Waa tix ku saabsan fadeexadii hargeysaad iyo bililiqadii ciyaaraha.
Waxana layidhaa (Rasaas)
By Cabdale Farah Sigad
18 August 2007 London, U.K.
Dhabadii ciyaaraha miyuu dhagax ka qaybgalay
Dheeshiyo ciyaartii kubadii dhabta ahayd
Ee lagu dheelijiray Baki.
Markii lasku dhiibee Awadal dhalisay goolkii
May hargeysa dhiidhiday.
Dhabadii ciyaaraha miyuu dhagax ka qaybgalay
Ragii dheesha badiyayna miyay dhiig ku maydheen
Maa dhifaysyo loogalay dhalintii ciyaar tagtay
iyagoon dhib gaysanin.
Dhaqan xumo hargeysaay dhaxdin looma hoydaay
Dhalintii ciyaartiyo dheesha kuugu timid dhac miyaad u gaysatay.
Maad dhiig kayaacisay ragii dheesha kaa helay oo
dhaqtarada hargeysad lagu dhayay badhkood.
Ma dhirbaaxo jaan iyo dheengad iyo faduul baa
Lagu soo dhaweeyoo dheef looga dhigay.
Dhoohanoow wasiirkii dhalintiyo ciyaaruhu
Ma kudhawaaqay guulmadhan.
Ragii dhabarku muuqdiyo dhiig yacabddii (SNM)
May dhuculo iyo caruur dhagax udhiibeen.
Gogoshay dhigeen reerihii dhankaa xigay
Miyay dhiriq ku maydheen.
Xaruntii dhexda ahayd reera dhuxul ku reebiyo
Rooxaan masheegatay.
Raxan raadka beenta ah kaalay ila rafiiqdii
Run miyaan uqaadanay.
Raqdii hore kuwii qabay ee raanta kulabaxay (SNM)
Raxmad laga fogeeyoow kuwii reerihii dhacay.
Inay kala raraan bay maantana rabaanoo
Waa kuwa rabshadaha kicin.
Ee reerahan ayaa dhalay,
Away ruugcadaagi.
Runta ma isku sheegan
Raligalin ma bixiyaan.
Rag xumaanta uu karo iyo
Rabi may yaqaanaan.
Rabigii na uumoow
Waxan roorno roornoon
Raadina wanaag
Kolka raagsanoo
Runtiibaan ogaanaye.
Rayfalkaan nu qadani
Rasaastaan nu buuxsani
Dhulkuu raran kasoo bixi
Rayo dhiigaba di’
Abti kala rarbaa iman
Oohin gacala way badan
Nin waliba intiisiyo
Ab, la isku sheegtiyo
Adeer baa wadani noqon
Abtirsiina way iman
Cabadale Faarah Sigad
Wednesday, August 15, 2007
Tixdii Rasaas ee difaacaysay ciyaartowga Awdal - Cabadle Sigad
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment