Sunday, October 21, 2007

Prof Ismacil Mumin Aar Waa Nin Meel Madow U Muuqato Muraadkiisu Yahay Cadho Hunguri Ka Kacdey Cafis Ma Leh - By Habib

Waxaa bilaamey wakhtigii loo diyaar garoobayey doorashadii madaxtooy-ada iyo dawlahada hoose rag baa damacooda soo bandhigey ragas waxaa ka mid ah Ismaciil Muumin Aar oo ka soo jeeda ardaayada reer Nuur, reer Nuur markana leeyahay waa la yaqaana cida u talisa ee hogaanka u haysa oo Duqeytiga iyo Salaadiinta uu hogaamiyo Suldaan Saleebaan oo run ahaantii ku hadaley hadal macquul ah oo miisaan leh ayaa u taliya ee inan yar oo oodan ka bood ahi uma taliyo taas waxaa kuu cadeyneysa markuu yidhi Suldaan Saleebaan: reer Nuur hadaa nahay Udub waa hooyadayo xisbiyada kalena waxey noo yihiin Aayo waa hadal dhaxal gal ah oo macno weyn ninkii garaya ugu fadhiya.

Marka aynu ka hadleyno dawlada Somaliland saamiga uu reer Nuur ku leeyahay maanta reer Samaroon ah oo ku leh ma jiro hadey tahay Wasiirka Macdanta iyo Biyaha, hadey tahay Agaasimaha Guud ee Maaliyada waa wax laga xishoodo in nin Madaxweyne ah raguu seediga u ahaa kurisi madaxweyne ku xigeen hurguri ka galo waa wax laga yaqyaqsado waar hadaad Daahir Rayaale ka xishoon weydeen maxaad u qadarin weydeen gabadhiina Huda Barkhad Aadan somalidu waxey ku maahmaahdaa seediga ha coleysan walaashaa sidey yeeli mooyi waa hadal murti qiima leh ku fadhiya waxaan leeyahay Ismacil Muumin Aare iyo inta yare taagersan ee ay ugu horeeyo Ahmad Sheikh Omar good dadkiina iyo tolkiina dhinac ka raaca oo rag guumeed la iniguma ogeynee is bahdilaada aan qiimaha ku fadhiyin iska daaya.

Runtii waxaa wax laga xishoodo ah in ragii ay reer Nuur lahaayeen Dila ayey dumiyeen manta Ismaaciil Muumin Aar iyo raga la socdaa u dudaan RAGNIMOOY NINKAAGII NACASNIMO MAXAA BADEY waxaan leeyahay Ismaaciil iyo inta beenta ku afuufeysa ee kharashka yar kaga cuneysa waan ku dooraneynaa oo anagaa ku dalacsiineyna halkaa manta tolkiin mareen mara oo midnimada tolka ka taliya sxbkey Ahmad Good waxaan leeyahay ixtiraam darada ka daa odayada, bahdilaada ka daa Suldaanada ninkii dhintey kabihiisaa dhaama maantase majaraha raga reerka u haya ee taladu ka go,daa waa Suldaanada ay ka midyihiin Suldaan Saleebaan iyo Suldaan Nuur Dheere, bal u fiirso maalinkii uu Kulmiye ku biirey Ismaaciil Muumin iyo ragii la socdey Abdirahman Aw Cali inta uu qosley ayuu yidhi nasiibkiina ayaad qaadeysaan ee dadaala oo qadaadka ha u seexanina runta ayuu Ina Aw Cali og yahay meesha ineyna wax uuga banaaneyn ayuu si dadban u bayaanshey.

waxaan hadalkeyga ku soo oodayaa Ismaaciil Muumin Aar inader miskiincadhoodey madaxaa wareeree xafiiskii madaxda aad ka aheyd ee UNDP dib baan kuugu fureynaa ee ka digo rago ragii dila dumiyey inaad darmo ku wada fadhiisataan.

wabilaahi tawfiiq

ADAM HABIB
jeyhabib@hotmail.co.uk

1 comment:

Anonymous said...

Another politically-illiterate gangster.Well what else is new?