Wednesday, August 15, 2007

Faallo: Maxay Soo Kordhin Kartaa Jaamacadda Eelo? - Mawlid Barkhad

"Reer Awdal Sharaf Waxa Ugu Filan Inay Labo Jaamacadood Leeyihiin "Sharaf wayn bay u tahay guud ahaan ummadda Somaliyeed gaar ahaanna Boorama in laga furo jaamacadii koowaad oo maraykan ah ee dalka ka hawl gasha,iyada oo aa aanay jaamacado noocaas ahi ka jirin dalaka dariska ah, jaamacadaasi oo lagu baran doono takhasusyo la xidhiidha dhinaca waxbarashada aqoonta Computerka iyo Technologyga.Bilaabida Waxbarasho Sare noocay rabto ha ahaatee, jaamacad ama kuliyad takhasus ah, waa fursad qaali ah, ma aha oo kaliya in laga helayo tacliin, ee waxaa kaloo laga helayaa waxyaabo ardaygu la dhacayso oo kalla duwan sida ciyaaraha iyo riwaayadaha uu qofku sida gaarka ah u danaynayo.

Intaa waxaa dheer waxaad kula kulmaysaa dad kala nooc ah kalana dhaqan duwan.Himilada in la sameeyo jaamacad labaad ayaa saraysay ka dib markii jaamacadii koowaad ee Borama laga aasaasay,AMOUD UNIVERSITY, ay guulaysatay.Imikana waxa muuqata in himiladaasi ay hirgalayso, iyada oo ay labada jaamacadood kala duwanyihiin marka la eego barnaamijyada iyo kulliyadaha ay ka koobanyihiin .jaamacadan cusub oo la filaayo in dhawaan laga furo magaalada Borama oo magaceedana la yidhaahdo EELO AMERICAN UNIVERSITY ayaa lagu baran doonaa kuliyado la xidhiidha dhinaca waxbarashada aqoonta Computerka iyo Technology (Computers cience andTechnology).

jaamacadan oo ay dhigi doonaan macalimiin u badan ajaanib,waxa ay bixin doontaa shahaado caalamka oo dhan laga ictiraafsanyahay, gaar ahaan dalka Maraykanka.Waa Maxay Kaalinta Ay Buuxin Karto Jaamacadan Cusubi?Sida la wada ogsoonyahay boqolaal arday oo soomali ah ayaa Pakistan,Hindiya iyo Malesiya sanad walba taga si ay uga helaan waxbarashada aqoonta computerka iyo technologyka(Computer Science and Technology),hadaba jaamacadani waxa ay siinaysaa ardaydaasi fursad tacliimeed oo dalka gudihiisa ah,ardayga oon ka maqnaan qoyskiisa isalamarkaana aan gelin kharashka safar dibadeed,oo aan waliba waayayn shaqadiisa.waxa kale oo ay ka qayb qaadan doontaa xalinta mashaakila bulshada haysta.

Intaa waxa dheer jaamacadani cusub waxa u qorshaysan marka ay mudo socoto in lagu kordhin doono aqoonta ay bixinayso Engineering, Basic Sciences, Management Sciences, Veterinary and Allied Sciences, Applied Health Sciences, Social Sciences, Law and Human Rights and Continuous and Adult Education, Waana aqoon dadku ay aad ugu baahnaayeen balse imika ka hor ay adkayd in dalka laga helo.Maxay Noqon Karaan Ujeedooyinka Jaacamadan Cusubi?

sida ay ilo xogogaalihi sheegeen waxa ka mid ah ujeedooyinka jaamacaddaasi :
1-Dib u yagleelida tacliinta sare dagaaladii sokeeye ka dib iyo dhiirigalinta iyo tayaynta tacliinta gaarka ah.
2- Diyaarinta aqoonyahano waxsoosaar leh.
3-Hor-u-marinta adeegsiga technologyada iyo dhiirigalinta Cilmi baaritsta
4-Dhaxalsiinta ardayda khibrado casri ah iyo ku tababaridooda anshaxa shaqo.
5-Xoojinta barnaamijyada adeega bulshada iyo tacliinta joogtada ahWaxa mahad iska leh

ILLAAHAY, amaan na waxa iska leh aasaasayaasha jaamacadan cusub oo marka horeba magac ku dhex lahaa bulshadooda maadaamoo lagu yaqaanay karti badni iyo daacadnimo,waxanan u soo jeedin lahaa in ay ku dadalaan in ay xidhiidh gaarka ah la yeeshaan jaamacadaha ka jira Somaliland, Afrika iyo kuwa Wadamada carabtaba iyo inay isku taxallujiyaan sidii ay EELO AMERICAN UNIVERSITY xubin buuxda ay uga noqon lahayd ururada jaamacadeed ee caalamiga ah oo ay ka mid yihiin:

1.Xiriirka jaamacadaha carabta ee private-ka ah
2-Midawga jaamacadaha dawladaha carabta oo ay ku jiraan dhamaan Jaamacadaha xukuumiga ah ee dalalka carabta iyo kuwo aan ahaynba.
3.Midawga jaamacada dalalka islaamka Waxa dhamaan waxgaradka,Odayaasha,cuqaasha iyo aqoonyahanka somaliland gaar ahaan kuwa gobolka Awdal aan ku boorinayaa in ay muuiyaan kalsooni iyo iskaashi keenaaya in ay jaamacadani noqoto mid guulaysata, aniga oo ku soo xidhaya hadalkayga,"u midooba talaabadan horumarka lagu gaadhaayo, dalka iyo dadkana intifaca u leh ILLAAHAYNA ha idinla jiro".
Mawlid Maxamed Barkhad
Hungary
mmbsamiir_6@hotmail.com

No comments: