Tuesday, December 04, 2007

Ninka Sheega Ma Dhaafto: Harowo Ma Dhaafto!!!

Horta, walaalahay bulsho weynta beelaha Samaroonoow, waxan idin odhan lahaa: Ilaahaybay tiisu u nagidahaye maalinkaa maanta ah, mid maku heshiinaa?. Oo maku heshiinaa in beelahan la yidhaahdo Maxamad case, waaba beelo buuq badane inaynu Badda Cas ku wada gurno dhammaantood xitaa anigana igu daroo?.!

Taasi haddii aynu ku heshiin Karin, isla mar ahaantaana aynu ogsoonahay inaanu jirin haba yaraatee qooys reer Awdal ah oo qooysnimo ku wada heshiis ah?. Hadana maku heshiin karnaa inaan beel iyo qooys toona lays wada raacin oo la odhanin way wada xun yihiin ama way wada fiican yihiin?.

Taasi laftarkeeda haddii aynu ku heshiin Karin, hadana ta ugu foosha xun ee ugu fog uguna danbaysa maku noqon karnaa heshiis, oo ah inaynu waligeenba waxba ku noqon heshiis?. Tolkoyoow, su’aalaha an idin waydiiyay dhammaantood, iigu soo jawaaba HAA iyo MAYA, miduun oo hadalka haysku kay dhex dhigina oo ha i odhanina HAA iyo MAYA isla wada socda, I hate that so much and I mean it.!

Hadal halkiisaa loogu tagaaye, waxan dhawaan arkay Harowo.com oo wariyahooda u fadhiya Awdal ee Maxamad Cumar Hyena, usoo gudbiyay Warqad la yidhi baa la yidhi waxa qoray odayo-dhaqmeed ka mid ah beelaha Maxamad Case oo ay kaga cabanayeen guddodmiya Awdal. Warqaddaas meel kale kuma arag, meel kalana kuma maqal. Kumana doodayo inaanay warqaddaasi jirin iyo inay jirto midkoodna. Waxanse ku doodayaa in warqadaasi ahayn mid dadkii qoray haddiba ay qoreen aanay usoo dirin Harowo.com. Sidaa daraadeed hadii wariyayaasha Harowo iyagu jeclaysteen inay soo xadaan xog Qaran , dee iyaga iyo Harowo haku koobnaato, oo waa ninka sheega ma dhaafto, Harowana ma dhaafto.

Aniguba waxan hayaa nuqul (Copy), warqaddii loo qoray wasiirka Caafimaadka Somaliland oo an magaciisa durba iska illaaway (Sorry) ee lagaga cabanayay Dr Hadi. Ma illaawin qooyska uu Wasiirku ka yahay Isaaq, oo waxayba abti u yihiin Ilmahayga an ugu jeclahay adduunka. Isaga kii ka horreeyay oo ay hayb wadaagaana, London ayaa lagula kulmay, anuu ma arag. Hadaladii laga soo xigtayna waxa ka mid ahaa isagoo reer gooniya farta ku fiiqaya inay reer kaasi: “iyagoo is wada daba socda oo qaarkood odhanayaan waxgaradbaan nahay, qaar kalana odhanayaan cuqaal iyo musheekh iyo Salaadiin baan nahay, qaar kalana odhanayaan siyaasiyin baan nahay, hadana dhammaantood ku odhanayaan hebel naga badal oo hebel kale noo dalici ama hebel kale noogu badal, halkii ay odhan lahaayeen horumarka noocaas ah wax nagala qabo”. Sidaa daraadeed lama yaabin waxa ku dhacay DR Hadi.

Hadaba an u soo noqdo warqada an hayo nuqulkeeda (copy) ee ku saabsan Dr Hadi. Dadkii ka cabanayay Dr Hadi ee warqadaasi qoray magacdooda uu buuxa ayaa ku saxeexan. Hadana waxan door biday oo dammiirkaygu i siin waayay inaan meelnaba u gudbiyo. Sobabtoo ah aniga la iima soo qorin ee Wasiir Qaran ayay ku socotay. Sidaan ku helayna; It really doesn’t matter.!

Intaa ka sokow; an ka hadlo, warqadan ba’as ee lagu cambaareeyay Maxadcase oo dhan oo xitaa dadka qaarkood durba Harowo kusoo jawaabeen iyagoo leh, reerkaasu ma rabaan Somaliland iwm . Waxan odhan lahaa, Ilaahaybaa laga helaa, oo haddii an arki lahaa Maxamad Case oo dhan oo diiddan Somaliland , aniguna waaban ku biiri lahaa. Horeybaan u sheegay oo Somaliland waa QooysLand, an noqon Karin QaranLand. Hadaba fadlan yara fogeeya reerahan buuqa badan ee Maxamad Case la yidhaahdo oo yara gugujiya si ay u caddeeyaan inay ka hor jeedaan Somaliland . Marka taasi dhacdo aniguna waan ku jiraa. Dabadeedna, dee Badda nagu wada gura, waana Happy End.!!!

Nabad iyo Caano

Cabdiqani Yuusuf Caateeye
London UK
HiilDan

hiildan@yahoo.com

No comments: