Tuesday, October 23, 2007

Wararkii ugu danbeeyey ee Somaliya oo goos goos ah: Abdifatah Ahmed - Borama

Jaamacada Carabta oo ergay cusub usoo magacowday Somalia .

Ururweynaha Jaamacada Carabta ayaa shaaciyay inay ergay cusub usoo magaceeb arrimaha dalka Somalia .

Kulan madaxda Jaamacada Carabta ku dhex maray magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar ayay isku afgarteen in la magacaabo Ibraahim Al-Shawweyni si uu wakiil ugu noqdo Jaamacada Carabta arrimaha cakiran ee dalka Somalia .

Ibraahim Al-Shawweyni ayaa la sheegay inuu dhawaan booqasho gaaban kusoo gaari doono magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Somalia si uu kulamo ula yeeshay Madaxda DF iyo Ururada bulshada rayidka ee Muqdisho ka jira uguna hadlo xaalada Somalia .

Ibraahim Al-Shawweyni ayaa badali dooni ergaygii hore ee Jaamacada Carabta u qaabilsanaa arrimaha Somalia Cabdalla Mubaarak Al-Cureymi.

Cabdalla Mubaarak Al-Cureymi ayaa eedeyno xoogan kaga imaadeen madaxda Dowlada Federaalka kuwaaso sheegay inuu taabacsan yahay Maxkamadaha Islaamiga Somalia .

Cabdalla Mubaarak Al-Cureymi ayaa lagu xasuustaa inuu Muqdisho toddobaad walba imaan jiray xiligii ay ka talin jireen Maxkamadaha Islaamiga, taasoo iska cad oo cid walba ku macneyneysa ammaanka ka jiray xiligaasi Muqdisho inay keeni jirtay in cid walba timaado caasimada.

Warar aan la hubin ayaa sheegaya in Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta iyo ergayga cusub ee Jaamacada Carabta Ibraahim Al-Shawweyni magaalada Muqdisho kusoo fool leeyihiin toddobaad gudahiisa, iyagoo kadibna gaari doona magaalada Baydhaba oo ay ku sugan yihiin madaxda DF.

Si kastaba ha ahaatee, Jaamacada Carabta ayaa howlihii dalka Somalia ka caajistay tan iyo markii xukunka laga tuuray Golohii Maxkamadaha Islaamiga oo lagu tirin jiray inay aad u taageeri jirtay.

Geedi iyo xubno la socday oo loo diiday inay Baydhaba ka baxaan.

Ra’iisul-wasaaraha Dowlada KMG ah ee Somalia Prof. Cali Maxamed Geedi iyo xubno lagu qiyaasay 87 Mudane oo siyaasadiisa taabacsan oo doonayay inay xalay kasoo ambabaxaan magaalada Baydhaba ayaa loo diiday.

Xubnahaan uu Geedi hogaaminayay ayaa waxaa is hortaagay inay Baydhaba ka baxaan ciidamada Ethiopian-ka oo guud ahaan dhinacyada Baydhaba lagu wareejiyay maalinimadii shalay aheyd.

Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxoow oo ka tirsan xubnaha taageersan Prof. Geedi ayaa Saxaafada u sheegay inay damacsanaayeen xubnahoodii inay u guuraan magaalada Muqdisho balse ay is hortaageen ciidamada Ethiopian-ka.

Waxa uu sidoo kale sheegay in isla xalay ay kulan la yeesheen saraakiisha sare ee ciidamada Ethiopian-ka ayna warsadeen sababa ay ciidamadooda isku hortaageen balse ay ku gaabsadeen inay tahay amar ay ka heystaan taliskooda sarre ee Madaxweynaha Somalia Cabdilaahi Yuusuf Axmed.

Geedi ayaa sida lagu soo waramayo damacsanaa in isaga iyo xubnaha taageersan ay u gaaraan magaalada Muqdisho kadibna halkaasi ugu dhawaaqaan inay labada dhinac u kala jabtay Dowlada KMG ah ee Somalia .

Baydhaba maanta waxaa ka socda abaabulo xoogan oo sababi kara dagaal dhiig badan ku daata, iyadoo Geedi uu ku adkeysanayo inuu u guurayo magaalada Muqdisho.

Arrintaan ayaa kusoo beegmaysa xili cod bixin shalay Barlamaanka uu sameeyay loogu adkaaday Ra’iisul-wasaare Geedi oo dhowr iyo labaatan u codeeyeen halka qorshaha Madaxweynaha uu helay 115 cod iyo in ka badan oo taageero ah.

Si kastaba ha ahaatee, xaalada Baydhaba ayaa maanta murugsan iyadoo uu jiro qax ay bilaabeen shacabka Baydhaba oo arkaya abaabulka ciidan ee gudaha magaalada iyo daafaheeda ka socda, waxaana maanta la filayaa inay magaalada soo gaaraan Wasiiro Ethiopian ah.

Askar ka tirsan DF oo saakay ku geeriyootay qarax Muqdisho ka dhacay.

Qarax miino ayaa saakay lala beegsaday Askar ka tirsan ciidamada booliska Dowlada KMG ah ee Somalia oo marayay agagaarka kulyaddii hore ee Jaallle Siyaad ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ku dhaqan agagaarka goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa saakay inoo xaqiijiyay inay arkayeen meydadka Askar qaarkood oo wadada yaala, isla markaana qaar kamid ah ciidamada ay rasaas dhinacyada oo dhan u rideen kadib qaraxa.

Goobjoogayaasha ayaa ku qiyaashay tirade askarta qaraxaan ku dhimatay 3 askari, halka uu jiro dhaawac soo gaaray qaar kale.

Xiriir aan la sameynay saraakiisha dhinaca Warfaafinta u qaabilsan ciidamada gobalka Banaadir ayay sheegeen inay ogyihiin dhimashada labo qof iyo dhaawaca afar kale, balse aysan ogeyn dhimashada saddex askari sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa aad usoo buux dhaafiyay ciidamo ka tirsan booliska DF oo qaaday meydadka askarta isla markaana baaritaan xoogan halkaasi ka bilaabay.

Nabadoon Max’ed Salaad oo kamid ah odoyaasha degan goobta uu qaraxa saakay ka dhacay ayaa Saxaafada u sheegay inay jiraan saddex ruux oo rayid ah kuwaaso dhaawac kasoo gaaray rasaas ay qaraxa kadib fureen ciidamada booliska DF.

Nabadoonka ayaa sheegay in sidoo kale qaar kamid ah dhalinyarada deegaanka ay wateen ciidamada booliska DF isla markaana aysan ilaa hada ogeyn sababa loo watay balse ay u maleynayaan sida caadada u aheyd ciidamada DF inay ugu shakiyeen qaraxaan.

Qaraxaan ayaa kusoo beegmaya xili askarta DF ee kuwada sugan magaalada Muqdisho khilaaf xoogan u dhaxeeya kaasoo salka ku haya khilaafka u dhaxeeya Madaxweyne Yuusuf iyo Ra’iisul-wasaare Geedi.

Max’ed Dheere “Madaxa WFP ee Somalia sharciga ayaa lagu qaadaya”.

Maxamed Cumar Xabeeb “Maxamed Dheere” Guddooomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xariga ay ciidamada DF u geysteen mas’uulkii WFP u qaabilsanaa Somalia Idis Maxamed Cismaan.

Max’ed Dheere ayaa sheegay inaysan jirin cid sharciga ka weyn isla markaana marnaba suurta gal aheyn in si qaldan ay usoo xireen ciidamada DF mas’uulkaan WFP ka tirsan.

“Cadaadis kasta oo naga soo gaara caalamka kama hakin doono inaan shacriga horkeeno mas’uulkaan WFP ka tirsan, waxaana lagu qaadayaa dambiyo lagu hayo” ayuu yiri Max’ed Dheere.

Waxa uu sidoo kale sheegay in xariga loo geystay mas’uulkaan uu ka yimid mas’uuliyiinta dhinaca ammaanka ugu sareeya DF, isla markaan ay jiraan dambiyo iska cad oo lagu hayo dhawaana la maxkamadeyn doono.

“Anaga mar walba muhiimada koowaad waxaa inoo ah ilaalinta sharciga iyo sugida nanabdgelyada, haddii WFP galey cagaarta ay bixiso ay ka qiimo badan tahay sharciga dalkeena, ha iska ceshato galeyda iyo “ ayuu yiri Max’ed Dheere.

Waxaa horey lagu wareersanaa cida sida rasmiga ah u xirtay mas’uulkaan WFP ka tirsan balse hadalka Max’ed Dheere ayaa dadka qaarkood u fasirteen inuu isaga ku dambeeyay xarigaan waloow ay jireen hadalo badan oo WFP ugu tilmaamay mid argagaxiso ah isla markaana aysan cunno u qeybin Karin dadka ka qaxay Muqdisho
Dhinaca kale, Maxamed Cumar Xabeeb “Maxamed Dheere” Guddooomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa xalay ku amray ciidamada nabad sugida ee ku sugan dekada Muqdisho inay halkaasi isaga baxaan.

Maxamed Dheere ayaa yiri “Ammaanka dekada cid walba waxey sheegta inay sugeyso taasina macquul ma ahan maamulka gobalka Banaadir ayaa ciidamo tiro yar oo qalabeysan usoo xulamaya sugida ammaanka dekada, waana in laga wada saaraa dhamaan ciidamada ku sugan”.

Waxa uu sidoo kale sheegay in askarigii aan maamulka gobalka Banaadir usoo xulin sugida ammaanka dekada oo lagu arko isagoo ku sugan la toogan doono is warsi la’aan.

Max’ed Dheere waxa uu sheegay in maamulkiisa gobalka Banaadir uusan saameyn ku yeelan doonin khilaafka u dhaxeeya madaxda DF.

Hadalka Max’ed Dheere kadib ayaa waxaa soo ifbaxay in ciidamo ay hogaaminayaan Darshiiw iyo Ina libaax sanka ka taabte ay isaga baxeen magaalada Muqdisho iyagoo gaaray magaalada Baydhaba.

Ilaa hada lama yaqaan sababa ay ciidamadaan oo badankood degnaa dekada Muqdisho ay u baxeen iyo in hadalkii Max’ed Dheere saameyn ku yeeshey ayaa xiriiro kala duwan oo aan la sameynay saraakiisha dhinaca Warfaafinta u qaabilsan askarta DF ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan.

Isku soo duuboo, waxaa Muqdisho ka jira is aruursi dhinaca ciidamada ah iyadoo uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhaxeeya ciidamada ku wada sugan Muqdisho ee kala taabacsan Madaxweyne Yuusuf iyo Ra’iisul-wasaar Geedi oo xurguf xoogani u dhaxeyso.

Galgaduud: dagaal qasaaro geystay oo dhex maray reer Miyi.

Dagaal qaraar ayaa reer Miyi ku dhex maray tuulooyin ka tirsan gobalka Galgduud waa waqooyiga Somalia .

Dagaalkaan oo salka ku haya aanooyin qabiil oo labada dhinac ee dagaalamay horey dilal isku geysteen ayaa lagu soo waramayaa inay sababtay dhimashada 5 ruux oo rayid ah iyo dhaawac in ka badan 7 ruux.

Dagaaladaan labada qabiil dhex maray ayaa ka dhacay Tuulooyinka Buurjeet iyo ceel-magaad oo hoos yimaadaan degmada Guriceel ee gobalka Galgaduud.

Dadka arintaan ku dhaawacmay ayaa hada lagu daaweynaya isbitaal ku yaala magaalada Guriceel, iyadoo qaarkoodna xaaladood ay aad u daran tahay oo loo soo qaaday dhinaca magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha degmada Guriceel Cali Sheekh ayaa Saxaafada ugu warbixiyay xaalada hadalka ay mareyso waxuuna sheegay inay labada dhinac wadaan is aruursi lxoogan kuwaaso mid walba mida kale ku doonayo inuu aargoosi u geysto.

Waxa uu sheegay hadii ay yihiin mas’uuliyiinta Guriceel inay arintaan xalinteeda wadaan isla markaana ay la kulmeen odoyaasha dhaqanka oo ay kasoo kala jeedaan labadaan maleeshiyo beeleed ee dagaalamay.

Waxa uu raja wanaagsan ka muujiyay qaboojinta xiisadaan ka aloosan tuulooyinka hoos yimaada magaalada Guriceel ee gobalka Galgaduud.

Ma ahan markii ugu horeysay oo beelo wada dega gobalka Galgaduud is ugaarsadaan iyadoo gobalkaasi caado ka noqotay dagaalada qabaai’ada wada dega dhex mara.

Muqdisho: baaritaan xoogan oo saakay ka socda degmada Waaberi.

Ciidamada Dowlada KMG ah ee Somalia ayaa saakay aroortii baaritaano xoogan ka bilaabay qeybo kamid ah degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Ciidamadaan ayaa lagu arkayaa waddooyinka soo gala degmadaasi, iyagoo baaraya guraha iyo goobaha ganacsi ee degmadaasi ku yaala.

Aamin Mai oo ka tirsan dadka ku dhaqan degmada Waaberi ayaa inoo xaqiijiyay in gurigeeda saakay la baaray balse aysan jirin wax laga qaaday ilaa hada.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in ciidamada ay wateen Imaanka Masjid Muuse Boqor ee ku yaala degmadaasi, iyo culumaa’udiin kale oo masaajidka ku sugneed xiliga baaritaanka bilaabanayay.

Ilaa hada ma jirto qarax lala beegsaday askartaan sida Muqdisho maalmihii ugu dambeeyay ka dhaceysay marka ciidamada ay howl-galka wadaan in qarax lala beegsado.

Xaalada degmadaasi ayaa kacsan iyadoo ay dadka dhib ku noqotay inay shaqa tagaan maadaama guryahooda la baarayo ayna ka baqayaan in alaabo laga qaato sida dadka qaarkood sheegayaan.

Ilaa hada lama oga sababta keentay baaritaankaan ciidamada ay saakay ka wadaan degmada Waaberi, iyadoo aysan wali arintaan ka hadlin saraakiisha DF ee dhinaca Warfaafinta u qaabilsan.

Muqdisho: Askarta Uganda oo la wareegay gacan ku heynta xabsiga dhexe.

Ciidamada Uganda ee ku sugan gudaha magaalada Muqdisho ayaa shalay galab lagu wareejiyay guud ahaan gacan ku heynta xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.

Ciidamadaan oo aad u hubeysan isla markaana wata gaadiidka gaashaaman ayaa shalay galab fariisin xoogan ka sameysay gudaha iyo daafaha xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.

Ciidamadaan qaarkood ayaa lagu arkayay dibada xabsiga iyagoo ka qodanayaa godod waa weyn oo ay difaac ka galayaan hadii ay dhacdo in lasoo weeraro.

Ilaa hada maamulka gobalka Banaadir iyo saraakiisha ciidamada Uganda kama aysan hadlin arintaan ay xabsiga dhexe ammaankiisa kula wareegeen ciidamada Uganda halka horey ay u joogi jireen ciidamo ka tirsan Dowlada KMG ah ee Somalia .

Xiriir aan la sameynay Afhayeenka ciidamada Uganda ee Somalia jooga Captain Paddy Ankunda ayay inoo suurta gali waysay inaan helno telefoonkiisa oo xirnaa owgeed.

Arrintaan ayaa kusoo beegmaysa xili Max’ed Dheere shalay uu sheegay in maxaabiis ku jira xabsiyada Muqdisho 48-saacadood gudahood hadii Maxkamad lasoo saari waayo inay dibada u bixinayaan.

48-saacadood oo uu qabtay Maxamed Dheere ayaa hada wax yar uun ka harsan yihiin, iyadoo xabsiga dhexe ay ku jiraan tirade ugu badan maxaabiista lagu soo qabqabto howl-galada ay ciidamada ka sameeyaan qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.

Si kastaba, xaalada ayaa u muuqata mid cakiran lagana yaabo inay isku dhacaan ciidamada Max’ed Dheere iyo ciidamada Ugandhees oo aan is afgaraneynin kadib marka uu dhamaado waqtiga uu shalay qabtay Max’ed Dheere.

Abdifitahaam Ahmed
Email: abdifitahaam@gmail.com
Tel: +25224455566 or +25265500099
Borama – Somaliland

No comments: