Friday, October 26, 2007

Kiiskii Borrel Djibouti .. Qalinkii: Zakaria Hussein


Kiiskii Borrel .. baroortu orgiga ka wayn ! Qalinkii: Zakaria Hussein

Riyaad - gabadh adhi jirto ah ayaa maalin maalmaha ka mid ah dacawo ka cuntay orgi ka tirsanaa xayn adhi ah oo ay daajinaysay, gabadhii dhacdadaasi waxay u aragtay mid dabiici ah wax dareen ah oo murug ka turjumi karana kamay muujin, laakiinse markii ay fiidkii xoolaha soo hoysay ee ay doleedka soo gaadhay ayay ogaatay arooska wiil dhallinyar ah oo ay isku degaan ahaayeen oo ay iyadu isku wadday oo mid kale aroostay, gabadhii iyada oo dareenkeeda qarinaysa ayay oohin bilowday markii sobobta la waydiiyayna waxa ay sheegtay inay u ooyayso oo ay ka sabri kari laadahay orgigii maanta dacawadu cuntay, haseyeeshee aabeheed oo gartay dulucda oohinta ayaa ugu jawaabay (baroortu orgiga ka wayn).


an ka gudbee, waxaa maalmahan dalka Djibouti ka socday bannaanbaxyo si wayn looga qayb gelay oo lagaga soo horjeeday eedeeynta labo iyo toban jirsatay ee ay xukuumadda Faransiisku u maleegtay madaxwaynaha Djibouti mudane Ismaaciil Cumar Geelle ee ku aaddan kiiskii garsoore Bernard Borrelkii ku bakhtiyay Djibouti 19 oct. sannadkii 1995, islamarkaana uu taliska faransiisku Madaxwayne Geelle oo xilligaasi ahaa madaxa nabad- sugidda qaranka ku eedeeyay ka danbaynta dilka ninkaasi, bannaanbaxyadan cadhaysan ee ay dad waynaha reer Djibouti soo abaabuleenna waxay ahaayeen kuwo ay ku garab istaagayeen madaxwaynahooga Mr.Geelle.



Bernard Borrel oo ahaa garsoore u dhashay dalka Faransiiska oo dawladda Djibouti gacan ka siin jiray dhinacyada habaynta amuuraha caddaaladda islamarkaana ka mid ahaa la taliyeyaasha wasiirkii caddaaladda ee xilligaasi Mumin Bahdoon Faarax ayaa maydkiisa laga helay meel u jirta 80 km caasimadda Djibouti, xaqiiq radin iyo baadhitaanno loo dhammaa oo wakhtigaasi la sameeyayna waxaa ka soo baxay inuu garsooruhu arrimo shakhsi ahaaneed isku dilay, arrintaasina waxay keentay in kiiskaasi xidhmo.

haseyeeshee muwaadin reer Djibouti ah oo magangelyo ka rebay Faransiiska oo la yidhaa Saalix Al- Xamiiqaani ayaa sannadkii 2000 arrintan soo nooleeyay oo waxyaabo uu ku tilmaamay caddaymo sugaya in madaxwayne Geelle garsoorahaasi khaarijiyay u gudbiyay faransiiska, dhacdadaasina waxay keentay in uu faransiisku huriyo kiiskaasi markale.



xidhiidhka Faransiiska iyo MR.Geelle ka hor intaanu hanan madaxnimada Djibuti ayaa la sheegaa inuu ahaan jiray mid aan fiicnayn, iyada oo ay jirtay marar uu Faransiisku shirqoollo dhicisoobay u maleegay madaxwayne Geelle sida bashqad ay ku jirtay cajalad Video ah oo lagu soo lifaaqay waxyaabaha qarxa oo Mr Ismaaciil looga soo diray magaalada Marseill 13 kii December ee 1994, cadaawaddan Faransiisku Mr.Geelle u hayana waxa loo aaneeyaa madaxwaynaha oo ah siyaasi ruug caddaa ah oo aan marnaba lagu dabo rogi Karayn shuruucda siyaasadda iyo iskaashiga labo geesoodka ah ee ka dhaxayn kara labo dal oo uu midkood ka kale gumaystay.



Dhinac kale, arrintan la baxday (l`affair du Borrel) markii si hufan loo diraaseeyay waxaa caddaatay sida ay ilo xog- ogaalihi sheegeen inuu garsooruhu gacantiisa isku dilay, maxaayeelay waxaa la xaqiijiyay caddaymo ay ka midyihiin in Borrel maalmihii u danbeeyay noloshiisa uu walbahaar iyo fakir badani ku furnaa, kaasoo sida la sheegay ka dhashay muran qoyseed u dhaxeeyay isaga iyo xaaskiisa Elisabeth Borrel oo baryahan danbe xoojisay dadaalka ay ugu jirto dhalleecaynta madaxwayne Geelle.



Sidoo kale waxaa la sheegay markii ay tiisu gashay ee uu gurigiisa ka baxayay inuu quraarad gaas ah qaatay dabadeedna raqdiisa oo dhinac ka gubatay laga helay deegaanka Qubbat –Al Kharab, waxa kale oo ka markhaati kacaya arrintaasi sida la sheegay dardaaran uu garsooruhu xaaskiisa uu qoray oo ku wajahnaa habka loo maarayn doono hantidiisa geeridiisa ka dib.

Isku soo wada xoori oo arrintan 12 jirsatay ee haweenaydii ka hadhay garsoore Borrel jiifka u diidday ayaa u muuqata marmarsiinyo siyaasadeed oo meel hoose laga dhiraan-dhirrinayo, ujeedada laga leeyahayna ay tahay in lagaga aargoosto madaxwayne Geelle oo tallaabada lagu qoonsaday tahay hanashada madaxnimada dalkiisa iyo codka shacabkiisa isaga oo aan haysan raali ahaanshaha Faransiiska, kiiskanna waxa uu noqday mid looga ololeeyo warbaahinta dalkaasi, markasta oo uu Faransiisku jalleeco geeddi socodka siyaasadda iyo horumarka Djibouti oo ah goob juqraafiyeed muhiim ah oo dowladaha waawayn ee caalamku usoo kala badiyaan sidii ay xidhiidh iyo iskaashi ula yeelan lahaayeen.



Si kastaba ha ahaatee sida ay dad badan oo siyaasadda ku xeel dheeri qabaan Mr.Geelle ayaa ah siyaasi magac wayn ku leh qaaradda Africa, waxana la sheegaa inuu ka khibrad badan yahay nolosha siyaasadeedna ka yaqaan madaxwayne Nicolas Sarkosyga Faransiiska oo si dardar leh uga shaqaynaya arrintan taageero buuxdana la dabo taagan Elesabeth Borrel, waxaasa xaqiiq ah sida ay dad badani qabaan inaanu kiiskani saamayn xun ku yeelan doonin masiirka Djibouti iyo Mr.Geelle toona maadaama ayna qadiyaddaasi cuskanayn sida la sheegay caddaymo sugan oo ay tahay been abuur aan geed loogu gabban iyo tallaabo khilaafsan qawaaniinta caalamiga ah.
Ugu danbayn ma mooddaa in Mr.Sarkosy damac kaga jiro haweenayda ka hahday Borrel maadaama ay maalmo ka hor kala tageen xaaskiisii hore ee Cecilia Sarkosy, oo uu baryahanba doob ahaa? Dhacdadaasi ma hubo tafaasiilna kama hayo wuuse dumaali kara Sarkozy duqda Elisabeth haddii ay ilaa haatan madax bannaan tahay oo uu isleeyahay xaas ahaan tii hore way kuu dhaaami doontaa iyada oo aan dacwado kale oo been abuur ah lagu wareegaysan.

Zakaria Hussein
Riyaad
murtishiil@hotmail.com

No comments: