Saturday, November 24, 2007

GarGoorray Gobolka ii Geeya: SogSoglayna Mid Kale Geeya...Hiildan

Soomaali Jimidh Xun, Jidhi haddaad ku Aragtaan, waa inaad Jajabisaan, waa waajibkoodee..!!!. Waxa ku heesi jiray, wiil reer Boon ah oo wakhtigaasi dhalinyaro ahaa, lagase yaabo inuu imika oday weyn yahay oo magaciisa la yidhaahdo Gasle Aw-Aadan Jaamac.!!. Waxan uga socdaa, dhawaan waxa isoo gaadhayay warar odhanaya, jilibyadaas jimidhka xun ee HiilDanYare ka soo jeedo, waa inaan jajabinaa oo bad iyo buuraba la jiidhnaa.!. Macnihii waa, dhulka Ilaahay ku beerayba inaan ka qaadanaa sidii “Red Indianka”, oo kale. Malaha taasi waaba sobabta looguba soo riday Gantaalaha. Bal hadda imikana an ka wareysano Cali Gurran iyo Cabdiraxmaan Xaaji Nuur Sugaal (G/Xigeenka Awdal). Kolley iyaga reer Geedi, guntooda la gaadhi maayo oo duqay Abti u yihiine. !

Hadana mocooyday, Madiino Warsame Nageeye (cimri dheer iyo caafimaad), ayaa waxan kasoo gaadhay: Markay aragto tafiirteeda (carruurteeda iyo carruurtay dhaleen, gaar ahaan wiilasha) oo qaarna is giijinayaan oo si fiican u labisan yihiin una qurux badan yihiin, qaarna iska yar qaab iyo jimidh xunyihiin; ayaa waxay ku maahmaahi jirtay, “Rag cawl-cawlka ka Raac”. Dee kuwaasi jimidhka xun ee cawlcawlani rag sidaas lagu jiidhi karo laguna aamusiin karo ma aha ee maxaa kale oo male ah?. God Libaaxna, Lafo lagama waayo, ayaa la yidhi, oo kolley dhulkaasi laga waayi maayo, Rag an dhulka u dhicin oo an la jajabin karine.!

“Rag Aamusay iyo Riyo Aamusayna waxa la yidhi labaduba Reerkoodii gabe”. Awoowgay Suldaan Caateeye ( Allaha u Naxariisto ), ayaa isna laga hayaa halhays odhanaya, “ninku maalintuu dhinto (xitaa isagoo noolba), waa maalinta cidna magaciisa hadal qaadi weydo, samaan iyo xumaanba”. Waana sobabta ugu weyn ee an jeclahay in la na maqlo, oo wali inaan noolnahay la ogaado, xitaa markaan dhimanana wali lana hadal hayo.

Si kastaba ha ahaatee, anoo ka nasan rabay siyaasadii sokeeye oo saabaankayga ka sii xidhxidhay, ayaa hadana waxa isoo toosiyay oo ballanna an u qaaday Saaxiibkay Mustafe Cabdi X Cali. Waxan ugu ballan qaaday inaan talo kusoo biirsado qoraalkiisii qiimaha badnaa ee “hurdo nooma Toosna”. Mustafe iyo WarsanMag, waxan labadaba u sheegay inaan horey u bixiyay magacda gobolo iyo degmooyin cusub oo Awdal kusoo kordha. Mid ka mid ah oo an kusoo qoray saxaafada Awdal iyo Somaliland, sannad iyo dhawr bilood (March 2006) ka hore wuxu ahaa “GarGoorray Gobolka ii Geeya”, oo wali ad ka heli doontiin Harowo.com, gaar ahaan khadkan: http://harowo.com/?s=gargoorray.

Aadbaan ugu mahad naqayaa Harowo.com inay leeyihiin ‘Search’ fiican oo si sahlan wixii horey loo qoray looga heli karo. Mahadsanid ayaan leehay, mudane Axmed Sheekh Faarax, oo ah maamulaha shabakadaas. Dee saaxiib ragu wuu is dilaa wuuna is daayaaye, adaana lagaa hayaa “dad haduu is qoonsado waalla kala danbeeyaaye”. Waxad yeeshaa, maqaalkan waan kuusoo dirayaa oo kii beri hore ad soo saartay ayuunbuu la qoob wadaagaa. Dee waana yeelkadaa, waxad ka yeeshaba, haddaad soo saarto iyo hadaan igu diidaba.

Hadal iyo dhammaan an usoo noqdo Muhiimaddii maqaalkane, waxan Mustafe Cabdi iyo WarsanMag leehay: Gobol waa midkii an horey u sheegay magaciisa oo waa GARGOORRAY, caasimadiisuna waa SAYLAC, faahfaahintiisana qoraalkaygii hore ayaad ka akhrisan doontiin oo ad ka heli doontiin Harowo.com. Mid labaad oo muddo dheer an ku fikiryayna hadii an ku daro waa gobolka isna la yidhaahdo GOBOLKA SOGSOGLEY. Gobolkaasna waxa Caasimad u ah BOORAMA. Boorama iskeed ayayba u tahay gobol, waanay u qalantaa inay noqoto gobolkaas magaca quruxda badan ee SOGSOGLAY.

(1) AWDAL …………………………………………………… Caasimada ….BAKI

(2) GARGOORRAY………………………………………………Caasimada… SAYLAC

(3) SOGSOGLAY…………………………………………………Caasimada… BOORAMA


Sidaa iyo Nabad iyo Caano.

Cabdiqani Yuusuf Caateeye

hiildan@yahoo.com

No comments: