Monday, October 22, 2007

Hanoolaaato 21kii Oktober - Yassin Meraneh

inkastoo dawladii MAXAMED SIYAAD aaney ahayn mid loo baroorto hadana marka loo eego kooxa badaley waxay ku sifoobaysaa odhaahdii ahayd (salaamulaah calaa xijaaj). wadanku hoosta haka burbursanaado laakin waxa uu lahaa oo shaqaynaysay haykal dawladeed oo isku xidhan,awood dhaqaale, iskuxidhnaan umadeed, calan kaliya iyo umad kaliya.

HADABA maxaa badaley?. jabhaddo qabiil ku saleysan, oo aan lahayn hadaf ay dalka ku maamulaan. Gaas dhagoolayaal ay madax martay qabyaalad iyo nacayb jinsi. kooxo askar ah ay caadifadi hagayso oo dilka xariifiin ku ah. Intaas oo as biirsaday oo barbar taagan boob iyo qaran dumin ay wadanku gacanta u galey walina ka soo kaban laayahay. hadii dhan kale laga eego, madaxda maanta haysata ee DAAHIR RAYAAL, CADO MUUSE IYO C/LAAHI YUUSUF iyo dhamaan qabqablayaasha oo dhami waa midhihii kacaanka.

fikirkooda iyo ficilkooduna wax badan kama foga tii maxamed siyaad ee ay badaleen. way xidhaan siyaasiyiinta ka fikir duwan, saxaafada iyo wariyayaasha ma jecla, qaarkood dil badheedh ah ayay ku hayaan umada. waliba mida ay uga sii daran yihiin dawladii siyad waa wehelkooda iyo jaalahooda waa dawlada itoobiya. oo ay marwalba u dhoofiyaan kolayo ummad soomaali ah inta ay iskugu xirxiraan. dhamaantoodna waxay aaminsan yihiin xiriirka itoobiya oo la hagaajiyo in uu kursiga ku waarinayo.

mida labaad,madaxdan waxay ka siman tahay ,dhamaan waa askar aqoontu ku yar tahay iyo furfurnaanta siyaasadeed. waxayna aaminsan yihiin in umada la cabudhiyo ,lakala soocsooco xoogna lagu haysto. tusaale, DAAHIR RAYAALE oo xukunka ka dhaxley marxuun cigaal markii dambana, ku soobaxay doorasho aan sharcigeedu dhaneyn, madmadow badana ka buuxo ayaa isku diyaarinaya inloo soo doorto shan sano oo kale.

iyada oo aanay jirinwax horumar ah oo lagu xasuusan karo shantii sano ee uu hayey xafiiska. hadaba, ma inagaa waalan mise cadan baa laga heesayaa? maxaan ku canaantaa macalinkii hore marka ardaydiisii xukunka ka dhaxashey ay ka daran tahay isagii ama aad moodeyso in uu ku dardaarey inay hawsha halkii ka wadaan?

Yassin Meraneh
Djibouti - Republic of Djigouti
SayliciPress Blogger

No comments: