Thursday, October 25, 2007

QooysLand Ma Noqdo QaranLand ! - Hiildan

Waa maqaal kooban oo an u hibeeyay dadka walaalahay eh ee jidbaysan ee aaminsan qiirada riqiiska ah ee odhanaysa Qabsashada xududuuha, sida Sool, Sanaag iwm; waxay Somaliland dhaxalsiin doontaa Ictiraaf usoo deg-dega. Dadkaasi, waxan ugu bishaarayn lahaa in wax la yidhaahdo aqoonsi caalami ah, oo la siiyo Somaliland, u jiro Somaliland inta Dhulka iyo Cirku isku Jiraan. Waa dhulka xagiisa ugu hoosaysa oo cidina aanay gaadhin, iyo cirka xagiisa ugu sarreeysa oo cidina aanay gaadhin. Labadaba cidihifba Ilaahay uunbaa gaadhay oo oge.

Hadii waxa loo “Qam iyo Dig” leeyahay, dhiigana loo Qubayi tahay in Somaliland hesho Aqoonsi. Iyadoo waliba la tuhmayo inuu Ingiriisku kula taliyay Somaliland inay horta xuduudaheeda sugaan si ay aqoonsi u helaan. Waxad ogaatiin, in Ingiriisku ogyahay dadkan sheegtay Somaliland inay yihiin Qooys is ballaadhiyay oo raba inuu Qooysas kale ku adeegsado, isaga dhexdiisuna is dulmo. Iyo Qooysas kale oo raba inay Qooyskaa is ballaadhiyay ku kala adeegsadaan, dhexdoona is dulmaan.

Ummadda Soomaaliyeed oo ka kooban qooysas (Clans) noqday Qabiil weyn (Tribe) ayaa sameeyay Qaranka Soomaaliyeed. Hase yeeshee Qooysaskaas sii kala jabay marnaba ma samayn karaan Qabiil kale oo weyn oo la mid ah midkan Soomaaliyeed, oo deeto noqda Qaran. Ma I fahmanteen mise waan idiinku celiyaa?.!!. Waxan ka wadaa Ummadda Soomaaliyeed markoodii horeba waxay ahayd qabiil noqday Qaran. Wixii intaas kasii jajabina waa qooysas, Qooysna noqonmaayo Qaran.

Hadalka waxan kusoo gabagabaynayaa inaan idhaahdo: Sooomaaliya waa Qaran jira oo an u baahnayn Aqoonsi Caalami ah, Somalilanda waxay ka mid tahay Qarankaas jira ee aqoonsigana haysta, iskeedba ha u madaxbanaanaatee. Somalilandna waxa guul u ah Lix iyo Tobankaa Sanadood ee ay nabad ku caano maashay ee horumarka ku gaadhayna inay iska dumin oo imika dib usoo noqon. Sobabtoo ah Somaliland oo iskeed ahi, waa is ogtahay oo waa QOOYSLAND, kaasna ma noqon karo, QARANLAND.

Sidaa daraadeed Qooys ma helo Aqoonsi Qaran; Qaranna ma raadsho Aqoonsi Caalami. Qabsashada Soolna iyo dhiiga lagu qubo xuduuduhuna iskaba daa aqoonsi ugu soo deg-dega Somalilande, waxay dhaxalsiin doontaa aqoonsi, ka deg-dega Somaliland oo ku dara SoomaliWeyn. Qeyrkaa wixii dilay ha doonin. Wixii dumiyay dawladihii hore ee lagu siray inay dhul ka maqnaa raadsadaan (sida dawladii Siyaad Barre), kadiba looga baxay, ee iyagiiba hadana lagu dumiyay, Somaliland ha iska jirto, hana ku qabweynaato oo ha iska iimaansato inay tahay QooysLand.

Nabad iyo Caano.

Abdiqani Ateyeh

London UK
hiildan@yahoo.com

No comments: