Monday, November 19, 2007

Madaxweyne Saylici: Musharrax Qaran...Hiildan

Waxan ku bilaabayaa Bismilaahi Allaahu Akbar. Waxan ku darayaa inaan faataxada u marno dhammaan ehulu qabuurkii, ehel iyo qaraabo iyo Muslimba ahaa ee inaga tagay. Anigoo si gaar ah sanad walba bishan Novemeber (from 17th) ugu dara faataxada, Marxuun AARE NUUR CUSMAAN. Intii inaga dhimatay Allaha u Naxariisto, inagana Allaha inooga daba naxariisto. Al-Faataxa.

Intaa ka sokow, dadka reer Awdal u dhuun daloola isla mar ahaantaana taabacsan siyaasada dalka isku magacaabay Somaliland , iyo kuwa sida gaarka ah u xiiseeyaba siyaaasada gooni ahaaneed ee gobolada iyo degmooyinka waddanka Awdal. Waxay ila tahay, inuu dadkaasi iyaga ah kasoo dhex baxay geesi iyo halyeey labaad oo buuxin kara kaalintii AARE iyo kaalintii halyeeyadii kale ee kuwaas ka sii wada horreeyay, sida X. DIIDE, iyo JAAMAC SAYLICI. Kaasi oo hanan kara darajada ugu sarreysa qaran ee madaxweynimo, waana Mudane C/Raxmaan C/laahi –Wadaan (Saylici).

Waxan dhawaan fursad u helay inaan akhristo waraysi kooban oo Madaxweyne Saylici siiyay shabakada GabileyNews. Marka laysku daro waraysigaas iyo qoraalo hore oo ku saabsanaa taariikhdiisa oo aynu aragnay, iyo intii anigu an shaqsi ahaan ka aqqnay, waxa ku wada cad inuu yahay nin mawqif (Principle) leh, kana soo jeeda xadaarad qadiimi ah, xilkasnimo dheer iyo xushmo badana u dheertahay.

Mar hore iyo mar danbaba waxan ku bayaamiyay qoraaladayda inaan dan iyo muraad toona ka lahayn xisbiyada KULUDUBCID, oo xagayga ka ah isku hal wada xisbi. Dadkase xusbiyadaas ku kala jira, koley waxa ugu kalsooni badan kuwa ku adkaysta xusbigay awelba ka bilaabeen ee ka mid ah kuwaas KULUDUBCID. Dhawaanahana waxaynu ogayn in qaylo dhaan dheer dadka qaar kaga dhawaajiyeen, iyagoo leh, "sumcadii reeraha Samaroon ayaa lagu tuntay oo beelaha qaarkoodbaa u dullaamay xisbiga mucaaridka ah ee KULMIS".

Hadaba waraysigaas Saylici, iyo macluumaadkiisii horeba waxa ku cad, in isaga iyo taageerayaashiisuba ay ahaayeen dad wali ku jira xisbigii ay awel boreba ku jiri jireen, mana aha dad imika “kud ka guuray oo qanjo u guuray”, oo ku qarinaya dan iyaga u gaar ah, sida dadka kale qaarkood. Waxa isla macluumaadka ilaa imika nasoo gaadhaya ku cad in Saylici durbadiiba kasbaday kaska (mind) iyo kashka (heart) aqlabiyada ballaadhan (vast majority) ee reer Awdal.

Wuxu taageero lixaad leh ka haystaa Samarroon iyo Ciise iyo dhammaan cidaha kale ee dega degaanada Awdal iyo waliba qayb weyn oo ka mid ah Gabiley. Xitaa isagoo wali si buuxda u caddaynin inuu musharax yahay waxad arkaysaa in dhamaan taageerayaashiisu ku dirqiyayaan oo leeyihiin isa soo sharrax. Sidaa daraadeed dadka Somaliland taageersan ee raba inuu qof Awdal ku leh miisaan iyo sumacad weyni u soo baxo oo hogaamiyo Somaliland iyo Awdalba . Meel kale oo maalinkaa maanta ah ay dadkaasi kaga meermeeri karaan Madaxweyne Saylici oo ah Musharax Qaran haba yaraatee ma jirto. Xitaa haday ku marmarsiiyoodaan inay ka tirsan yihiin 'UDUBta Bokhokhday ee Bakhakhi doonta', imw, waa wax an soconayn (no excuses). KULUDUBCID waa wada KULUDUBCID, ninba meel kaga jiro.
Haddii an la keensan karin xisbi ka yimidday Awdal, kaliya waa in la teegeero shaqsiga u soo hoyn kara Awdal guul iyo sharaf, Somalilandna ka yeeli kara sidoo kale. Kaasina waa Madaxweyne Saylici, mana aha musharax Qabiil ee waa musharrax Qaran.

Habeen dhaweydna waxaban arkay C/Raxmaan Saylici oo ah Madaxweyne run ah iyo C/Raxmaan Shide Bile oo ah Madaxweyne Xigeen, iyo Idiris Muxumad Sacad Iidle oo noqday Boqorkooda guud, (Boqor Idiris – long live). Saddexdoodana si buuxda oo an laabasho lahayn ayaan u taageersanahay uguna ducaynayaa. Waana kuwa Ilaahay ka sokow, badbaadin doona Awdal iyo deriskeedaba. Mark My Word.!


Wa Bilaahi Tawfiiq.



Cabdiqani Yuusuf Caateeye

London UK

hiildan@yahoo.com

No comments: