Saturday, December 08, 2007

UDUBta Bokhokhday Iyo Inta Kale

Xisbiyada KULUDUBCID, oo iskugu jira KULMIYE; UDUB iyo UCID, ee dalka isku magacaabay Somaliland ayaa waxa haatan loo kala qaadi karaa, UBDUBta Bokhokhday iyo inta kale:


(1). UDUBta Bokhokhday

UDUBta Bokhokhday: Waa xisbi an ku sifayn karno, sida faaladii fiicnayd ee wakhti dhexdaasiya uu soo gudbiyay wariye Xaashim Sh. Cumar Good, ee ahayd; “Bisadaha Naaxaayi, Madaxay ka qarxi doonaan”. Calaamadaha UDUB oo dhan waxay ku tusayaan inuu yahay Xisbi xaabsaday xoolihii dadweynaha oo qarqarada iyo qawlasha kaga naaxay, dhawaana bururi doona sida barradhe aad iyo aad u bislaaday. !

Waa xisbi ay ku wada qadhaabtaan, qawle iyo qawsaar iyo qabiili iskugu qayshaday inay qudhqudhiyaan dhiiga danyarta iyo maatada iyo masaakiinta. Waa xisbi qiimaha iyo qaayaha muwaadiniinta dalka u dhashay, ku quudhsada laaluush iyo qaybi oo xukun. Waa Xisbi iyo xukumad, quuta oo ku nool qaadhaanka xoog iyo xaqdarro lagaga soo qaado dumarka caloolaha qufaha (gasaarro), ee quutal daruuriga carruutooda ugu qallalay sarriibadaha. Waa xukumad iyo xisbi qaldhabaya oo qarka u saaran inay qarxaan dhawaan.

Tiro laguma soo koobi karo inta xaq darro iyo xasuuq xisbigani iyo xukumadisu ku kaceen. Dhacdadii ugu foosha xumayd dhawaannahana ee ugu danbaysay, waatan aynu dhadhasan kari laanahay ee dhagaheena iyo dhuunteenaba dhaafi la’a. Taasi oo ah in dhalinyaro suxufiyiin ah oo xamar ka soo baxsaday, la yidhaahdo dalka ka baxa. Kuwaas oo lagu eedaynayo in sii joogitaankooda ay sii joogayaan dalkooda Hooyo ee Somaliland (illeyn waa dalkoodii hooyee, yaa i odhan kara ma aha?) uu xumaynayo xidhiidhka Xabashi iyo S/Land u dhaxeeya. Subxaaaaana Laah. Wallee waa taariikh foolxun, oo xusbuganu waxay tartanka doorashada ku galayaan inay Xabashi kaga cabsiiyaan muwaadiniinta iyo masaakiinta dalka u dhashay.

Waa xisbi u badheedhay in haddii uu doorashada dalka waayo, Dalkubaba aanu ka hadhin, oo gobol Itoobiya ka mid ah noqdo. Taariikhda xisbigani iyo xukumada UDUBta bokhokhday way madoowdahay waana gabagabo. Su’aashuse waxay tahay, Kani Galbaye, inta kale ma dhaammaan?

(2). Inta kale:

Inta kale waxay ka kooban yihiin asxaabaha kale ee dalka ka jira kuwo muuqda sida Xisbiga KULMISaysan ee KULMIYE iyo UCIDa Dhanxiiraysan iyo kuwa an muuqanba ama soo socda.

Layskuma hayso xisbigan KULMIsaysan ee Axmed–Siraanyo hogaansho, inuu uu yahay xisbi xawaare badan ku socda oo taageerayaashiisu soo kordhayaan maalinba maalinta ka danbaysa. Waxase laysku hayaa in Xisbigani uu awood iyo karti u yeelan doono inuu wixii UDUB dumisay dhisi karo, waxay dhistayna dumin karo?. Marka an leenahay waxay dhistay Dumin karo, waxa ka mid ah xadhkahii musuq-muusaqa ee UDUB isku xidhxidhay ee wali taxan iyo booraamaha hadimo ee ay qodaysay mudadaa 16 ka sanadood ah, ma kala guri karaa KULMIYE?.

KULMIYE waa xisbi laftarkiisu ka yimid xanjo iyo jawaano laysku xidhxidhay, oo dhawr kooxood oo midba gooni magac u lahaayeen ku bahoobeen sid a SNM (oo xibsiyada KULUDUBCID midna an ka maqnayn); ASAD, Hormuud, iwm. Kuwaasina kaliya laga yaabo inay ku bahoobeen uun inay mucaarad ku noqdaan xukumada iyo xisbiga iyo xukumadda UDUB balse aanay isla meel dhiginba qorshe dhammaystiran oo marka UDUBta Bokhokhday bururto sida baradhe bislaaday, iyagu dhariga baaqiga hadhay dib u dhaadhaaraan isagoon dhammaantiin bururin.

Ma sidii SNM oo kale ee ay odhan jireen Siyaad Barre (AUN) dalka haka tago, iyagoon nidaamsan, nidaam nidaamsan, oo ku wajahan waxa markuu tago le yeelayo iyadoon dhiig daadan. Kadibna Uubta ugu dhaceen markii Siyaad Barre tagey oo kale, ee dhiigna daadiyeen oo dadkii dariska ah ka daadiyeen kadibna colaad sokeeye iyagii dhexdooda iskugu dileen ayay ku danbaynayaan asxaabaha mucaaradka ah ee KULMIYE ugu weyn yahayhay?.

Haaatan waxay bilaabeen nidaam beelaysi wax lagu qaybsanayo, waa “too little too late”. 16 sanaddood ayaa dadka xaqooda la qarinayay oo la lahaa Xisbiyo jaan wax ku qaybsada oo ku salaysan danaysi hunguriyaysan, xuquuqda beel waliba leedahayna la dulmayay lana daboolayay. Iyadooy sidaasi tahay hadana mar kasta oo wax qaldamaan, waxa layskugu qayshanayay qaylo dhaan qabiilisaysan.

Diinta Islaamka ah ka sokow, Qabiilku waa tiirka labaad ee dhaqanka Ummadda Soomaaliyeed ku dhisan yahay. Sidaa daraaded in qabiil kasta iyo qooys kasta xuquuqdooda la simo oo laga dhigo salka labaad ee lagu dhiso Qaran Soomaaliyeed waa lagama maarmaan, mana aha wax imika deg-deg iyo dusha lagaga iman karo. Si kale haddaan u dhigno qabiilka laftarkiisa oo la sharciyeeyo oo xeer lagu fadhiisiyo ayaan ka wadnaa ee kama wadno kan makhaayadaha iyo guryaha loogu arrimmiyo.

Tani waa midda kaliya ee aynu kaga hor tagi karo falsafadda ay aamisan yihiin walaalaha ilma samatar (Samater Brothers) ee ku salaysan Diin iyo Diimuqraadi isla socda. Innagu waxaynu aamminsannahay in Diinta iyo Qabiilka oo isla socda oo la isku fahmaayi dhalin doonaan Diimuqraadiyadda an rabno ee ka islaaxi karta geeska Afrika.

Waxa dad badan tuhunsanyihiin in KULMIYE, dan gooniya ka wataan oo ah u sad buursi reer gooniya. Haddayse daacad ka yihiin oo wada simayaan beelaha dalkoo dhan wakhtina u haystaan waayo aragnimana u leeyihiin. Dee taasi waa mid dhaxalsiin karta in Somaliland gobol kasta iyo beel kastiba yeelato maamulkooda gudaha oo u madax bannaanaato. Hargeysa iyo Boorama iyo Burco iyo Laascaanood iyo Ceerigaabana yeeshaan xuquuq siman. Waana haddii iyo haddii KULMIYE, leeyahay kartida iyo kalsoonida iyo karaamada, Beelaha layskugu keeni karo, oo dib u heshiin danbana la samayn karo iyo saami qaybsi xalaal ah.

Xisbiga UCIDa Dhanxiiraysan: Isagu waa xisbi dhinacyo badan leh sida DHANXIIR oo kale oo marka aynu fahmno dhinciisa ugu fiican ayaanan ka hadli doonnaa..Insha Allah.

Nabad iyo Caano.


Cabdiqani Yuusuf Caateeye

London UK

HiilDan

hiildan@yahoo.com

No comments: