Sunday, November 18, 2007

doorka websiteska iyo dareenka bulshada

Sida badan waxa ay u muuqataa in horumarka bulsho uu inta badan ka hanaqaado hadba sida bulshadaasi iskugu xidhantahay iyo sida habsamida leh ee ay u maalaan maskaxdooda,muruqooda,uuguna faa'iidaystaan aqoontooda,khayraadkooda iyo kaabayaashooda dhaqaale iyo kartida madaxda iyo hawl wadeenada bulshadaasi.

haddaba waxa hubaal ah in warbaahintu ay udub dhexaad iyo baroosin adag u tahay isku xidhka qaybahaasi oo dhan sobabtoo ah warbaahintu waa hab u ufududeeya kala talo qaadashada,iska warhaynta iyo isla socodsiinta hadba halka hawl, qorshe iyo xaalba maraayo. sidoo kalena waxa ay qayb ka qaadataa wax ka ogaanshaha caalamka iyo soo bandhigista macluumaadka ku laaban gobalka iyo taariikhdiisa faca weyn.

Si kasta taba ha ahaatee, tan iyo intii la samayeeyay adeegyada bulsho ee dhinaca warbaahinta ee gobalka awdal waxa maalinba maalinta ka danbaysa isa sootaraya horumarka gobalka wacyi ahaan iyo wax qabad ahaanba taasina waxa ay marag u tahay sida warbaahintu kaalin baaxad roon iyo door libaaxba uuga qaadato horumarka bulshada.

Runtii in kasta oo aanay da' weynayn marka loo da'tiriyo inta ay jiraan websitesku haddana waxa ladareemi karaa sida ay wax uga badaleen hanaanka iyo geedi socodka horumarka bulshada iyaga oo la odhan karo waxa ay dardar galiyeen dhaqdhaqaaqyada

horumarineed,baraaruga bulsho ee ku wajahan danta guud iyo in la sameeyo ururo wax qabad oo farabadan iyo fudaydinta hababka qaadhaanka lagu ururinayo sida kii garoonka kubada cagta. waxa kale oo ay dadka dibada iyo dalba usameeyeen dar laga cabbi karo kolba wararka jira gobal ahaan iyo aduun ahaanba sidoo kalena waxa ay magac u soo jiideen bulshada marka aad eegto kaalinta ay hada kaga jiraan warbaahinta soomaaliyeed sida aan ka ogaanay afti aan qaadnay iyaga oo lugu amaanay hufnaan,dhexdhexaadnimo,eexla'aan iyo xilkasnimo.

Xaqiiqadii waa hubaal in ururada iskaashigu yihiin unugyada iyo tiirarka hurumarka sidoo kalena waa muftaaxa hanaanka horumarineed ee bulsho sidaas darteed ururadan iskaashi ee dhawaanahan la aas aasay iyo awdal oo la odhan karo iskaashiga iyo iskaa wax u qabsada asal ayay u lahayd iyo websiteska sida xilkasnimada iyo kartida badan uuga war bixiyaa waxa ay ififaalo iyo bildhaan fiican u yihiin huramarka iyo geedi socodka guud ee gobalka.

Haddaba marka aan isbarbardhigo inta ay websitesku jireen iyo sida ay wax uga badaleen dal iyo dibadba waxa ay u qalmaan amaan badan oo ay kasbadeen laakiin aanan la gula dul kufin,waxa ayna i xasuusiyaan sheeko uu macalinkaygii dugsigsa ee Sh.Cali jawhar; Macalin" Cumar Suldaan Indho mood" maalin maalmaha ka mida nooga sheekeeyay waxa ayna ahayd sidan:-

Beri ayaa nin soo u gaadhsaday shimbiryar oo baas ah (eagle),waxa uuna ku dhexdaray digaag uu lahaa ninkaasi,

shimbirkii baaskii waxa uu la dhaqan noqday digaagii,kolba waxa ay fadhaanna wuu la fadhan jiray,mararka qaarkoodna digaaga isaga ayaa kaga badin jiray,

baaskii waxa uu ilaaway waxa uu ahaan jiray iyo karaamadii,iyo martabadii uu ku dhex lahaa bahweynta shimbiraha.

maalin maalmaha ka mida ayaa waxa meeshii soo maray nin, waxa uuna isha ku dhuftay shimbirkii iyo habdhanqankiisii, waxana uu ka fikiray magaca ay lahaan jireen tafiirta uu ka soo jeedo,iyo waxa uu hadda samaynayo.

ninkii in ta uu is haynkari waayay ayuu u dhaqaaqay shimbirkii dabadeedna inta uu kor u qaaday ayuu ku yidhi "o eagle be an eagle"

shimbiryahow baaska ahi noqo shimbir baas ah..waana uu laliyey.
nasiib wanaag shimbirkii waxa uu qaatay taladiii,halkii ayuuna ka bilaabay in uu duulo badeedna waxa uu noqday wixii laga filayey.

Hadal iyo dhamaan wabsitesku waxa ay galeen booskii ninka labaad ee shimbirka baaska ah xasuusiyay waxa uu ahaan jiray waxayna hada ay websitesyadu ku baraarajieen bulshada awdal ilbaxnimadoodii,taariikhdoodii soo jireenka ahayd,iyo in ay xasuustaan wixii ay ahaan jireen.oo ay boodhka iska jafaan.

ugu danbayn waxa aan kula talin lahaa websiteska in ay samaystaan iskaashi buuxa iyo qodobo iyo qawaaniin ay ka midaysan yihiin haddii kale lafo maroodi iyaga ayaa laysku jabshaa.
ugu dan bayn waxa waxa aan doorbiday in aan amaan iyo bogaadin u soo jeediyo labodan qaybood.

qaybta koowaad:

qaybtan koowaad waxa ay door muhiima ka qaateen dhaqdhaqaaqa iyo hurmarka gobalka gudihiisa iyo iyaga oo wax la taaban kora ka qaatay hawlaha iyo himilooyinka gobalka,waxa ayna kala yihiin

1-Cabdi qaadir Adan nuur(madaxa telesom borama)
2-ismacil Riraash (madaxa dahabshil borama
3-Xasan yusuf rirash (madax telecom borama)
4- Dr Cabdilahi iyo Prof axmed Xaashi Abib(founders of eelo american university)

qaybta labaad:
kooxdani waa hawl wadeenada iyo hormoodka wacyi galinta, qalinka iyo waxqorista,waxa ayna door muhiim ah ka ciyaareen baarujinta iyo dhiiri galinta bulshada waxana ka mid ah:-
1-Cabdiqani cateye
2-Sulayman cabdi dugsiiye
3-Jawhar cabdisamad qalinle
4-Sulayman cige (senior sceince lecturer)
5-Mukhtaar (awdalian)
6--Bahdoon
iyo qaarkale oo badan

Ilaahow qushuuciyo qalbigeena nuur yeel
khadar Abdi Khaire (khadarcago@hotmail.com)
Dhaka

No comments: