Saturday, August 18, 2007

Oradkii 10-ka Km ee Borama ka dhacay - Abokor Afi

Abaal Marino Hotel Rays Ee Magaalada Borama Lagu Gudoonsiiyay Inamadii Ku Guulaystay Orodka 10km Ah Oo Lagu Qabtay Borama.
16 August 2007

Xaflad abaalmarino kala duwan lagu gudoonsiinayay tartamayaashii ku guulaystay orodka 10km ee Maalintii arbacadii ee bishu ku beegnayd 12/08/2007 oo ay qabanqaabinayeen ururka dhalinyarada ee AYODA ayaa munaasibadaa waxa ka qayb galay Gudoomiyaha G/Awdal , Gudoomiye ku xigeenka Golaha degaanka ee Degmada Borama , xubno ka socday jaaliyada Faransiiska Dalka faransiiska oo ka qayb qaatay maal galinta orodkani , qaar socday Jabouti iyo Hayadaha Caalamiga ah qaarkood dadwayne dhalinyaradii orodkaasi ka qayb gashay waxaana halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada ee Ayoda C/rashiid Maxamed Maygaag waxuuna u mahad naqay jaaliyadaha Reer Awdal eek u nool Faransiiska iyo Canada iyo dadka reer jobouti oo uu ku tilmaamay inay kaalin ka gaystaan hirgalinta orodkan 10km.

waxaana uu sheegay in mudo labo sanadood ah uu tartanka orodka ay soo wadeen Ururkoogan waxaana uu sheegay inamada tartanka kaalinta koowaad iyo labaad galay ay jabiyeen Recordkii orodka 10km loogu talo galay waxuuna faahfaahiyay in ururka ka howl galo dhinaca Wacyigalinta HIV/AIDS , Gudniinka Fircooniga ah FGM iyo xaga daryeelka Degaanka waxuuna ugu baaqay cidkasta oo danaynaysa arimahaasi inay wax ka qabtaan inay soo dhawaynayaan.Mar uu ka hadlayay cida wax kala qabata Howlaha Ururkoodu wado inay yihiin Shirkadaha Africa On-Line, Telcom,Telesom,Samaale Company iyo Dad kale oo iyagu u heelan horumarka in wax laga qabto.

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Shirkada Telesom C/qaadir Aadam Nuur oo tibaaxay inay iyagu yihiin kuwii hirgaliyay inuu si nabad ah koobkii rajo soo celinta ee Ciyaartoyda Boorama ku tartamayeen waxuuna intaasi sii raaciyay waxkasta oo horumar iyo wax qabad ah ee ay Ayoda wado in la garab galayo laakiinse C/qaadir maatna waxa uu bulshada tusay in Qiimayn iyo qadarin loo sameeyo dadka ciyaaraha ku wanaagsan isagoo waliba gacan qaaday oo salaan iyo hambalyo iskugu darayay inamadii tartankaasi badiyay isla markaasin bogaadin u jeediyay Jaaliyadaha Faransiiska, Canada iyo Dadka reer Jibouti ee dhiiri galinta Sportiga la wada Ururkaasi.

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Madaxa Xidhiidhka u qaabilsan Shirkada Telcom C/rashiid Aw Cabdi Xadi waxuuna ka waramay in shirkadooda Isgaadhsiinta ee Telcom ay kaalinwayn ka qaadato horumarinta Adeegyada kala duwan ee Bulshada loo qabanayo waxuuna intaasi sii raaciyay in shirkada Telcom ay dhiiri galiso ciyaartoyda Gobolka waxuuna tilmaamay inay xitaa xaga dirayska iyo dharkaba ka caawiyaan waxuuna sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu maanta arko Dhalinyaro firfircoon oo u heelan inay Gobolkooda magac u soo hooyaan kana qayb qaadanaya ciyaaraha kala duwan ee noocyada badan leh waxuuna sheegay inay dhalinyaradani iska xoreeyeen gumaysiga Jaadka isagoo ku tilmaamay inuu qaadku yahay Cadow isla markaana loo baahan yahay in uu qofkastaa ka fogaado ta maanta guusha u keentayna waa isticmaala'aanta aanay cunaynin Jaadka waxuuna balan qaaday in shirkada Isgaadhsiinta ee Telcom ay diyaar u tahay waxkasta oo wanaaga cidii samaynaysa inay maal galin la garab taagan tahay waxuuna xusay in madaxda Sare Sare ee shirkada Isgaadhsiinta Telcom uu gaadhsiinta doono balantasi uu soo qaaday si looga dhabeeyo.

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Awdal Maxamuud Sh.C/laahi Cige waxuuna Sheegay inaanay ciyaartoygu haysan meelo ay ku nafisaan balse maanta laga bilaabo aan u raadinayno sidii aanu u heli lahayn gobo ciyaartoydu ay ku ciyaaraan ciyaaraha kala duwan isagoo waliba si gaar ah u xusay Shirkada Telesom inay wax wayn ka qabatay xaga dhiiri galinta ciyaartoyda waxuuna sii raaciyay Hadalkiisaasi shirkada Telecomna iyo Shaba howlaha Waxqabad kaalin wayn bay kaga jiraan.Waxaa isna halkaasi ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka Golaha Degaanka Degmada Borama waxuuna xusay in dowlada Hoose ay dadaal xoog leh ka muujinayso sidii loo heli laha garoomo waxuuna tibaaxay inay ciyaartoyda Gobolka Awdal ee ka soo qayb galay tartanadii ciyaaraha Gobolada Dalka Somaliland ay guul ka soo hooyeen.

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Maxamed Cali Aadan ( Maxamed Ciid) oo ku hadlayay magaca jaaliyada Faransiiska oo kala qayb galay Ayoda howsha orodka waxuuna tilmaamay in dadka reer Borama ay ku dacaayadeeyaan ururka Ayoda inay hanti badan ka soo qaadan jaaliyadaha dibada oo ay iyagu iska isticmaalaan oo aanay wax horumar ah ku samayn laakiinse waxuu cadeeyey inaan ururkaasi wax buuran aanay usoo dirin jaaliyadahaasi laakiinse wax howsha ay ku dhaqaajiyaan uun aan siino sidaasi awgeed waxaan u baahan nahay in ururka Borabagaandada laga daayo ururkaasina howlihiisa si fiican u wada, inkasta oo uu cadeeyey ururka dhalinyarada ee Ayoda inay jecelyihiin inay gobolkooda horumar gaadhsiiyaan waxaa halkaasi shahaadooyin iyo abaal marin lacageed lagu gudoonsiiyay dhalinyaradii kaalmaha u horeysay ka gashay tartankii orodka oo ay ka qayb galayeen 84 dhalinyarada Magaalada Borama ku nool ah masuuliyiintii kale ee munaasibadaasi ka qayb gashay ee ka hadashay ayaa iyaguna xusay in ururka dhalinyarada ee Ayoda ay wadaan howlo lagu dardar galinayo ciyaaraha Gobolka Awdal.

Abokor Afi
Saylicipress
Borama, Awdal

No comments: