Saturday, October 27, 2007

Ogeysiis: Dhamaan Taagerayaasha Iqra/Read NGO

Osman Douale Dirir - Gudoomiyaha Ururka Iqra:

Ka dib markii la habeeyey maamulkii fulinta ee Iqra waxaan marka hore aad iyo aad u salaamaynaa dadkii ka qayb qaatay ka midho dhalinteeda oo dibada iyo dalka hooyaba kala jooga ee uu ugu horeeyo walaalkeen Dr. Abdirahman Jamac Hadi.

Marka labaad waxaan idinka codsanaynaa inaad kordhisaan taageeradii aad uruka siin jirteen iyo aad dadaalkiina intaas ka kordhisaan.

OGEYSIIS:

ANIGA OO KU HADLAYNA MAGACAYGA IYO MAGACA GUDIGA FULINTA EE URURKA WAXAN AAN IDINKA RABNAA IN, MAANTA WIXII KA DANBEEYA, AAD NALA SHAQAYSAAN, NAGU GARAB GASHAAN SIDII AAN U FULINLAHAYN HAWSHA NOO TAALA EE AADKA U ADAG. SIDAA DARTEED, WAXAN DHAMAAN IDIN KA CODSANAYNAA IN AAD WAX ALLE WIIXII AAD U BAHATAAN EE WAR AH AAD SI TOOS AH UGU SOO QORTAAN WEBSIDKA URURKA SI AY NOOGU FUDUDAATO IN AAN SI DEG DEG AH UGA SOO JAWAABNO DALABAADKIINA IYO SU’AALIHIINABA.

WIXII WARAR KALE AH, EE INTAA DHAAFSAN, HADII AAD U BAHATAAN WAXAAD KA WARAYSAN KARTAAN GUDOOMIYAHA OSMAN DOUALE OO HADA JOOGA YURUB, MAXAA YEELAY MAALIN KASTA SI TOOS AH AYAAN UWADA XIDHIIDHNAA. FADLAN, WAXA ALLE WIXII QUSEEYA URURKA IYO HORUMARKIISABA SI TOOS AH UGU SOO QORA WEBSIDKA URURKA KAASOO AH MURAAYADA KALIYA EE LA AKHRISAN KARO EE INOO DHEXEEYA, WAX QABADKEENNUNA KA MUUQAN KARO.

OSMAN AXMED IBRAHIM MAXAMED EGEH BAHDOON
GUDOOMIYE KU XIGEEN XOGHAYE

Telephone - Africa Online - 252 6 240 238

Readngo.org

No comments: