Sunday, December 02, 2007

Wariye Abdifitahaam Ahmed oo beeniyay war ay ka faafisay Qaadisiya.com

Shabakada Qaadisiya.com ayaa maalmahaan wada warar been abuur ah oo dacaayad ugu fidineyso Saxafiyiinta Soomaaliyeed.
Bogaan oo uu maamulo nin la yiraahdo C/raxiin Ciise Caddoow oo aan Saxaafad shaqo ku laheyn isla markaana bartay sida loo qoro oo kaliya erayada Murtad iyo Jaajuus ayaa maanta qoray warbixin been abuur ah oo uu Somaliland wax ugu sheegayo.
Warbixintaan ayuu ugu magacdaray "Daahir rayaale oo ka codsaday Mujaahidiinta Soomaaliyeed in haddii ay ku guuleystaan Hawsha ay kujiraan ay heshiis la galaan Somaliland " http://www.qaadisiya.com/2007/December/news_02_12_20077.htm , taasoo ku sheegay inuu soo diray wariye Abdifitahaam Ahmed.

Abdifitahaam ayaa beeniyay warkaasi inuu qoray waxuuna sheegay inuu yahay war lagu been sheegtay oo uusan shaqo ku laheyn taasoo Qaadisiya ku dooneyso inay isku horkeento isaga iyo Somaliland .


"Shaqo kuma lihi warbixintaan ay Qaadisiya igu qoreen, waana yaab in Qaadisiya oo aniga igu tilmaamtay Murtad Jaajuus ah oo wariyaashii xamar kasoo qaxay been ka sheegay shalay inay maantana qaataan warbixin aan aniga qoray, waana wax caruurta xitaa ay fahmeyso" ayuu yiri Abdifitahaam 30 bishii aynu soo dhaafnay ee November ayay Shabakada Qaadisiya.com soo galiyeen war ay Abdifitahaam ugu sheegayaan inuu yahay Jaajuus gaalada u shaqeeya, halkaan ka aqri

http://www.qaadisiya.com/2007/November/wariyeyashi_muqdisho_hargeysa_dhoweyn.htm

“Waxaa jira dhowr email oo ay ii soo direen rag magacyo kala duwan wata kuwaaso isku

sheegaya inay yihiin Al-Shabaab iyo kooxo kale, waxeyna igu goodiyeen inay i dili doonaan oo banana yahay in dhiigeyga dharaar cad la qubo” ayuu yiri Wariye Abdifitahaam Ahmed.

Abdifitahaam Ahmed ayaa kamid ah wariyaasha Soomaaliyeed ee dhexdhexaadka ah, waxuuna beeniyay inay jiraan warar uu si toos ah qof Soomaali ah ku dacaayadeynayo.
Saraakiisha sar sare ee Somaliland ayaa sheegeen inaysan Somaliland aheyn dal dadkeeda iyo dowlada la iskaga horkeeni karo wax ay qoreen Warbaahin Somalia ka dhisan.

Hadaba qaar kamid ah warbaahinta Soomaaliyeed iyo Somaliland ayaa aad ugu xumaatay wararkaan been abuurka ah ee Shabakada Qaadisiya.com ka fidisay wariye Abdifitahaam Ahmed.

Cabdikariin Maxamed Cali
Hargeysa - Somaliland
Email:shaami2u@hotmail.com

No comments: