Sunday, December 02, 2007

Boqor Professor Axmed I. Samatar Ma Eexdo; Bahdiina Ma Mooga...Hiildan

Ummadyahay garaadka qabtaayi, ma gefbaa?; ma godobbaa; ma gardarraa?; hadduu Professor garaad iyo garaado badani, sida Axmad Ismaaciil Samatar yidhaahdo: “Gabilaybaan u dhashay, Gadabuursina waan ahay”?.

Maqaalkani waa jawaab culus oo an u celinayo qaar ka mid ah shabakadaha Somaliland gaar ahaan HadhwanaagNews iyo GabileyNews oo iska soo xigtay isla mar ahaantaana si isku mid ah ugu wada hindhisooday oo ugu faar-daacay, hadal hufan, oo xariir ah, oo xalaal ah, oo taariikhi ah, oo Professorku ka jeediyay magaalada The Hague (Danhaag) ee dalka Holland. Hadalkaasi isagoo maqal iyo muuqaal ahba waxad ka heli katiin khadkan: http://www.dalmar.org/ahmedsamatar.html

Waxa la yidhi, oo la yidhi, oo an horey u maqlay, in cayayaanka loo yaqaano oday Oday-gurguurka ama oday fulfuulka (ninba siduu uyaqaano) ku hindhisoodaan ama xitaa kuba bakhtiyo wixii kasta ee udgoonba, illeyn isagu qudhunka uu ku jiro ayaaba u udgoone. Waxan taas uga socdaa, dadka shabakadahan wax usoo qoray waa dad halkaas oo kale taagan oo ku jira bullaacad, oo an rabin qof ka dhex saara qashinkaas ay quudanayaan oo si cilmiyaysan ama caqliyaysan labadaba ama midkoodba wax ugu qeexa. Horeybuu Prefessorku uga hadlay siyaasadda bullaaacada ah (Dirty Politics), iyadoo maqal iyo muuqaal ahba waxad ka heli kartiin khadkan: http://bartamaha.com/ahmed_samatar.html

Hadba Kuwani imika butaacayina haday hadalkiisa hore, oo waraysi ahaa dhagaysan lahaayeen, kan imikana si fiican u dhuuxi lahaayeen. Dabadeedna labadaaba isku xidhi lahaayeen, oo fogaal aragnimo iyo fahmad badan ku fadhiisin lahaayeen. Hadana yihiin dad wax isku falaaya oo dareen iyo damiir sare leh, dee waaba ay ka xishoon lahaayeen inay Professorka professorada soomaaliyeed Boqor Professor Axmad Ismaaciil Samatar ku sheegaan nin caadifadaysan ama qabiiliya ama dhaawacan.

Sida Hadhwanaagnews.com oo warbixintooda ciwaan (Title) uga dhigay: "Waxan ahay Gadabursi Dir ah, Walaalkayna Dahir Rayaale shooladduu ugu dhacay markuu London yimi" Axmed I. Samatar”. Iyo Gabiley.net oo an aad u qadarin jiray, balse iyagana ay ka hoostay doorkan oo ka soo xigtay hadhwanaagnew.com, hadana nasiib darro ciwaan uga dhigay faaladooda: “Ahmed Ismaciil Samatar mawuxu ka hinaasanyahay Madaxtinimada Daahir Riyaale? mise wuxu mucaarad ku yahay jiritaanka,somaliland”?. Taasi waa diraa diraalayn, mana jecla reer Awdal, imisaase gadabuursi ah oo ka hor jeeda Rayaale?, sideedse ugu malayseen inuu Samatar dan iyo muraad toona ka leeyahay madaxnimada Somaliland?.
Anuu si fiiacanbaan u dhagaystay una dhuuxay walina u dheehanayaa una dhagaysanayaa hadalkiisan danbe ee uu ka jeediyay The Hague iyo waraysigii ka horreeyay ee Bartamaha.com. Waxana intaas ii dheer inaan shaqsiyan anigu arkay oo an Professor Axmed laftarkiisa kula kulmay London UK . Hadaladii an horey uga soo joogay iyo Hadaladiisan danbana waxaban u arkaa Muxaadaro (Lecture) ku dabbaqan Diin Islaam ah iyo Cilmi Diimuqraadi ah labadaba, oo aradaygii muta-adibka ahina wax weyn ka faa ii daysan karo, kuna faani karo. Dhammaanteena inteenna dhiirran ee dhiig uus lihi waxaynu nahay ardayda Boqor Professor Axmad Ismaaciil Samatar, rumaysta ama ha rumaysanina.

Intiinan dudaysa ee dan qarabo kiil iyo qudhun-qadhaadh wadaayina, waad ku qamaanteen kuna qaldanteen, walibana ka qoommamayn doontiin inaad dabin-qool u xidhaan kuwii qabriga laydiin qoday idinka fiqi lahaa. Muhiimmadii muxaadarooyinka Boqor Professor Axmad Ismaaciil Samatar, macal Asif waxa idinkala mug weynaaday meheradiina qabiilnimmo, oo markuu qooyskiisa sheegaad ka qandhooteen. Hadaba, Nasab ninkii ahina ma naco ubadkii nuugay naaska walaashiis ee hooyo iyo aabo la dhaleen.

Hadal iyo dhammaanna hadduu Professor Axmed yidhi; waxan ahay Gadabuursi oo waxan ku dhashay Gabiley, isagoo waliba idiin macneeyay inuu qabiil dan ka lahayn, waa hadaad si fiican u dhagaysateen hadalkiisa’e. Waxay taasi inta garaadka iyo gobnimada Ilaah u dhaliyay uga dhigan tahay, “Boqor Ma Eexdo, Bahdiina Ma Mooga”. Amma Boqor Professor Axmed ma eexdo, bahdiina ma mooga.

Waxan kusoo gaba-gabaynayaa maqaalkan heestii boqor Professorku ku gabagabeeyay hadalkiisa oo ahayd:

Heeeeeeeeeeeeey hooooooooooooooooowaaaaaaaaaCalankaaaaaaaaaaaan lahaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaCisibaaaaaaaaan ku qabayeeeeeeeeeey hoowaaaaaaaAllaaaaaa caawaba, ma cidlaaaaaaan ka jogaaaaaaaaaaaa.


Wa-Billaahi Tawfiiq.


Cabdiqani Yuusuf Caateeye

HiilDan

hiildan@yahoo.com

No comments: