Saturday, September 15, 2007

Who got more cash: Edmonton or Calgary? The mayors' faces

15 September 2007

Mandel is livid, Bronconnier pleased as Stelmach hands out funds for citiesGraham Thomson, The Edmonton JournalPublished: 2:06 amTo say Edmonton's mayor rained on the premier's parade Friday afternoon is to say Niagara Falls drips water.Mayor Stephen Mandel opened up a deluge of disappointment and bitter feelings at the premier's news conference where the province announced a funding deal for municipalities.

Premier Ed Stelmach should have brought an umbrella.Mandel is not happy with the deal that will see Edmonton get a total of $2.1 billion over the next 10 years compared with Calgary's $3.3 billion.Mandel's disappointment was evident the moment he sat down at the news conference Friday with Stelmach and representatives of the province's municipalities.While the others, notably Calgary Mayor Dave Bronconnier, praised the deal, Mandel slumped back in his chair with his arms folded and an expression on his face that could stop a train.Mandel was careful to thank Stelmach for keeping his promise to remove strings from the funding and to allow municipalities to borrow money against future funds.But Mandel is angry at the funding formula that he says treats Edmonton unfairly.

And he wondered if maybe he made a mistake by being the nice, quiet guy in negotiations with the province."The past few years, I believe I have had good relations with this government," said Mandel. "I have spent countless hours talking to ministers trying to ensure my citizens were treated fairly. I have to wonder whether I should be a bit more vocal publicly." Well, he's vocal now.Mandel tried his best not to be a total wet blanket, making a point of thanking Stelmach several times during and after the news conference. However, he launched repeatedly into how Edmonton is hurt by a funding formula that fails to recognize the fact the city, unlike Calgary, is part of a region with many bedroom communities putting a strain on Edmonton's resources.
Residents from Sherwood Park, for example, work in Edmonton, drive on Edmonton roads and use Edmonton services -- but they don't contribute to Edmonton's tax base. Under the province's funding formula, Edmonton does not get credit for providing services to thousands of out-of-towners.It would be simplistic to write off Mandel's complaints as municipal-election campaigning. Edmonton has been short-changed in this respect for years.It didn't help that Mandel is fighting a flu bug. He coughed and spluttered his way through the news conference, taking off his glasses to wipe his eyes and at times putting his head in his hands.He looked miserable.Stelmach didn't exactly look delighted, even though he was praised by Bronconnier who called the deal "historic." It was an amazing turnaround from last spring when Bronconnier had slammed Stelmach's provincial budget, calling it "one of the most significant broken promises ever perpetrated on Albertans." Bronconnier's anger with the provincial government was instrumental in helping the Tories lose the Calgary- Elbow byelection to the Liberals in June.On Friday, however, Bronconnier turned to Stelmach and said of the new municipal funding deal: "Yes, you have kept your promise." Stelmach couldn't have, uh, paid Bronconnier for a better endorsement. Not even if he handed over, uh, let's say $3.3 billion over 10 years to the city of Calgary.Not that I'm trying to say Stelmach is crassly trying to buy Calgary's support. You could certainly make an argument that booming Calgary is simply getting what it deserves.Then again, you could also make an argument that Stelmach is trying to do all he can to reverse his dismal approval ratings in Calgary.The government is quick to point out the discrepancies between Edmonton and Calgary are not as bad as Mandel makes out.The Edmonton region, for example, will actually get $3.1 billion over 10 years, almost as much as Calgary. However, Mandel would be just as quick to respond that the city of Edmonton will get just $2.1 billion of that money -- but will have to provide infrastructure and services for people who visit and work here every day from outlying communities."Edmonton's infrastructure needs are every bit as significant of those in Calgary," said Mandel. "But Calgary has the benefit of receiving 90 per cent of its funds for the region. In Edmonton, we get the costs without the funds." This friction between two mayors goes far beyond a mere municipal tug-of-war. It demonstrates that Stelmach might just have entered a political twilight zone where he can do nothing right.

In the spring, Bronconnier was raining on his parade.Now it's Mandel.Forget the umbrella. Stelmach might want to get flippers and a wet suit.
gthomson@thejournal.canwest.com

Source: Edmonton Journal

Friday, September 14, 2007

Ramadan iyo Qurbo jooga - Dhinaca Shaqada iyo Cuntada:

Saylicipress
14 September 2007
Dadka qurbaha jooga ayaa dhibaato ka haysataa sidii ay u noolaan lahaayeen nolol ku salaysan diinta iyo dhaqankoodii dalka hooyo oo ay uga fogaan lahaayeen wixii shiki galinaya inay ku dhacaan xaaraan ama wax ilaahay uusan raali ka ahayn. haddaba waxa ugu badan ee khilaafka ka bilowdaa shaqada ay hayaan dadku ama sida ay u nool yihiin; cuntada halkii ay ka iibsan lahaayeen ama wixii ay iibsan lahayeen; dakhli sidii uu usoo gali lahaa dadka aan shaqaysan karayn ama waayeelka.

Shaqada iyo Ramadanta: (North America)
70 % shaqada wadida gaadiidka (Taxi, Buses etc)
15 % warshado, nadaafad, ama cusbitaalo
10 % shaqo sare (Professional) Cusbitaalo, Banks, (Teaching), macalinimo ama baayacmushtar gaar ah.

Dadka Yurub jooga oo aan ahayn U.K, Holland, Germany, Norway iyo Switzerland dadku waxay u badan yihiin dad aan shaqo hayn - weliba wadamada Sweden, Finland, Denmark, Belgium, iyo France; Warshado joogto ah, Taxi, ama Kaalmaha shidaalka xitaa dadku ma heli karaan inay ka shaqeeyaan marka ay Europe joogaan. waxa ugu badan ee lagu nool yahay waa Caydh ama lacagta kaalmada ah.Dadka qurbaha (North America) joogaa weliba ragu inta badan waxay ka shaqeeyaan "Taxi" in ka badan 70% - ragu waxa ay wadaan gadiidka dad waynaha oo uu "Taxi-sigu" kow ka yahay;

haddaba Taxi-siga ayaa waxa soo raaca dad wadamadan u dhashay oo intooda badan u socda xaflado ama shaqo; wakhtiyada habeenkii oo dadka soomaalida ahi u badan yihiin inay shaqeeyaan waxa Tagaasida raaca dad ku socda xaflado oo cabitaanada diinta islaamka ka xaraan ah sita ama doonanaya; dad dhoofaya ama dad cusbitaalo ku socda. magaalooyinka qaar sida magaalada ay soomaalidu ugu badan tahay ee ay shaqada ka qabtaan Taxi-ga waa Chigaco wakhtigan la joogo. dadka ayaa doorasho leh inay qaadaan ama ka shaqeeyaan dhinaca ay rabaan ee magaalada iyadoo uu jiro suuq ku filan shaqalaha oo dhan.Hadaba inaga oo aan halkan kusoo koobi karayn sida noloshoodu u qaybtanto oo dhan hadana waxaan qaadanaynaa Ramadanta iyo gadiidka - Taxi - drivers, Buses- ka iyo Warshadaha iyo wixii soo raaca:waxa inta badan la qaada dad khamri sita ama cabsan ama u socda inay soo cabaan; diinta Islamku maxay ka qabtaa? sida uu noo sheegay sheekh degan gobolka Ontario oo dhawaan yimid magaalada Edmonton, Alberta;

hadii aan ka fogaan kartaan meelaha ay macsidu ka dhacayso ka fogaada lacagta idinka soo gasha qofka kahmriga sita gooni iskaga dhiga oo haku darina lacagtiina. guud ahaan diinta Islamku mar walba ama Ramadan ha noqoto ama ayeysan noqonine in la sameeyo wax diinta ka hor imanaya waa mamnuuc. dadka qaar waxay aaminsan yihiin imaanshaha dalalkan qurbaha ayaa guud ahaanba xaaran ah; waayo shaqada ka sokow dadka waxa uu dhib ka haystaa cuntadii ay cuni lahaayeen sida hilibka ama digaaga; qaar baa aaminsan inaysan banaanayn in aan la cunin hilibka lagu iibiyo tukaanada waawayn ee dalalkan shisheeya qaarna waxay aaminsan yihiin inay "Ehlu Kitaab" yihiin oo ay banaan tahay in la cuno. culimada lafteeda ayaa isku khilaafsan arintan. dadka ayaase loo dayn wixii sax ah inay go'aamiyaan ama ha raacaan waxa saxda ah ee ay diintu arintan ka qabto iyagoo baadhitaan samaynaya, media-yuhu inuuisku dayo inuu wax badan ka ogaado waa lagama maarmaan.warshadaha, ama nadaafada lafteeda ayaa iyaguna dadku isku khilaafsan yihiin waayo warshada ama meelaha la nadiifinyo ayaa qaybo badan leh. oo waa la gaban karaa wadanka dhan oo leh xafiisyo aad u badan oo kala duwan waxkastana lagag shaqeeyo ilaa warshado kala duwan oo ay ku jiraan xitaa kuwa doofaarka qala. shaqooyinka qaar ayaa dadku wareegaan oo kolba meel lagu qoraa sida ilaaliyayaasha - Waardiye (Security).

dhinaca Bangiyada ayaa iyaguna ah kuwo ribo faraban ku shaqeeyaa arintaasiina ay niyad jab ku hayso dadka kuwa shaqada ay jecel yihiin qaban lahaa.dadyowga ay shabakada Saylicipress waraysatay ayaa qaarkood aaminsan yihiin haddii shaqooyinka aan wadamadan ka qabano aan wadankeena ka qabanayno in aan horumar balaadhan gaadhi alahayn; xaalku wuxuu marayaa "Waa Xamaalkii Markuu Xamar Tago Xaajiga Ahaa!" oo ay ku heesi jireen dadkii ugu horeeyey ee usoo dhoofa qurbe weliba kuwii wadamada carabta tegay. dadka qaar ayaa aaminsan hadii aan ogaan lahaa dhibka meeshan ka jira dalkeenii hooyo kamaan imaadeen. hadana sidaas ay tahay hadii dalkii hooyo loo geeyo diyaarad wayn ama looga dhiso cimaarad (Sar) magaalada Shangahai dhamaan umada Afka Soomaliga ku hadashaa umay kala hadheen. taasina waata keentay in dalkii hooyo uusan lahayn wax horumar ah oo la taaban karo ama dawlad umadeeda u dhego nugul ama hogaamiye dadkiisa ay isku dhinac u jeedaan.dadka aan shaqayn karayn ama hooyooyinka kalidood nool ayaa ku khasban inay qaataan lacag dawladu ku caawiso si ay ugu noolaan karaan nolol ku dhow ta dadka shaqaysta; lacagtaasina culumada qaar waxay ku tilmaamaan in qofkii jilicsan uu ilaahay arko qofkii ka maarmana uu qabto shaqo uu kuu ku noolaado oo diinta ka hor imanayn. waa mawduuc balaadhan oo aan immika halkan lagu soo koobi karayn; waana dhibaatooyinka laga dhaxlay dalalka shisheeye ee aan diin iyo dhaqan ahaan aad u kala duwanahay laakiinse nasoo dhaweeyey oo ayna marnaba suurtoobayn iy dhulka aad ku nooshahay la qaato ama la'iska kaa xidhi inta bolis kabo wayni kugu soo garaaco guriga. arinta ugu wayn ee dalalkan lagu jooga ayaa ah nabada iyo cadaalada ay umadooda ku dhaqayaan. cabsi kaama hayso in boolisku iska kaa joojiyo oo uu kuu awood sheegto, laaluush cad cidi ma kala qaadato. qololo shaqo la'iskuma geeyo aqoontaadu waa meesha ay ku dhigto.

Mishaaro: (Salary - Income)

Dhakhtarka buuxaa dalkan ee dawlada u shaqeeyaa wuxuu qaataa lacag dhan 200, 000 dollar sanadkii oo ay usoo hadho laag dhan 12000 dollar bishii anagoo ka tusaale qaadaynayna 10 dhakhtar oo dalka South Africa uu gobolka Alberta dhawaan ka keensaday - waxana lacagtaa u dheer guri ama caawimaad kale oo kasoo gala shaqo gaar ah oo ay sameeyaan; qofka "Nurse" ahi wuxuu qaataa lacag dhan $35 saacadii oo qiyaas ahaan noqon karta $7000 oo lacagta Marayalanka ah; warshadaha, bangiyada, macalimiinta, ama wixii la hal maala ee "labour" ah waxa laga qaataa saacadii $ 8 ilaa ugu badnaan $ 25; qofku inta badan wuxuu shaqeeyaa 5 maalmood oo min 8 sacaadood ah; markaa qiyaas ahaan lacag dhan meelaha $ 2000 ayaa bishii soo gasha; dhina Taxi-ga qofku wuxuu sameeyaa maalintii qiyaas ahaan lacag ku dhow $ 150 oo saafi ah (net) marka kharash oo dhan laga saaro suda Gas, Cunto, iyo kirada baabuurka; markaa qiyaas ahaan waxa soo gasha $ 4000 bishii oo ay dadku inta badan shaqeeyaan 7 maalmood. dadka caydha ku nool ugu badnaan waxa soo gasha lacag aan ka badnayn $100 ilaa $ 200 oo lacagta maraykanka ah oo cunto ahaan loo siiyo; kirada guryahana waa laga bixiyaa.culumada qaar ayaa arinta guud ahaan dhinac walba kusoo gabo gabeeyey in qof walbaa ka baqo ilaahay inta uu karayo wixii xaaraan cad ahna uu ka fogaado.

ilaahayna dhamaan ha'ina siiyo khayrka bisha barakaysan ee Ramadan.

Saylicipress Reporter
Edmonton, Canada
admin@saylicipress.net

Thursday, September 13, 2007

Somali opposition alliance elects leaders - AP

MOGADISHU, Somalia:
A Somali opposition alliance will be led by an Islamic courts leader and a former parliamentary speaker, a spokesman announced on Thursday.
Sheik Sharif Sheik Ahmed, the former chairman of the executive council of Islamic Courts, was elected the new chairman of the Somali opposition alliance and Sharif Hassan Sheik Aden, the ousted parliamentary speaker, as chairman of the alliance's 191-member central committee, Sheik Yusuf Ainte, a delegate the alliance meeting, told the Associated Press by phone.

The new Alliance for the Liberation of Somalia was formed Wednesday in Eritrea, a tiny Horn of Africa nation that is the archrival of Ethiopia. Last December, Ethiopia sent troops into Somalia to help the Somali government retake the capital.

The alliance's formation was the culmination of a six-day meeting between dissidents expelled from the Somali parliament, civil society figures, expatriate Somalis and an Islamic group that controlled the Somali capital until being ousted by Ethiopian troops late last year. The group was formed in response to an official government-organized reconciliation conference held in the capital of Mogadishu which ended two weeks ago.

Its first action was to issue a two-week ultimatum for Ethiopian troops to withdraw from Somalia, raising the specter of more violence in the faction-riven Horn of Africa nation.

Much of Somalia has been without a functioning government since 1991, when rival warlords overthrew dictator Mohamed Siad Barre and then turned on each other. The current government, which is backed by the U.N. and neighboring Ethiopia, has struggled to assert control and has been attacked by insurgents almost daily since December, when it toppled the Islamic group from power in Mogadishu and much of the south of the country.
Islamic fighters vowed to fight an Iraq-style insurgency and the U.N. says they are receiving weapons from Eritrea. On Saturday, a top U.S. official said Eritrea could be added to the list of countries that sponsor terrorism, in part because Somali Islamic leader Sheik Hassan Dahir Aweys, who is on U.S. and U.N. lists of terrorism suspects, attended the opposition conference.

Fighting between the Islamic extremists and the transitional government is complicated by a web of clan loyalties. Many powerful Somali figures command private militias, with fighters who believe their leaders' alliances are more important than ideology.
Thousands of civilians have been killed in fighting in the south of the country.
The involvement of Eritrea and Ethiopia is a further complication. Eritrea fought a bloody war for independence from Ethiopia that ended in 1993 and another war over a border dispute from 1998-2000. Tensions between the two remain high, and they may see Somalia as a proxy battleground. Ethiopia is seen by many American officials as an important ally in the war on terrorism.
On Thursday, Bereket Simon, a special adviser to Ethiopian Prime Minister Meles Zenawi, dismissed the alliance, saying, "It's not a new thing; it's not an unusual thing that happened. The Eritrean government has continued to harbor terrorists. It's the usual practice by the Eritrean government that they are helping these terrorists...We will definitely make sure that these terrorist groups will not come to Somalia."
___

Anita Powell - Addis Ababa
Source: AP

Shamsan - Hees Jacayl Ah: Eedaad

Halkan waxaan rabnaa inaan ku soo bandhigno suugaan ka mid ah Suugaantii abwaan Shamsan Isamil Nur oo hadda ku nool gobolka kansas ee dalka USA ,hadaba heestan oo magaceeda la yidhaa Eedaad oo ah hees jacayl ah oo uu sameeyay Abwaanku 1991kii isaga oo ku sugnaa dalka Djibouti ka dib markii uu ka soo laabtay dalka Egypt oo uu markaa wax ka baran jiray . hadaba sababta uu heestan u tirshay ayaa ahayd isaga oo waqtigaa mawjado jacayl ah dhax dabaalanaayay ..heestani waxay ka mid tahay heesaha ka baxa Adeecada Djibouti ee uu abwan Shamsaan leeyahay uuna u tirshay xaaskiisa Nimco Ahmed Ali waatana heestii:

Anuunbaa arladan yugan
Asaagay ka dhoofee
Addimada maxaa i xidhay
Ma aduunbaa ii yaal
Adowgay iigaga tagay
Aanan iga idlaanayn
Aaheey waa wareey
urugada jacaylkiyo
Eedaadka caashaqu
Ma mid la ii abuuraa
____________________
Aduun nimaan lahaynbay
Urugadu ku badan tahoo
La itaal dareeyee
Aduunyada intaa leeg
Midii aan ka eegtaa
Ehelkay ii diidee
Aaheey waa wareey
Urugada jacaylkiyo
Eedaadka caashaqu
Ma mid la ii abuuraa
_______________________
Arrin iyo itaal li'i
Ergo miyay ka talisaa
Amuuraa i haystee
Dadyahow igu adkaatee
Waxa aniga ii dran
Orod miyaan ku helayaa
Aaheey waa wareey
Urugada jacaylkiyo
Eedaadka caashaqu
Ma mid la ii abuuraa !!

BY: Shamsan Nur

Three killed in Somali violence - AFP

BAIDOA, Somalia (AFP) — Three civilians were killed Thursday in the Somali capital and a senior government official escaped an assassination bid in the country's central region.
The three were killed in separate gun attacks in Mogadishu's notoriously dangerous Bakara market while another civilian was wounded, witnesses said.
In the central Hiraan region, insurgents hurled a grenade at the convoy of the local district commissioner Elmi Saney, who survived the overnight ambush.
"They wanted to get rid of me, luckily I escaped, but three of my bodyguards were injured," he said.

"We know there are many insurgents hiding in this town and they want to kill government officials. We are investigating the incident and we will bring them to justice," Saney added.
Meanwhile, insurgents ambushed Somali forces in southern Mogadishu overnight, witnesses said. Clashes ensued but there were no immediate reports of casualties.
Also in the capital, Interior Minister Mohamed Mohamoud Guled announced the lifting of a nighttime curfew imposed in the capital in June.

"The government has lifted the curfew ... it does not mean that police will stop operations, but for the sake of the holy month of Ramadan so that people can go to worship at night," Guled told a press conference.

The Somali government is battling a deadly insurgency, mainly in Mogadishu, where near-daily attacks target state officials, as well as Somali and Ethiopian troops.

Gabay: Dhafoor Goror - Daweeye

Dhafoorgoror:
erey ahaan waa marka dhiigu madaxa ka soo dhaadhoco
Dhibjirta aawadeed = maskaxgoror ;
Macnahase uu gabaygan ereygu ugu jiraa waa marka waddan dadka dhafoorka ahi
Ku yaraadaan, ha dhinteen ama ha dhuunteen amaba ha dhoofeene, sida dadka
Waaya-araga ah, kuwa iskuulada sarsare le, samataliska, Indheergaradka
Qalinyahanka, Aqoonyahanka ; kadibna hoggaanka ummadda loo cidleeyo
barbaar aqoontoodu hoosayso iyo qaar ka macaasha darxumada lafteeda.
Hadaba gabaygani wuxuu Soomaalida ugu baaqayaa Dubuheshiisiin buuxda.

''Intooy dhalashood eersadeen dhuunte dabadeede''
dhalashooda ay eersadeen maaha ta qoladooda ee
waa ta garannimadooda, ama Soomaalinimadooda.

waa Fikirkii, Abwaan Daweeye {Axmed Warsame Xasan}
Ku bilow Magaca waaqa guud iyo gaarba naxariista,

Dhismagabay dhawaaqiyo xigmadi, dhalasha weeyaane
lama dhiirigeliye e Allaa, dhiiba oo hure’ e
Dhehna maaha ereyaysku dhacay, waad u dhowdahaye
Dhuunfaafsan dhiidhiib higgaad, dhumuc ku miisaaman

Waa inu dhanxanagaaga sare, qiiro dhaliyaaye
Marhaddaanu dhiigaagu kicin, wayska dhalanteede
Dhuuniga sidiisaa naxwaha, dheri la saaraaye
Dhexdaa lagu hagaaja murtida, ololka dhaadheere

Dhankaraday haday noqoto waa, dhaawac maansaduye
Dhegtaa diida goortay figrado, dhalan habaabaane
Maarhadaad dhubqaalido ka daran, dhoorey hadalkeede
Dhadhankiisu waa inad macnaha, dhidib u aastaaye

Dhufsashada fudaydka ahna wuu, kaa dhutinayaaye
Dheeldheel mid laysaga dhohoo, loo dhacaa jire'e
Waa la dhirindhireeyaa si'aad, xaqa u dhawrtaaye
Dhoylaawonimo waa jahliye, laysma sii dhige' e

Dhugmo gaaban waa laga durkaa, dhihitinkeediiye
Dhafoortaabashada qaarna waa, dhegedki naareeda
Dhinacaaga waa loo tudhaa, aakhiraa dhimane
Hadaad dharaq ku dhoondoonatana waa dhunkaalgabay-ye

Dhilifdhilifta iyo faanku way, kaa dhabqinayaane
Dhankastaa la eegaa hadaad, tahay nin sii dheere.
Dhayal uma tirshe'e shaacir wuu, dhega adaygaaye
Xilka dhabarka loo saaray buu, qalad ka dhawraaye

Waxa loogu dhiibuu qabaa, gabay dhamaantiiye
Dhursugaada waa lagu yaqaan, dhaqane waayeele
Anna dhuuxa mooye'e wax kale, ii dhadhami waaye
Umaan dhalanin hawraar inaan, dhan u qaloocshaaye

Runtana kama dhabaro oo xaqaan, dhihi aqaanaaye
Dhayalna kuma hodmoo waan nebcahay, dheregga qaarkiiye
Inaan dhuxulo noolnool qabsado, dhimirku ii diidye
Dhexdhexaadin baa lagu yaqaan, maansadaan dhige'e

Intuu shacabku dhiidhida ku jiro, aamus iga dheere
Kolley dhiirigelintaa ma jiro, waxan ku dhaafaaye.
Dhimina maayo jeeruu nasrigu, soo dhalaal boxo'e
Dhafandhaaf dhambaalada an sido, waydin dhiidhiyiye

Hadaad dhimir dareen leedihiin, waydin soo dhiciye
Dhafoor goror dhulkeenuu ku dhacay, dhuganna maysaane
Dhegxumaanta waan wada qabnaa, dheelli sharafeede
Dhalliishana hoggaanka bulshada, looga soo dhacay-ye

Dhab u qaadataa iyo caqliga, dhinac marsiisaaba
Murti baan dhexgelayaa hadaad, dhego u leediine
Bal dhegeysta waxan doonayaa inaydin dhaadaane
Taariikhdu waw dheeh naflaha dhaashigoo kale,e

waxa loo dhitaystaa markale yaanad dhaadhicineDhabbihii la eediyo kuwii dheefta lagu gaadhay
Waa si,an dhaleecadi dorraad maantanaw dhicine
Soomaalidu dhibkay soomareen baan la dhaygagaye

Dhawdhawdu uma dhaadhacsana dhegacadduureede
Malaha dhuuf haddii loo jaray wax u dhawaaqaane
Way ku dhegabarjoobaan si kale hadal dhamaantiiye
Balse dhacay sidii wax iga dhumay an iska dhiillaawo

Dhammayn maayo dhiillooyinke,e,dhawr an ka higaadsho
Dharaarii madoobaa haddaan ,dheehashada eegno
Madaxdii dhulkeenoo dhanbaa, dhaaftay xeradiiye
Wax dhaqaajey mooye'e, ajnebi la isu dhaafdhaafye

Siddii dhuuniraacnimo carrada looga dhalandhoolye
Intuu Sanawi dhoorka u fidhay daba dhusleeyeene
Dhanxiirkaa yar baa wada xukumay,nimankan dhaadheere
Iyagoo dhafoora cadcadbay talo ka dhawreene

Darba dhinac intuu ula shirshiray dhururi siisiiye
Dhanjafnoqotay xaajadu markay boqol is dhaafeene
Isku dhidhi intuu kala dhexdhigay dhacama waawayne
Hadba oday dhakadu boos cad tahay sharugu dhaanteeye

Runtana uma dhowaade'e wadani dhiidhiyaan jirine
dhala biira goortuu dhammuu koru dhawaaqaaye
Dhashaaqiyo basbaasiyo loxoox, dhabaqsan oo buuran
dhandhanaan intuu ugu dardaray, dhure ku siisiiye

Goorta ay dhamaystaan hadana, amar u dhiidhiibye
Midba dhinaca reer hebel ka jiro, qunu dhiyaalsiiye
Sirta dhoobakuuska ah runbay, dharabka moodeene
Dharfadloow amxaar baa ku yidhi, guba dhulkiiniiye

way u dheganuglaadeen kufriga dhacay dalkeeniiye
Dar an dhiifba gelinbay rasaas, kaga dhagsiiyeene
Qunyar laga dhaqaaq kaan ka dhalan, Dhicirta waawayne
Nabsi soo dhaxaa laga dhigtoo madi dhibaatawye

Intooy dhalashadood eersadeen, dhuunte dabadeede
Dhafandhaaf dhambaalada an sido, waydin dhiidhiyiye
Haddaad dhimir dareen leedihiin,waydin soo dhiciye
Dhafoorgoror dhulkeenuu ku dhacay, dhuganna maysaane

Dhegxumaanta waan wada qabnaa, dheeli sharafeede
Dhalliishana hogaankaa bulshada, looga soo dhacay-ye
Tukaloo kasii dhiillo kulul, baan dhexgelayaaye
Dhab u qaadataa iyo caqliga, dhinac marsiisaaba

dharaarii madoobaa hadaan, dheehashada eegno
waayeel dhamaaday ableey, kaga dhawaajeendhe
Duqo dhaayabeelay cashuur, dhiibada hayeendhe
Lacagtay ka soo dhocoriyeen, kuma dhaqaalayne

Madaafiic dhammaysiyo hubbay, dubugu dhiibeendhe
wuxu qorigu dhaafay hadana, dhereg u doonteen dhe
Hablo gaajo dhaandhaamisay dhigo yidhaahdeendhe
Dhexyar meehanawday bariis, sunugu dhoobeen dhe

Anaa dhaylo kuuqaadayay, kaga dhammaysteendhe
Jacayl uma dhirbaaxine nafbaa, gaysay dhoobadadhe
Qasabbay kuwada dhaarsadeen inay isdhiibaandhe
Masjidkay dhexdiisii galeen, dhawrta celin waadhe

Miduunbaa la dhuundhuumin jirey dhilanta naagoode
Seddex dumar is dhalay bay marqudha dhegaha laaceenedhe
Iyagoo ilmadu dhaafaysay , dhagaxku aaseendhe
Toban goor mid ay dhali karaan, dheef u raadsade'e

Dhidigaansho lama doonaynine, waa siqiir dhadhine
Dhimirkiyo dareen kaan lahayn, meel dhaqaaqdabe'e
Intooy dhalashadood eersadeen, dhuunte dabadeede

Dhab uqaadataa iyo caqliga dhinac marsiisaaba
Tukaloo kasii dhiilo kulul baan dhexgelayaaye
Dharaarii madoobaa haddaan dheehashada eegno
Gaaridii aqoon dheerlahayd lagu dhowaan waaye

Ku dhabooqday saxaraa la yidhi dhinacyadeediiye
Waxay tidhi dhabtii waan bukaa idinma dhaafsheene
Sidaasay cawaankii dhinnaa kaga dhaqaaqeene
Dhafandhaaf dhambaalada ansido, waydin dhiidhiyiye

Hadaad dhimir dareen leedihiin, waydin soo dhiciye
Dhafoorgoror dhulkeenuu ku dhacay, dhuganna maysaane
Dhegxumaanta waan wada qabnaa, dheelli dharafeede
Dhalliishana hoggaankaa bulshada, looga soo dhacay-ye

Dhab uqaadataa iyo cagliga, dhinac marsiisaaba
Tukaloo kasii dhiillo kulul, baan dhexgelayaaye
Dharaarii madoobaa hadaan, dheehashada eegno
Keenyaati waakii dhexgalay, kala dhaqaaqiiye

Dhalley uurle bay waawiyeen, meel xadka u dhaw-we
Dhanka kale Itoobiya iyana, wax is ma dhaamayne
Khamra lala dhanyaa iyo xashiis, lagula dhaansyaaba
Waakii Amxaaruhu dharqaday, dheemankii jabay-ye

Intooy dhalashadood eersadeen, dhuunte dabadeede
Dhab u qaadataa iyo cagliga, dhinac marsiisaaba
Tu kaloo kasii dhiilo kulul, baan dhexgelayaaye
Dharaarii madoobaa haddaan, dheehashada eegno

Dhabihii adoonsigu ka dhalay, Cadan dhexdeediiye
Aqlada dhexdooday haween, dheri ku maydheene
Dhudi oo silsilad dheer ku xidhan, dhidibka loo taagye
Sida xoolahaa loo dhaqdaa, lana dhukaasaaye

Iyagoo isdhaafay hadana, naag ka dhigayaane
Dhabtiina waa lakala iibsadaa, tii dhegta lahayde
Habla wada dhalaalay heleen, oon cidnaw dhalane
Dhulkasoobax baa lagu matalay, sida Dhalooshiiye

Dhankastaba caadaawuhu ka dhereg, Dheeha iyo Luule
Intooy dhalashadood eersadeen, dhuunte dabadeede
Dhab u qaadataa iyo caqliga, dhinac marsiisaaba
Tu kaloo kasii dhiillo kulul, baan dhexgelayaaye

Dharaarii madoobaa hadaan, dheehashada eegno
Dhakaarada Cadmeed tay dhigeen, dhaaxa la ogaaye
Xeryo dhooban baa lagu afrogey, dhamac rasaaseede
Dagaal baa dhex maray yamanahay, ugula dhuunteene

Afar boqol waxbaa dhaafsanaa, dhimashadeeniiye
Madaafiicda waxa loola dhacay, haba dhammaadaane
Muslinnimo haday dhawrayaan, uu dhab yahay xaalku
Dhagar iyo hubbay soo direen, dhabar jabkeeniiye

Maxay dhuxusha noo siinayeen, sow ku dhimo maaha
Waxaasoo dhibaatooyinnaa, jira dhulkeeniiye
Ragna dhimay haweenkiina dhacan, dhixirka loo gooye
Dhugta ereyadaydoo kakaca, dhaladki ceebowye

Boqolkaa waxlayskuma dhafe'e, dhiillo werinteed dhe
Hadaad hoos u sii dhaadhacdana, dhagar xasuusteed dhe
Dhirbaaxooyinkii ugu xumaa, soo bandhigiddood dhe
Dhakhso taajir dhuungoysmo gacal, dheelmashiyo hoog dhe

Dhextaal gabay dhammaad iyo bilaw, dhidibadiisii dhe
Dhigta udubka miisaanka dhexe, dheellitiristii dhe
Dhiigmaydhe rooob oo onkoday, dhagagacdiisii dhe
Dhafandhaaf dhambaalada ansido, waydin dhiidhiyiye

Hadaad dhimir dareen leedihiin, waydin soo dhiciye
Dhafoorgoror dhulkeenuu ku dhacay, dhuganna maysaane
Dhegxumaanta waan wada qaabna, dheelli sharafeede
Dhalliishana hoggaanka bulshada, looga soo dhacay-ye

Dhab uqaadataa iyo caqliga, dhinac marsiisaaba
Murti baan dhexgelayaa hadaad, dhego u leediine
Bal dhegaysta waxan doonayaa, inaydin dhaadaane
Umushuba dharaaray xanuun, dhinac u jiiftaaye

Dhakhsana way illowdaa halkii, dhaawacu ahaaye
Wax u dhow masaladaa haddaan, dheeha ka afuufo
Dadkeenana dhigaasay caqliga, dherer wadaagaane
Gumaystuhu intuu dhaansaday, talo u dhibtaane

Dhakhsana way ilaawaan wixii, dhiillo soo maray-ye
Hadba kii dhashuunbaa yidhaa, dhuunta nagu jiide
Waa ciriq dhammaanteen ku jira, dhinaca duul saare
Inaan geed isugu soo dhacnay, talo ku dhaabnayde

Waa lakala dhabarayaa horjoog, laysku dhici waaye
Dhexfadhiiste Keenyaati iyo, dhawr daloo kale'e
Waxba nama dhexaadshaane way, sii dhambalayaane
Waala kala dhantaalaa midnimo, tii dhabta ahayde

Hadba dawladay noo dhisaan, dhicisay uurkii dhe
Wax dhashaaqsha mooye'e xabbay, dhali taqaanaa dhe
Markaan dhoof idhaahdaba dubbay, sugu dhalaashaa dhe
Intaan dhaxanta joogu wakhtigu, sii dhakhsanayaa dhe

Dhamaanteedba soo maaliwayn, laga dhug roonaaye
Badh diyaarad lagu dheelmiyoo, tigidho loo dhiibo
Iyo qaar hub lagu dhiibiyo dhimasha doondoon ah
Labadaa dhibcood baa heshiis, laysku dhaafsaday dhe

Waa si an dhankeenaba hadeed, uga dhammaanaa dhe
Waa si ay dhulkeenaba, dadkale dhaxal u qaataan dhe
Waa si an maryaa ugu dhaqnaa, qoom dhiggeena'a dhe
Markab dhacay dad wada saaranoo, dheelintaan nahay dhe

Dhengadaanu wada haysanaa, laysla dhacayaa dhe
Dhaxaltooyo qoysbaan rabnaa, dhaadashiyo faan dhe
Kubad baynu wada dheelaynaa, goolku dhalanayn dhe
Waxa laysku dhaarsaday anaa, dhuunigaw hadhi dhe

Dhexdaa laysqabsaday meel cidla ah, dhooqo iyo ceeb dhe
Intuu Dhugadba kii kale ku dhegey, dhoolahays dare dhe
Goortuu Dhurduhu laag yidhaa, Dhoocil kala tuur dhe
Dhudhumada intoo lagu qabsaday, dhumiye xeerkii dhe

Wuxu dhiidha Siidhigu hayoon, dhidika tiixnaaba
Dhexduun baa la keenaa markale, koobki dhagareed dhe
U dhowaanta Eebuu khalqigu, wax isku dhaamaaye
Wax kalooy is dheerdheeryihiin, diintu may dhigine

Habkuu dhuuni qaybsigu u dhacay, dhaciyo xaaraan dhe
Dhibanaha intoo loo tashaday, Dhebiga loo fiiq dhe
La dhaqaaji Dhawrsane qarsoon, iyo Dhiblaawii dhe [4.5]
Nin dhaniyo nin dhiman baynu nahay, dheef wax lagu sii dhe

Dhalwash lagaga sii maarta kulul kii runta u dhow dhe
Intooy dhalashadood eersadeen, dhuunte dabadeed dhe
Kontonkaa waxlayskuma dhafe'e, dhiillo werinteed dhe
Hadaad hoos u sii dhaadhacdana, dawlad dhicisow dhe

Siday Dhirindhir dhay uga liseen, dhaarashada been dhe
Qaran dhawrto lagu raadsadoon, dhab u shaqaynayn dhe
Magac kiish dhexdii lagu ridooy dhabarka saarteen dhe
Dhextaal gabay dhammaad iyo bilaw, dhidibadiisii dhe

Dhigta udubka miisaanka dhexe, dheellitiristii dhe
Dhiigmaydheroob oo onkoday, dhagagacdiisii dhe
Dhafandhaaf dhambaalada ansido, waydin dhiidhiyiye
Hadaad dhimir dareen leedihiin, waydin soo dhiciye

Dhafoorgoror dhulkeenu ku dhacay, dhuganna maysaane
Dhegxumaanta waan wada qabnaa, dheelli sharafeede
Dhalliishana hoggaankaa bulshada, looga soo dhacay-ye
Dhab uqaadataa iyo caqliga,dhinac marsiisaaba

Murti baan dhexgelayaa hadaad, dhego u leediine
Bal dhegaysta waxan doonayaa, inaydin dhaadaane
Wadankana dhardhaaraa ku xidhan, kamarad dhuun dheerdhe
Goortaan Dharreeyada gallay, inagu dhuunteendhe

Intaan Walasaqada dheeleyneey, khayrka dhurayeendhe
Dhudda Saylac dhaabadaha bari, taniyo Awdheegle,
Inay dheeman ciidii rarteen, lagu dhig joornaaldhe
Ka dhammeeye xeebaha wixii, dhoorsanaan jiraydhe

Ceebaad hubkii lagu dhuftaad, dhab u ogaydeendhe
Dhawr baac dhulkuu hoos u galay, dherer daraadiidhe
Waa uun dhib laynoo qarshoon, cidina dhaadayndhe
Tukaloo ka sii dhiillo badan, baan dhexgelayaaye

Sunta waxay ka soo dhaamiyaan, dhiillo farawayndhe
Dheecaan ku jira booyad bay, nagu dhex tuuraandhe
Waa waxa caqliga dhuuqay-yee, laysu dhibayaadhe
Tukaloo ka sii dhiillo kulul, baan dhexgelayaaye

Dhiddig xooleheenii la dhaqay, dhoof-ma-geydadadhe
Tukaloo ka sii dhiillo kulul, baan dhexgelayaaye
Dhirta iyo ugaadhii badnayd, Dhooli lagu qaad-dhe
Dhafaruur macaaniyo Quwaax, malabka dhiiqaaya

Iyo Dhebidhanaan midha dhaloo, dhuguc ku joogjoogo
Dhigridii udgoonayd Cillaan, dhiincaska abuura
Kol ay Dheenta buuraha ku tahay, way dhakhtariyeendhe
Tu kaloo ka sii dhiilo kulul, baan dhex gelayaaye

Dhanka kale Yaxaaskiina dhacan, madaxa dhuubnaadhe
Intoo gacanka lagu dhaadhacuu, wiish ku soo shegeydhe
La dhidhiibi Jeertii dhextiil, dhoobo webiyeed-dhe
Tukaloo kasii dhiillo kulul, baan dhexgelayaaye

La dhaqaaji haadii fadhiday, dhiraha waawayndhe
Dhugdhugtii rasaastay carada, dhan uga yaaceendhe
Dhuugiyo Qaniin baa hadhiyo kii Dhilqa ahaadhe
Iyaguna dhankooday jaqaan, dhiigga maytidadhe

Tukaloo kasii dhiilo kulul, baan dhexgelayaaye
Bahalihii Dhurwaa baa ka hadhay, dhamal ku noolaadhe
Isaguna dhankiisuu marxuum, dhereg u doontaadhe
Kolla lama dhaqayn oo xabaal, kuma dhextuuraane

Waraabayska dhuunyada nin weyn, oo dhabada yaal dhe.
Soddonkaa waxlayskuma dhafe'e, dhiilowerinteed dhe
Hadaad hoos u sii dhaadhacdana, dhurasho khayraad dhe
Dhulla-helay siduu nacab u dhoco, dhamamixiisiidhe

Dhextaal gabay dhammaad iyo bilow, dhidibadiisii dhe
Dhigta udubka miisaanka dhexe, dheelitiristii dhe
Dhiigmayadhe rooboo onkoday, dhagagacdiisii dhe
Dhafandhaaf dhambaalda an sido, waydin dhiidhiyiye

Hadaad dhimir dareen leedihiin, waydin soo dhiciye
Dhafoorgoror dhulkeenuu ku dhacay, dhuganna maysaane
Dhegxumaanta waan wada qabnaa, dheelli sharafeede
Dhalliishana hogaankaa buslshada, looga soo dhacay-ye

Dhabu qaadataa iyo caqliga, dhinac marsiisaaba
Masalaan dhexgelayaa hadaad, dhego u leediine
Bal dhegeysta waxan doonayaa, inaydin dhaadaane:
Dhillawyahanku waa geed ku dhega, dheegga geed kale'e

Isuma dhaanto Dhuurtiyo Higladu, labada tii dheere
Dhosoqiyo, dhasaynada, Qansaxu, waw dhiggii kale'e
Dharkaynitiyo Dhalooshiyo yubaha wuu dhexgelayaaye
Dhogorna uma eke'e waa hadana, dhalan ilaahay-ye

Dhirta wuxu isugu maray hadaan, dhab uga faaloodo
Xididaan dhulkaw gelin intuu, dhaabto keligiise
Wax u dhow tusaalahan hadaan, dheeha ka afuufo
Wax ka dhigan ninkaysdhiiba een ceeb ka dhiidhiyine

Dadkeenana dhiggaasoo kalay, dhaqan wadaagaane
Dhammaanteed adduunyada ma jiro, dhimir ka soocaaye
Iyagays dhunkaale'e khalqiga, way dhunkanayaane
Dadkuba dhoofka wuu wada tagaa, dhume kuweeniiye

Dhalinyariyo waayeel la noqoy, Dhaanish iyo Fiine
Dhablin iyo Dhaj baa loo dhigaa, ubadki dhaanteeye
Afsoomaaligii laga dhammaa, dhumucda waynaaye
Xigmadihii laakala dheegan jirey, dhawr gu' maan maqale

Waa la dhalangediyey odayadii, dhaabadda adkaaye
Wuxuunbays dhexdhigayaan sidii, loo dhakaan dhebay-ye
Dhaameelka loo soo ruxay, dhaqanki siisteene
Dhurankuna qabiil buu noqdiyo, Dhoore yaa dilay-ye

Murti baan dhexgelayaa hadaad, dhego u leediine
Ninkii dhaanka raray ee laydihi, soo biyaha dhaami
Ee dhiililhii neefku siday, dhado ku sii daayey
Ee toban dharaarood ratiga, dhugasho goobaayey

Dhexda awrki waakaa ku lumay, sida dhiggiisiiye
Murti baan dhexgelayaa hadaad, dhego u leediine
Wax la yidhi wadani waw dhalee, layska dhigiwaaye
Murti baan dhexgelayaa haddaad, dhego u leediine

Dhar magaalo sida loo xidhaa, waa dharaaar qudhahe
Dhalse magaalo sida loo noqdaa, waa dhibgooniyahe
Wax u dhow tusaalahan haddaan, dheeha ka afuufo
Inkastuu dhexrooruu jacayl, dhaanto ugu qaado

Inkastuu sidii Maykal dhilo, dheeha haraggiisa
Nina dhii-en-eey raaci waa, qoom kaloon dhaline
War waa dhagar awawgii ninkii, xoolo dhaafsaday-ye
Soddonkaa waxlayskuma dhafe'e, dhiillo werinteed dhe

Hadaad hoos usii dhaadhacdana, dhaqan wareeggii dhe
Dadkii dhadiyo ceeryaan dhexgalay, een dhulla lahayn dhe
Qaxootiga dhaboolaqay carada dhabaqlaguurkii dhe
Dhextaal gabay dhammaad iyo bilow, dhidibadiisii dhe

Dhigta udubka miisaanka dhexe, dheelitiristii dhe
Dhiigmaydhe rooboo onkoday, dhagagacdiisii dhe
Dhafandhaaf dhambaalda an sido, waydin dhiidhiyiye
Hadaad dhimir dareen leedihiin, waydin soo dhiciye

Dhabu qaadataa iyo caqliga, dhinac marsiisaaba
Murti baan dhexgelayaa hadaad, dhego u leediine
Bal dhegeysta waxan doonayaa, inaydin dhaadaane
Dhafoorgoror dhulkeenuu ku dhacay, dhuganna maysaane

Dhegxumaanta waan wada qabnaa, dheelli sharafeede
Dhalliishana hogaankaa bulshada, looga soo dhacay-ye
Kii inuun dhaqaalayn lahaa, hore u soo dhaafye
Dhiigyacab intoo looga tegey, dhaxalki loo daaye

Dhallaan iyo haweenbaysku hadhay, jaahil dhaansado'e
Dhigaanya xunna waa kii tacliin, loogu dhigay looxe
Nimankii iskuulada dhexgalay, dhab u ogaysiiya
Inay dhaxantu geestaa ka timid, dhab u ogaysiiya

Dhegaatina ma soohaan raggii, ciidda loo dhalay-ye
Waxay soo dhigteen maynu arag, dhuray ku keeneene
Qalinyahanku wuu dhoohanyee, dhabu ogaysiiya
Jaamacadda waa lagu dhintee, dhab u ogaysiiya

Dhulla male hadana way dhigtaan, kii dhisma ahaaye
Adoon dhaqanin geel dhiil u culo, dhimani weeyaane
Inay dheelalaabaan qurbaha, dhab u ogaysiiya
Dhallaankoodi waa oomanyee, dhab u ogaysiiya

Inay dhaan u rarayaan dadkale dhab u ogaysiiya
Tobankaa waxlayskuma dhafe'e, dhiillo werinteed dhe
Hadaad hoos usii dhaadhacdana, dhoof an soo noqon dhe
Dhaleecaynta buuggii cilmiga, dhigashadiisii dhe

Dhakafaarka Jaamici ku dhacay, dhaxal la'aanti dhe
Dhextaal gabay dhammaad iyo bilow, dhidibadiisii dhe
Dhigta udubka miisaanka dhexe, dheelitiristii dhe
Dhiigmaydhe rooboo onkoday, dhagagacdiisii dhe

Dhafandhaaf dhambaalda an sido, waydin dhiidhiyiye
Hadaad dhimir dareen leedihiin, waydin soo dhiciye
Dhafoorgoror dhulkeenuu ku dhacay, dhuganna maysaane
Dhegxumaanta waan wada qabnaa, dheelli sharafeede

Dhalliishana hogaankaa bulshada, looga soo dhacay-ye
Dhab u qaadataa iyo caqliga, dhinac marsiisaaba
Murti baan dhexgelayaa hadaad, dhego u leediine
Bal dhegeysta waxan doonayaa, inaydin dhaadaane:

Kubaddii wax layskula dhacdhoco, dhinacyadeeniiba
Dharka waxay ku qariyaanba way, dhaaftay sheekaduye
Dhabta waxay u saareen ajnebi, dhabara waawayne
Dhugta reer galbeediyo baraa galay dhexdeeniiye

Hadaad hoos u sii dhaadhacdana, waa dhadhaabkale'e
Bal inay taladu dhoohantooy meel u dhimanayso
Xabashigu dhankeenuu ka helay, dhuliyo maamuuse
Ereterina wuxu noo dhexgalay dhagar siyaaseede,

Waa laba dhankeena u fikiray, dhibiyo maandhaafe
Waysku dhalasho iyo diin hadaad, dhab u taqaanaane
Dhexdana waxa kujiri waa inaga, laysla dhacayaaye
Maxaa loogu soo kala dhegdhegey, wax isma dhaamaane?

Waxba yaanan sii dheehanine, waa dhig soo godane
Dhugdhugiyo rasaas baan maqlaa, inay dhacaysaaye
Abwaanadu ma dhiirdhiiriyaan, xadadkan dhowdhowe
Waa sida dhakhaatiir gurmada, inay u adhaafaane

Hadba gobolka dhiiladu jirtaa, lagu dhaqaaqaaye
Dhexdhexaadinteenaa ka roon, dabadhaslayn jaane
Maxaa dhacay maxay dhawrayaan, ee dhulka u yaale
Nimankii murtida dhaaminjiray, dhab u ogaysiiya

Kuwuu dhiigu diiree fikira, dhab u ogaysiiya
Dhanka xeebta waa ina Cilmiye, dhab u ogaysiiya
Calijawharkii Dhiirran jirey, dhab u ogaysiiya
Dhamaciyo dhiggiisii Bashiir, dhab u ogaysiiya

Dhaqaaleeyihii Ganey ahaa, dhab u ogaysiiya
Dhammow Walanwal yaan dhafinine, dhabu ogaysiiya
Dhanka koonfureed iyo galbeed dhabu ogaysiiya
Cabdigii runtaw dhici ogaa, dhab u ogaysiiya

Mustafihii dhibaatada nebcaa, dhabu ogaysiiya
Dhoodaan ha dhiibte'e murtida, dhabu ogaysiiya
Inta gabay dhdii kala taqaan, dhabu ogaysiiya
Dhammaanteedba soomaaliweyn, dhabu ogaysiiya

Ninkii dhaayaloow maansadaa, igula soo dhiirro
Geesiga dhulka u hiiliyoow, igula soo dhiirro
Gobanimo halyeyga u dhashow, igula soo dhiirro
Soddonkaa waxlayskuma dhafe'e, dhiillo werinteed dhe

Hadaad hoos u sii dhaadhacdana, dhalasha doondoon dhe
Dhammaanteen midnimo loodhanyahay, dhaawacbixinteed dhe
Dhexdhexaadin Soomaliyeed, dhagaxdhiggeedii dhe
Dhextaal gabay dhammaad iyo bilow, dhidibadiisii dhe

Dhigta udubka miisaanka dhexe, dheelitiristii dhe
Dhiigmaydhe rooboo onkoday, dhagagacdiisii dhe
Dhafandhaaf dhambaalda an sido, waydin dhiidhiyiye
Hadaad dhimir dareen leedihin, waydin soo dhiciye

Dhafoorgoror dhulkeenuu ku dhacay, dhuganna maysaane
Dhegxumaanta waan wada qabnaa, dheelli sharafeede
Dhalliishana hogaankaa bulshada, looga soo dhacay-ye
Aniguna dhankaygii an dhigo, dhagixi koowaade

Dhab u qaadataa iyo caqliga, dhinac marsiisaaba
Masalaan dhexgelayaa hadaad, dhego u leediine
Bal dhegeysta waxan doonayaa, inaydin dhaadaane:
Dharlaawiyo Dhegooliyo midaan, Dhaaya kala haynin

Iyo mid an lugaha dhaaban karin, kuna dhaqaaqaynin
Afartaa la dhaama socdaal, dhawr habeen galay-ye
Wax la yidhi dharaaray socdeen, dhixitinkoodiiye
Iyagoo dhibaataysanoo, gelindhexaad jooga

Ninkii dhaayalaawaha ahaa, dhiillo soo weriye
Seddexdii kaluu been ku dhuray, kana dhegaysteene
Wuxu yidhi coldhiiflaan arkaye, dhinac u soo baydha
Shufto soo dhow baa muuqate'e, dhawra hadalkiina

Dhabacdoo is qariyuu ku yidhi, ha ina dhaafaane
Dhegoolana dhawaaq baan maqluu, dhahay markiisiiye
Dharlaawana intuu dhaygag galay, dhuumatada raacye
Wuxu yidhi shuftadu way dhacaan, kii dhalaal badane

Warsaayooy maryaha naga dhuftaan, garan ma dhaafaane
Curyaankina dhankiisii ka raac, tala dhamayntiiye
Wuxu yidhi dhamaysbaan nehee' maan dhan uga yaacno
Wax u dhow tusaalahan haddaan, dheeha ka afuufo

Weligeen runtaan loo dhowaan, oon ka dhirifnaaye
Dhafoorgoror dhulkeenuu ku dhacay, dhuganna maysaane
Dhegxumaanta waan wada qabnaa, dheelli sharafeede
Dhalliishana hogaankaa bulshada, looga soo dhacay-ye

Dhab u qaadataa iyo caqliga, dhinac marsiisaaba
Dhacdo soojireenoo horaan, dhaabo leeyahay-ye
Bal dhegeysta waxan doonayaa, inaydin dhaadaane:
Hadduu kibirku dheefleeyohoo, dhoogsan lagu gaadho

Hitler baa dhufays ciidan gala, dhumuc u waynaaye
Goortuu Adduunyada dhibuu, dhagar u soo jeestey
Goortuu xaqii dhaafay uu, dhaadasho u baydhay
Uu yidhi anaa dhalad ahuu, dhoorka koru taagay

Uu yidhi dhulkaan duubayaa, badaha dheegooda
Waakii Ilaahay u dhigay, dabin ma dhaafaane
Waatay dharaar mida qarbigu, wada dhirbaaxeene
Baarliin markii lagu dhuftee, laysku dhacadiidshey

Dhabanacasta waakii dhexdhigay, dhuunta tiisa ahe
Dhankaan rabo tusaalahan haddaan, dheeha ka afuufo
Macnuhu waa ka dhawrsada xumaan, lagu dhibaatowye
Mid u dhow qiyaastii haddaan, dhererka raacsiiyo
Boqorkii dhufaamee rag badan, soo dhikilasiibey
Goortay dhanaanaatay-yee, laysku dhibisaydhay
Maahmaah an dhicin buu ka tegey, dhihitinkiisiiye
Wuxu yidhi dhamaystire haddaan dub u dhalaalraacno:

'Ragga hooyadiina u dhisoo huuno wax u dhaama-
Dhankastaba ka eegoo ma arag weli dhawaaqaase-
Wuxu yidhi ka dhawrsada dad waa, Dhidara shaydaane.
Inkastoo dhijaan lagu ridoo, dhoobo lagu aaso

Isagoo dhibiiyuu hadana, dhiif lasoo kiciye
Sida dhuxunkureebkii ilkaha, maru dhag kaa siiyo
Ama uu dhabada kuu dhigdhigo, qodaxyo dhuudhuuban
Waakii wuxuun kugu dhufteen, kaa dhalleexsamine

Mar hadduu ku dhaafana markale, kaa dhabari waaye
Wuxu yidhi ka dhawrsada dad waa, Dhidara shaydaane.
Haddaad dhawr ka guulaysatood, libin ku dheeraato
Middunbaa dharaar kuu fikiri, tu anad dhaadayne

Wuxu yidhi ka dhawrsada dad waa, Dhidara shaydaane
Dhiinsoole kii soo xidhiyo, Dhuu ka halabaystay
Dharkaa kala wannagsane caqliga, wax isma dhaamaane
Inu kaa dhabiiltami ogyaa, dhici karaysaaye

Hays dhihin adaa dheer garaad, waxan dharbaashaysan
Oo wuxu yidhi kadhawrsada rag waa, dhidara shaydaane
Dhankaan rabo tusaalahan haddaan dheeha ka afuufo
Macnuhu waa xumaan haw dhadhabin lagu dhibaatowye

Mid u dhow qiyaastii haddaan dhererka raacsiiyo
Dhababacada Saadaam wuxuu dhagar jeclaystaaba
wuxu qolo dhallaanka u korshuu qaarna dhadhiyaaba
Wuxu geesi dhacadiidiyuu, libin ku dhaataaba

Dhiinsoole naagaha wuxuu, agal u dhiibaaba
Wuxu suuqyo lays dhaafi jirey, dhaxan ka yeelaaba
Raganimo dhammaanteed wuxuu, dhabarka saartaaba
Wuxuu sii dhiyaalaba tu dhigan, dhaafi kari waaye

Waatay dharaar mida Qarbigu, wada dhirbaaxeene
Waatay u dhiibeen habeen, qoomamkuu dhibaye
Waatay kuwuu dhaami jirey, xadhig ku dhuujeene
Waatii dhigdhoxo soo daldalan, dhuunta loo sudhay-ye

Waatay dhaleeciyo afxumo, ugu dhameeyeene
Ashahaada waakii ku dhegey, dhihitinkeediiye
Isagoon dhammayn bay birii, kala dhaqaajeene
Dhabaq waxay ka siiyeen khankuu, dherer u taagnaaye

Ragaysane halkuu dhiibsanaa, dhaafe lugihiiye
Waatii qofkii dhimir lahaa, dhiigu joogsaday-ye
Waatay markuu dhacay hadana, daba dhaqaaqeene
Waatay sidii bahal Dhurwaa, ugu dhowaadeene

Dhawr toban dad dhaafsiisan baa, joogey dhagartaase
Allaylehe dembiga kuu dhexgalay, laga dhallaan maydhye
Mar haddii qisaas lagu dhuwamay, waa siqiir dhabahe
Inay cay kusii dheelmiyaan , waw dhandhaannimo'e

Waana dhaqan cawaannimo in mayd, lagu dul dheelaaye
Dhasalaaluqii jaahilnimo, dhabanahays reebye
Waa xaal dhanaan oo ka yimid ciil dad dhaansamay-ye
Dhirdhirbaaxe maydkii wax badan, tii allaa dhimane

Dhankaan rabo tusaalahan haddaan, dheeha ka afuufo
macnuhu waa ka dhawrsada dakane lagu dhibaatowye
Mid u dhow qiyaastii hadaan, dhererka raacsiiyo
Horaa loo dhameeyee cilmiga, waynu dhababnaaye

Ninki'i dhalay xigmaduhuu dhigaan, dhaaba leeyahay-ye
Waa midu dhashiisawga tegey, dhaxalgalkiisiiye
Wuxu yidhi dhamaystire hadaan, dubu dhalaalraacno
Dadka kaleba waw dhaarsan yahay dheefiyaay xamare

Dhayalbay la tahay REERWARSAME dhaqashadii geele,
Haddaan dhiirigelintaa macnaha, qun uga soo dheego
Dadka kaleba waw dhaarsanyiin, inay is dhawraane
Dhayal bay la tahay tii midnimo, dhegaha Soomaale

Dhankaan rabo tusaalahan haddaan dheeha ka afuufo
Macnuhu waa ka dhawrsada xumaan lagu dhibaataw-ye
Boqolkaa wax layskuma dhafe'e dhiillo werinteed dhe
Haddaad hoos u sii dhaadhacdana dhibatusaalayn dhe

Dhexdhexaadin Soomaaliyeed dhagax dhiggeedii dhe
Dhammaanteen midnimo loo dhan yahay dhaawac bixinteed dhe
Dhextaal gabay dhammaad iyo bilow dhidibadiisii dhe
Dhigta udubka miisaanka dhexe dheellitiristii dhe

Dhiigmaydhe rooboo onkoday, dhagagacdiisii dhe
Dhafandhaaf dhambaalada an sido, waydin dhiidhiyiye
haddaad dhimir dareen leedihiin, waydin soo dhiciye
Dhafoorgoror dhulkeenuu ku dhacay, dhuganna maysaane

Dhegxumaanta waan wada wabnaa dheeli sharafeede
Dhalliishana hoggaankaa bulshada, looga soo dhacay-ye
dhab u qaadataa iyo caqliga dhinac marsiisaaba
Murti baan dhexgelayaa hadaad dhego u leediine

Bal dhegaysta waxan doonayaa, inaydin dhaadaaane
Marbuu cadawgu kuu dhaamayaa, kaysla dhalateene
Dhogortiihuwane waa ninkii dhibay walaalkiiye
Ku dhufoo dhaqaaq kii is yidhi, dhaaftay taladiiye

Dheg haddii la jaro sow dalool, dheeri hadhi maayo
Gacankaa dhacdoo kugu dhacdaa,dhimasho soow maaha
In dhabtii sidaa xaalku yahay, dhuumata hagoogan
Bal dhegaeysta waxan doonayaa, inaydin dhaadaane

War ma dhamaado qoomkaan Rabbigu xadadka dhaafsiine
Dhicina mayso reer inu ku dhoco, dhoomo looqaday-ye
Dhallaankeena uun baa hantiyi, dhaxal nacaybeede
Dhitayada waxaan uga tagnay dhurani doonaane

Hadba qaar dhibiibyaa markale, dhiif la soo kiciye
Iyagoo dhilmaayaysanbay, dhaanto soo celine
Dhankaan rabo tusaalahan haddaan dheeha ka afuufo
Macnuhu waa ka dhawrsada xumaan lagu dhibaataw-ye

Mid u dhow qiyaastii haddaan, dhererka raacsiiyo
War caanaha dhan iyo soo dhanbaa la isu dhiibaaye
Mid hadduu dhamaystuu qudhqudho dhiilka wada laaco
Dhaqankeena ceebay ahyd , dhegaha Soomaale

Inaan dhuuni kala jiidanaa, waa dhegxumo wayne
Dhankaan rabo tusaalahan haddaan dheeha ka afuufo
Macnuhu waa ka dhawrsada waxboob kuma dhergeysaane
Mid u dhow qiyaastii haddaan dhereka raacsiiyo

Dhafoorgoror dhulkeenuu ku dhacay dhuganna maysaane
Dhegxumaanta waan wada qabnaa dheellisharafeede
Dhalliishana hoggaankaa bulshada looga soo dhacay-ye
Dhab i qaadataa iyo caqliga, dhinac marsiisaaba

Murti baan dhexgelayaa hadaad, dhego u leediine
Baldhegeysta waxan doonayaa, inaydin dhaadaanne
war seddexdii dhardhaaree mid dhacay dheri maqaadaane
Dantuna waa dhigaasoo kaloo, la isla dhawraaye

Dhinacyada haddaan laysla qaban, fool la dhiqi waaye
Dhufays qudha inaan wada galaa waa gob dhaqankeede
Dhawaaq mida inaan yeelanaa, waa gob dhaqankeede
Dhammaan waynu wada toosannahay dhigiyo loolkeene

Dhalawdhalawda biibiisidaad, kala dhirfaysaane
Intood geedo dhacadiidsataan dhalayga soo maala
Dhawrtada shisheeyuhu waxbay sii dhabqinaysaaye
Gool dhaysinaayiyo wan weyn dheri ku moofaysta

Idinkoon dhubqaaliyin murtida dhego u sii daaya
Isku soo dhowaadoo gacmaha keen! isugu dhiiba
Dhunkashana ku dara waa si'aad dhagar u daysaane
In cadaalad layskula dhaqmay dhuri ku joogtaaye

Allaw soo dhowee waa waxaan dhawrayee maqane
Kontonkaa wax layskuma dhafe'e dhiilo werinteed dhe
Hadaad hoos u sii dhaadhacdana dhalasha doon doon dhe
Dhex dhexaadin soomaaliyeed dhagaxdhiggeedii dhe

Dhamaanteen midnimo loo dhanyahay, soo dhakhtarinteed dhe
Dhextaalgabay dhammaad iyo bilow, dhidibadiisii dhe
Dhigta udubka miisaanka dhexe, dheellitiristii dhe
Dhiigmaydhe rooboo onkoday, dhagagacdiisii dhe

Dhafoorgoror dhulkeenuu ku dhcay dhuganna maysaane
dhegxumaanta waan wada qabnaa, dheelli sharafeede
Dhalliishana hoggaankaa bulshada, looga soo dhacay-ye
Dhab u qaadataa iyo caqliga, dhinac marsiisaaba


Murti baan dhexgelayaa hadaad, dhego u leediine
Bal dhegeysta waxan doonayaa, inaydin dhaadaane:
war hadaan gabayga dheeree idhaa waad ku dhama'daane
Dhamal buu noqdaa lagu ambado, dhexiyo daaftiiye

Sida dhaanwidhwidhistoo kaluu, wada dhalaalaaye
Dhugmo fiican ruuxaan lahayn wuu dhexmarayaaye
Dhayal laguma soo helo macnaha dhudaha qaarkoode
Dhibicdiyo ujeedada ragbaa, dhaafa oon arage

Ninkii dhaayagaabani ma helo meel an raad dhigay-ye
Dhankaan ka hadlo wiil dhaartay baa hoos u dhaadhaca'e
Bal an soo dhoweeyee tixdaa, dhab uga faalooda
Bal dhudhumiya maansada halkaan dhaabada u saaray

Dhugta ereyadaydoo markale dhinac walbaw eega
Farta dhabanka saaroo macnaha igula dheeraada
Runta lama dhabcaale'e xaqaa lagu dhowaadaaye
Bal dhammeeya xaajada wixii dhimanna noo sheega.

Maansha Allaah

Wednesday, September 12, 2007

Bannaanbaxyo Lagaga Soo Horjeedo Xadhigga Siyaasiyiinta

Hargeysa Iyo Burco Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland —
12 September, 2007

Bannaanbaxyo Lagaga Soo Horjeedo Xadhigga Siyaasiyiinta Qaran Oo Si Nabadgelyo Ah Uga Dhacay Hargeysa Iyo Burco

Hargeysa.Sept.12.2007.(Somaliland.Org) Muadaaraado balaadhan oo si weyn loo soo agaasimay ayaa maanta ka dhacay magaalooyinka Hargeysa iyo Burco. Mudaraadka ka dhacay caasimada Hargeysa oo ay soo agaasimeen hogaanka ku meel gaadhka ah ee urur siyaasadeedka Qaran waxa ka soo qayb galay dadweyne aad u tiro badan oo ka kala yimi qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo ay hormuudka ahaayeen hogaanka ku meel-gaadhka ee ururka Qaran Iyo Madaxda sare ee xisbiga KULMIYE oo uu horkacayo gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud "Siilaanyo".

Banaanbaxan oo socday mudo saacad iyo badh ah wuxuu ka soo bilaabmay Barxada xarunta ka horeysa Hotel Xaraf ee dheega ku haysa buundadii go'i jirtay, Cali Dhooqo, isla markaana wuxuu ku dhamaaday wadada hor marta wasaarada maaliyada. Inkasta oo xukuumadu isku dayday inay is hortaagto banaanbaxaas isla markaana ciidamo aad u tiro badan oo bileys ah oo wata gaadiid tiro badan la soo dhoobay aagaagaasi banaanbaxu ka socday, balse duufaanka culus ee ka horyimi awgeed way u suurtooni weyday in xukuumadu joojiso banaanbaxaasi, halkaas oo ay isugu yimaadeen kumanaan dadweyne ah oo sita boodhan ay ku xardhan yihiin hal ku dhegyo ay ku taageerayaan go'aamadii gudiga dhexdhexaadinta golayaasha qaran isla mar ahaantaana ay ku cambaaraynayaan filin la'aanta go'aamadaasi ee dhinaca M/weyne Riyaale.

Waxaa halkaasi kula hadlay dadweynaha xubno doora oo ka mid ahaayen qaar ka mid ah hogaanka ku meelgaadhka ah ee urur siyaasadeedka qaran iyo hogaanka xisbiga KULMIYE, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud "Siilaanyo", Afhayeenka xisbiga KULMIYE Muj Maxamed Kaahin Axmed, Muj Muuse Biixi Cabdi, Mudane Cali Muxumed Guuleed "Cali Maarshaal", iyo Maxamuud Jaamac Abgaal oo ka mid ah gudiga fulinta ee xisbiga KULMIYE isla markaana ka soo jeeda gobolka Awdal.
Dhinaca hogaanka ku meel gaadhka ah ee ururka qaran waxa u hadlay gudoomiyaha ku meel gaadhka ah ee ururka qaran Cali Ducaale iyo Baashe Cabdi Gaboobe oo ka mid ah hogaanka ku meel gaadhka ah ee urur siyaasadeedka qaran.

Todobba (7) qof ayaa ciidanka Boolisku qabqabtay maanta, kuwaas oo lala xidhiidhiyay agaasinka mudaharaadkan. Dhinaca kale, magaalada Burco ayaa iyana waxa ka dhacay Mudaharaad ballaadhan oo lagaga soo horjeedo xadhiga siyaasiyiinta Qaran iyo diidmada Madaxweyne Riyaale ka dhega-adaygay go'aankii ergada dhexdhexaadinta oo aanu fulin qaybtiisii.

Liibaan Maaweel, Hargeysa.
Xaquuqda Sawirada: SDWO

Source: Somaliland.org

The Changing Political Winds - By S. Egeh

Suleiman Egeh
12 September 2007

Quotes

"Justice is conscience, not a personal conscience but the conscience of the whole humanity, those who clearly recognize the voice of their own conscience usually recognize also the voice of justice" Alexander Solzhenitsyn

"To accomplish great things, we must dream as well as act" Anotole France

The changing political winds

Can Kulmiye take charge and seize the golden opportunity at its door step?

Equality, fairness and justice must be inscribed on the banner hanging from the coming Kulmiye party conference. These are the building blocks of peace, harmony and justice. These attributes are the ingredient for a peaceful coexistence, progress and trust. They make the difference that distinguishes the functional and healthy communities, from the unhealthy and dysfunctional ones.

Kulmiye party must change its image. It needs to clean up itself. It needs to rid itself of its non pragmatic fringe that are frozen on the past. kulmiye party must seize the moment and utilize this great opportunity that avails itself to them. They must act as a major prominent party. They must shake the rebel image, the renegade image and act as a major player in Somaliland politics. It is time to clip the wings of the troublesome fringe and their radical rhetoric. The time to tame these lone voices in the wilderness is now. Kulmiye must become a big diverse tent which accommodates many different groups, who at the end of the day have the same vision, which is the well-being, safety/security, progress and prosperity of all Somalilanders. Kulmiye party must become the party for all Somaliland. Kulmiye must give especial consideration to most neglected areas in all regions of Somaliland, and particularly the Eastern regions. They must become the party that is fully integrating our regions with the rest of the country. Development projects must be proposed and eventually implemented in these regions.

What we are witnessing these days in Somaliland is democracy in action. I am very optimistic about the future of our nascent democracy. The transitions from the tribal society into pluralistic non tribal democratic society, where people are divided according to party affiliations seem to be in full swing. Some people may say that tribe so and so is conducting business in the old tribal ways. My answer to that is the transition from the tribal society, into a modern society is a slow but steady process. The tribes will be with us for some time. But our transition from the tribal society into a nation state society structured in the form of political parties, interest groups, business groups, non profit groups, corporate and religious groups across clan lines, is under way. There will be so many challenges ahead, but we are in the right direction.

The joining of the majority of Mahad Asse subclan to the Kulmiye party was a bold move in the right direction. I see that as another sign of a society moving away from the tribal state into a nation state. It is a sign of society not voting in block for merely tribal affiliations. This signifies that Somalilanders are close to a political maturity. That daring move demonstrates that citizens, have the ability to make alliances across clans and vote for politicians on the basis of issues, political positions, leadership qualities and track record.

Gone are the days when people vote for politicians for their tribal basis alone. Politicians must get over that hiccup which is in the past. Politicians must earn the attention and the votes of citizens. Politicians must sell ideas, policies and issues to the voters. We belong to the same clan mentality is no longer enough?

In this transitional period, there is no problem if all clans/sunclans or some clans or subclans agitate for their rights or perceived rights. I don't care if they are Mahad Asse, Makahil, Mamaasan, Haberarfan, Haber Yonis, Haber Awal, Isa Muse, Haber Kilo, Hatti, Caboose, and Muse Dari yo. All of our clans and sub clans have to demand their rights under the Sun. That is the essence of democracy. I am sorry if I missed anybody, I am not an expert on tribes and tribalogy. But the idea is equal justice for all. The idea is the building of a healthy society based on social justice, civil rights and merit. We are envisioning a society that cherishes human rights, morality, Virtue, human dignity and safeguards every citizen’s rights.

A new trend was started in the state of Awdal, when a maverick politician Honorable Ikam H. Daud Warsame declared her candidacy from the Kulmiye party in the last parliamentary elections and won. MP Ikram H. Daud Warsame crossed both the clan and party lines. Despite the huge odds stacked against her, she handily won her parliamentary seat over seasoned politicians of the old paradigm. That was a shocker in Somaliland. A the time few others also won parliamentary seats from Kulmiye and UCID parties. Most Somalilanders often think the whole Awdal region and Western Gabiley districts are Rayaale country. The latter suspicion has been disproved by the several parliamentarians that won seats in kulmiye and UCID parties. But the suspicion persists despite the above named facts. The Mahad Asse exodus from UDUB has put that argument to rest once and for all. The Mahad Asse subclan must be commended for their bold move. Their courageous step will be a model of a radical change, assertiveness and strong conviction.

I hate to talk about tribes, but until the transition from the tribal to a non tribal democratic society is complete, it is inevitable to use the names of clans and subclans. In that back drop I would like to mention, the Mahad Asse exit from the ruling UDUB party to Kulmiye was a great step forward for Somaliland:
(1) that was a testament to our on going societal transformation.
(2) It is vivid proof that all Awdal citizens are neither monolithic nor a Rayaale strong hold. The Mahad Asse, other Samaroon tribes and many other Somalilanders voted for Rayaalle in droves in the 2003 elections. Why? Because, they thought he is the right man for the job. They thought he is a unifier who will continue the legacy of the policies of our late president Mohamed H. Ibrahim Egal (May Allah bless his soul).

The sudden Mahad Asse switch from the Rayaale camp at this time has surprised many people. This even angered some people who started hurling insults against that community. The government gave deaf ears to the long lingering grievances of the people regarding, the delivery of government services to the people of Somaliland, and especially to those residing in small towns and rural areas.

The same people who yesterday voted for president Rayaale are demanding the change of guard today. Why? Because they think president Rayaale and his administration came short of delivering a lot of their promises. Of course they did a lot of good things but their over all report cards did not convince many Somalilanders to keep them in office for another five years.

All they-the citizens are saying to the administration today is, with all things considered, you did fairly well, but we want to give the opportunity for new faces this time around. We thank you very much for what you have done for our beloved country, but it is time for a peaceful change.

The winds of change are blowing through the breadth and length of Somaliland from east to west, north and south. Currently the political typhoons for change are sweeping through out this land in full speed. There is no hamlet, mountain side, village and farm spared from the fever for political change.

Apparently the country is crying for a peaceful change for the better. The sudden shift in the political party fortunes is not about a clan. It is not against any clan or subclan. It is about social justice, equal rights, civil rights for all and fairness. All Somaliland clans and subclans have the right to stand up for their rights. Peacefully demanding for once rights is the attributes of democracy.

The huge change that transpired in Awdal is just like a tectonic plate movement. The massive gravitational pull has severely disrupted the political equation. It changed the configuration, structure and the political equilibrium. They have thrown the political equilibrium into a state of chaos and confusion. Obviously the emerging new cosmic forces for political change, has tipped the political balance in favor of Kulmye party. These seismic forces have put the complacent government into confusion and bewilderment.

In the heat of the moment the government dispatched about eight ministers to Borama apparently to do some damage control, following the Mahad Asse departure from UDUB and stop the bleeding. The minister’s congregation told the local media, they came to Borama to condemn the mistreatment of Awdal athletes in Hargeisa. But the people of Borama did not believe the afore-said is the only reason they came for. On the contrary locals believe the reason for the sudden visit of a large number of government ministers to Borama at this time was damage control, and an attempt to lure back the community that has left the governing party. Unfortunately those efforts end up as futile attempts which came at a very late hour. Clearly they were too little too late. The huge ministerial entourage came back from Awdal empty handed. Some claims of meeting with some prominent members of the new opposition groups in Awdal were denied by those leaders.

At the end of the day all the groups under Kulmiye's big tents must speak in one voice, which strongly believes on strong, sovereign, independent and recognized Somaliland Republic. Remember we already recognized ourselves. That is even more important than any recognition by anybody

Suleiman Egeh

Senior Science Instructor. MS: Molecular Biology