaysay ka dib markii dhawaan Badhasaabka Gobolka Sool Cali Sandulle uu kormeer ku tagay isaga iyo odayaal kale Tuuladda Gamballa oo hore nin ka mida Ilaaladdii Badhasaabka loogu dilay, taasi ayaa keentay ayuu Warsaxaafadeedku yidhi in odayaasha iyo dadweynaha ku dhaqan jiidaasi kala doortaan Nabad iyo Dagaal, waxayna jawaabtii noqotay in ay doortaan Nabad, sidaasi ayuu ciidankii Qaranku iyo shacbiga jiidaasiba ay ku gaadheen si Nabad gelyo ah Ilaa Tuuladda Tuko-Raq.

Waxa isla maanta Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta Mudane Siciid Sulub Maxamed iyo waftigii uu hogaaminaayey waxay kulamo kula yeesheen Tuuladda Tuko-Raq Salaadiin, Cuqaal iyo Waxgaradka Jiidaas.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Warfaafinta waxa uu Hambalyo u dirayaa dhamaanba shacbiga reer Somaliland gude iyo debedba gaar ahaana shacbiga ku dhaqan Gobolka Sool guusha nabada leh ee ay ku gaadheen jiida hore ee xadka Somaliland.

Allaa Mahad Leh
Axmed X. Dahir Cilmi
Wasiirka W/Warfaafinta.

Source: Lughaya

No comments: