Thursday, December 06, 2007

Waa Mooge iyo Madaxwareer iyo macnayare oo reer awdal ah - Sigad

Qormadani waxay Ku saabsantahay sadex nin oo reer awdal ahaa walaalana ahaa magacdoodana lakala odhanjiray “MOOGE” iyo“MADAXWAREER”iyo MACNAYARE. Waxayna la dagaalami jireen cadaw laakiin ugudanbayntii waa laga guulaystay. Sobobta lagaga guulaystayna iyagaa iskugu wacnaa.


Waana tan sheekadii dhexmartay Mooge iyo Madaxwareer iyo Macnayare iyawaliba colkii kusoo duulay. Akhris wacan iyo siday tahay in loo fahmaanan idinku dardaaray.

Mooge; Waar yaadaheen colbaa inagu soo socdee diyaar garooba oo hubkiinii soo dhawaysta. Madaxwareer; Yaa waayahay! Waayahay! anu diyaarbaan ahay.

Macnayare; Allah ha soo dhawadaane u kaadiya anaa jab lamaagane. Mooge; Waa kuwaa dixda ka soo talaabaya waar diyaar garooba. Madaxwareer; hayaaaay oo yaa maanta beertaydii dhixmaray , kolay waa mooge aar ninkaa sideen kayeelaa.

Halkaa markay xaajadu marayso ayay Macnayare iyo Madaxwareer sheeko gaar ahi dhexmartay.

Macnayare; kkkkkkkkkkkk Madaxwareerow ma maqashay aniga colka soo duulay way isaamaxeen oo waxay yidhaheen adigu saamax baad naga tahay ee iska seexo waar adiguna ani isoo raac anaa odhan ninkana iska daaye.

Madaxwareer; waar nimanka waxa isku keen diraya Moogaan umalaynayaa ee bal aan la hadalo.

Macnayare; inamari wakaa colkii halkaa dagaye, aynu utagno oon la hadalnee.

Madaxwareer; wayahee inamari. Madaxwareer iyo Macnayare ayaa colkii u tagay sheekadan baana dhexmartay.

Macnayare iyo Madaxwareer; Colyahaw ma soo nabad hoyateen.

Colkii; haa waan soo nabad hoyaney duulimaadna waanahay geeliniina badhbaan maanta qalanay.

Madaxwareer; yaa hayaaay! war maxay leeyihiin Macnayaroow sawdigii nalahaa Mooge uunbay rabaan.


Macnayare; kkkkkkkkkkkk waar geela intii candhada lahayd uunbay qasheene maxaa kaagalay Mooge uunbaan kajaraynaaye.


Colkii; maxaad soo doonteen miyaanad ogayn in aan idinka idinku soo duulnay oo aan rabno intan maanta qalanay maahee xoolihiina oodhana in aan beri usocono inaan dareersano.

Madaxwareer; yaa iguwalee inaanad xoolahayaga dareersanayn, ma inaan isdilaad rabtaan.


Macnayare; kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk aar bal kan eega waar nimanka sidaa ha ula hadlin ee ula heshii sidaan ula heshiiyay hadaad tuur iska kicisana way ku tooganayaan. Xabaduna nimankan qaali kuma aha oo waligoodba way ridi jireen.


Madaxwareer; waarbal kan nacaska ah eega ma ninbaan xoolahayga kula heshiiyaa.


Colkii; waar imika ikhtiyaar ma lihidinee midkiinee Mooge madaxiisa noo keenaya isagaa fadh fadh badane.


Macnayare; dee haduu madaxwareer ila soo qabanayo anigu diyaarbaan ahay laakiin ninkaasi kaligay masoo qaban karo.


Madaxwareer; ma walaalkayaad soo qabta na leedihiin waar wuxu may waalanyihiin.

Colkii; ina walaale hadaanu ku saamaxno maxaa kaagalay adi walaalkaa.


Macnayare;anigu geelisaan markaan soonoqdo badh inii keeni isaga kaligay ma soo qaban karee.

Colkii; imika horta hilibkan yar ee hambada giiliina ah cuna inskana taga waxba maanta ini yeeli maynee, laakiin soo noqodkiina warkan wardhaama layimaada oo Mooge madaxiisa noo keena.

Halkaa markay xaajo marayso ayay ayay soo noqdeen Madaxwareer iyo Macnayare. Waxayna kusoo bexeen Mooge oo wali dhufays kujira shiishkana meel ku haya oo heegan ah.


Mooge; ISTAAG oo iscadee .


Macnayare iyo Madaxwareer; waar waa anaga ee ha na laynin ateero baas uunbaad kujirtaa ilaa kalayaaciiye.


Mooge; Oo dee anu cadawgaan inaga ilaalinayaaye waaxay xagaad kasoo socotaani waa dhankii cadawgee siday wax ujiraan nimankii miyaad eryateen.

Madaxwareer; wager! Eryateenaa.

Macnayare; shuuush aar naga aamu adu madaxwareer haa Mooge colkii waan laynay halkii ay fadhiyeen baanan hada ka soconaa hilib geelna waan ka soo cunay.

Mooge; Allah oo hilib geel baabad kasoo dhacdeen, waxaasaa raga waan ogaa in uu abahay dhalay halyayo.


Madaxwareer; wager waar nagatag Macnayare ninka aan runta u sheegnee, warayaa moogow walaal ma been mise run anagu nimankii waan la soo heshiinay madaxaagayna rabaan.


Macnayare; kkkkkkkkkk isagaa yidhi anu ma aan odhan.

Madaxwareer; Allah manaad igu soo riixaysaa imika, waar waanagii kula heshiinay nimanka in aan ninkan mooge madixiisa ugayno ee maxaad la cabsan aan qabano ninka.

Macnayare; dee wayee ila qabo.


Markay xaajadu halkaa marayso ayaa laga xoogroonaaday Mooge oo dhulka ladhigay markaasoo moogi ambabaray markaasuu kuyidhi walaalihii waar nimanyahow walaalahay baad tihiine intaad idinku idili lahaydeen cadawga nolol iigu geeya iyagu ha idilaane.

Macnayare; waar naga tag haday iyagu ku dilaan iyo hadaan anagu kudilno waa isku mid uune.

Madaxwareer; waar heedhe allah macnayare macna yaraa ma waxa iskumida inagoo walaalkeen gacanteena ku dilna iyo inagoo issagoo nool iska libdhina cadawgu hadilee, waar nolol ayaan iskaga gaynaynaaye naga tag.

Hadaba sadexdii nin Mooge iyo Macnayare iyo Madaxwareer ayaa utagay colkii oo meel fadhiya. Colkiibaa uqaadan waayay waxayna layaabeen nasiib wanaagooda markasay yidhaahdeen waar maxaad soo doonteen.

Madaxwareer; Dee sawnagii balanay waxan idiin sidnaa Mooge oo nool


Macnayare; kkkkkkkkkkkk ma'aragtaan isagoo nool baan idiin sidnaa.


Colkii; haa waayahaye soo fadhiista.

Madaxwareer; mayee fadhisanmaynee waan iskalabanaynaaye beertiibay lo’idii nooga daadanaysaaye dee salaamada oo wakaa mooge qasha.

Macnayare; haa waan sii soconaynaaye iska qaata mooge.

Colkii; maya maya maya ma aad fahmine hadaanan sadexdiinaba isku darin oonaan dhagta dhiiga udarin bari baad cadawkale nagu dhalaysaan oo mag bay nawaydiinayaane iska fadhiista dhimata e.

Macnayare; kkkkkkkkkkkkkkkkk aar mala way kaftamayaane .


Madaxwareer igu walee inaanay indho kaftamayaa lahayn waabay indha cas yihiine malaha waabay nagu darayaan.


Mooge’ GA GA GA GA GA allah yaa iiqosla waar nimanyahaw aabahay muxuu nacas dhalay aar qoorta isoo garabdhigta oo waliba dhanka midigta iga mara xagaasaa lagu soo horeeyaa marka wax la qalayee.

Halkaa markay xajo marayso ayaa nimankii xadhig loo soo qaatay lagu xidhxidho markasaa lagu horeeyay madax wareer markasuu yidhi.

Madaxwareer Wagareey waaba kadhab aar gacanta hana jabinina.

Waxa ku xigay macna yare wuxuna yidh sedan.

Macnayare; kkkkkkkkkkkkkkk aaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaax aar qoorta isii daayay waar wuxu ma cadawbaa.

Waxa udanbeeyay Mooge wuxuuna yidhi.

Mooge; hadaan ogaanlaha iyagaaban ka ordilahaaye hadayse igaba horeeyee baga igudara anigana.

Sadexdii nin ee reer awdal ee walaalaha ahaa halkaasaa lagu laayay.

Colkii wuxu yidhi .

Colkii; waar maanay maqal walaalkii loo xiiryaw adna soo qoyso.


Sheekadii halkaasay kusoo dhamaatay dhamaan dadka reer awdal ee akhristayna waxan rajaynayaa in ay isgartaan meesha ay kaga jiraan sheekada ama Mooge uun baad tahay ama Madaxwareer ama Macnayare


Cabdale Faarah Sigad

No comments: