Friday, November 23, 2007

Ciiddayda iyo Calankayga (I) - Hiildan

Saaca–wa-saaca: Saacadihii hore waxaynu ku simbiririxoonay, oo waliba badhkeena ku saxdeen, siyaasada sokeeye ee S/Land, Awdal iyo Samaroon ! Saacadahan imika la joogo iyo wixii ka danbeeyana waxaynu u sii sinqaynaa halkuu sidrigu ku samaa, naftuna saafi ku ahayd iyo SoomaaliWeyn. Soomaali-weyneey, Wacadbaa innoo yaal (Naftii hure – AUN).

Ugu horreyn waxan jeclaan lahaa inaan salaan iyo bogaadin kal iyo laab ah an halkan uga diro waxgaradka dhawaananahan wada waciyaga iyo waanada, ee uu ugu horreeyo DR Suleyman Walhad. Waxan sidoo kale aad iyo aad u salaamayaa Dr A/Rahmaan Beille oo an aad iyo aad ula dhacay heestiisii qiimaha iyo qaayaha badnayd ee Calanka ee ku soo baxday Awdalnews (http://www.awdalnews.com/wmview.php?ArtID=9589).

Intii an waligay ku dhex jiray suugaanta soomaliyeed, ma arag heestaas mid ka qiimo iyo qaaya iyo qurux badan oo ku saabsan Calanka buluuga ah gaar ahaan wakhtigan xaadirka ah. Waana hees ka tarjumaysa wakhtigan Soomaali kala wareegtay iyo sida calankii Soomaaliyeed u boholyoobay uguna baahanyahay bulshadiisii iyo baladkiisii. Waa hees an odhan lahaa marka Soomaali isku soo noqoto, waa in loo doorto inay noqoto astaanta qaranka iyo calanka Soomaliweyn.

Dr Cali Baxar, ayaan isagana sidoo kale u dirayaa bariido iyo bogaadin bog iyo laab ah, sida uu ugu baraarugay heestaas Dr Bayleh, isna dib ugu usoo rogaal celiyay qoraaladiisii fiicnaa. Suleymaan Cabdi Dugsiiye ayaa isagu mar walba kasbaday salaantayda saaacad walba, isagoo mar walba ka ciyaaraya khadka dhexe, dibna noo xusuusiyay wixii hore loo yidhi, gaar ahaan Awdal iyo Somaliland, waxanan ka sugaynaa wax ku saabsan Somaliweyn.

Hadaba, abwaaniintan ah aqoonyahaniintu, waxad moodaa inay igu dhiiri galiyeen inaan dib u baadhbaadho diiwaankaygii fanka iyo suugaanta. Halkaasna an idiinka soo xulo heestan an ugu magac daray “Ciidayda Hooyiyo Calankayga Buluugoow”. Waa hees ka mid ah Albumka an ugu magac daray Ciidayda iyo Calankayga. Albumkaas oo soo taxnaa ilaa iyo biloowgii qarnigan ee 2000, waana qayb ka mid ah qoraalkii an ugu magac daray ‘Farriinta Qarniga’ (The Millennium Message).

Fadlan marka ad maqashiin magaca calanka buluuga ah, sida Dr Baxar ku baaqay, isku taaga oo salaama. Sara kacoo saf mida galoo Salaama Calanka buluuga ah.

CIIDAYDA HOOYIYO CALANKAYGA BULUUGOOW:

Baydka Koowaad

Walaalo colloobaayi
Inay curado iska laayaanoo
Hooyo goblan carceershaani
Waa caadadoodee

Somali curyaantayoo
Cududahay is gooyeene
Halyeey u cartamiyo
Wali ciiltire uma dhalanine

Ciidayda Hooyiyo
Calankayga buluugoow
Ducaan idiin cantoobshaye
Ducaan idiin cantoobsahaye
Allahaydin Caawiyo

Baydka Labaad

Waagii cadaadaba
Cuqdada laysku dilayiyo
Tolla’ayda cidaysani
Waa camaladeenee

Somali is ciishoo
Cudur qabiilaa jirrabaye
Hanad u cadgooyiye
Wali Caaqil uma dhalanine

Ciidayda Hooyiyo
Calankayga buluugoow
Ducaan idiin cantoobshaye
Ducaan idiin cantoobsahaye
Allahaydin caawiyo.

Baydka Saddexaad

Waaqlaha ku ciyaayiyo
Waraabaha cunaaayiyo
Cadaawahani weeraray………........................(xabashi)
Caallaa mooday walaale……………...................(madax ku sheega dalalka Soomaaliyeed)

Soomaali cawa daran
Ciirsi Allaa u maqane
Hogaan u ah Caadiliyo
Wali dawlad uma curanine

Ciidayda Hooyiyo
Calankaygu Buloogoow
Ducaan idiin cantoobshaye
Ducaan idiin cantoobshaye
Allahaydin caawiyo
Allahaydin caawiyo.

Heestaasi waxay leedahay cod aad iyo aad u macaan, qofkii jecel inuu ku heeso musigna ku daro, ha ila soo xidhiidho. Waanan u hibeyn doonaa qofkaasi... bi-shuruud ...waa hadduu iga cod fiicnaado. !!!!

Sidaa iyo Nabad iyo Caano.


Cabdiqani Yuusuf Caateeye

London UK

hiildan@yahoo.com

1 comment:

Yehudi said...

I wish I could read this too. I was in Mogadishu in 1993...I was one of the Rangers that fought in the well-known street battle known as, "Black Hawk Down." The poverty is heart-wrenching.