Saturday, August 18, 2007

Bal ila akhriya - Mukhtar Abdillahi

Bal akhristow ila arag aflagaadadan foosha xunleh ee ka timidmasuul sare oo katirsan Jamhuuriyada Somaliland!!!

Hadda akhristoow waxa ay ahayd arooryadii hore ee subixii isniineed ee bishu ku beegnayd
13/8/007 abaaro 6:30 kii subaxnimo aan qalinkii aan ugu magic daray DULMANE aan qaatay
anigoo fadhiya qolkaygi waxbarshada ee BILANE,aniga oo uban-baxay in aan waxkaqore
dhacdooyinkii is huwanaa ee dhinaca cayaaraha laxidhiidhay ee todobadkaasi hargeysa
kadhacayay , kuwas oo sida wada ogsoontihiin sanadkan foolxumadii ugu weynayd dhaxlay kadib markii falal badani soo daahireen sida bililiqaysigii koobkii kolayga iyo bar-baartii sida xun loo hujuumay, maqalkas ayaan ciwaan ugu dhigay calool foyaabaanat reer Awdal iyo Xumo u’jooga Hargeysa gundhigiisuna ahaa (ninkuyidhi sinaan mayno adna buri sarayntiisa, sadka waad wadaagtaane ma tiisaa sagaashana).

Kaas oon ku soo bandhigay shabakadaha gobolka, sida Boramanews, lughaya, saylac, saylaci,
harowo, iyo amoudonline.net. Inkastoo uu qalinkaygu ahaa mid xaqiiqda xanbaarsan amaba katurjumaya oo waliba illo xog- ogaal ah ii soo tabiyeen waxa madasha ciyarah kadhacayey; ayaa hadana akhristoow waxaan qoraalkaygaasii uu muday dadyow badan kuwasoo fariimo sida mayey roobaad iigu soo da’ayey.

Laakiin nasiib daro dadkaasi waxay ahaayeen kuwa nacaybku iyo xumaanta ey reer Awdal
uqabaan buuxisay oo sixun wax usheeguna hugooga noqday. Hadaba akhristoow dadyowgaasi waxaa kamid ahaa ninku isku sheegay in uu yahay ku xigeenka koowaad ee Ra’iisul baarlamaan lana yidhaahdo C/CASIIS SAMAALE Kaas oo aanku naqdiyey maqaalkaas aan qoray kana mid ahaa dadkii gu’aanka ku gaadhay in koobka kolayag hargeysa lagudoonsiiyo, akhristaha sharafta lahoow ayaan waxba hadal kugu daaline bal illa eeg fariinta uu ii soo diray ninkaas isag ah.

adeer dhul u dhacaaga hubso
From: Abdi-aziz Samale (abdi_samale@yahoo.com)
Sent: Tue 8/14/07 5:32 PM
To: bahdoon07@hotmail.com

ADEER WAXAAN FILAYAA INAAD TAHAY WIIL AAD U DA'YAR ADEER HADII AY MAAHA INAY QADIYADI KU QAADO AAN ISKU KAA MACNEEYO ADEER ANIGU MA AHI WIIL YAR OO DHALINYARO AH WAXAA AAD II DAMAQDAY WEBSITEKA LAYDHAA LUGHAYA MAQAALKA AAD KU SOO QORTAY.

ADEER HALKASII WAXAA IIGA CAD INAAD TAHAY GADABUSI GADABUUSIGUNA DHUUSADA AYAY DHANKA LAYDHA KAALA MARAAN AYAA HORE AANU U NIDHI HADII AANU NAHAY REER SHEEKH ISXAAQ TASINA WAA RUN WAXAAN.
HADA WAXAAN U MALAYNAYAA INAANAD SOMALILNAD DHEXDEEDA JOOGIN
ADRESKAAGANA WAAN SOO OGAADAY INAANAD SOMALILAND AANAD JOOGIN EE AAD JOOGTO DALKA AANU JAARKA NAHAY EE DJIBOUTI.
ADEER KOLEY ANIGU HADAL BADAN KU ODHAN MAAYO BALSE WAXAD KU JIRTO KA JOOG HADII AAD ANIGA AAD ANIGA OO AANAD AQOON II LAHAYN AAD IGA SOO CAYDO INTERNETKA HALKA AAD JOOGTO AYAAN KAA SOO DHEX QAADAN.
HADABA IS JIR MACAL SALAAMA


Haddaba markii ay isoo gaadhay fariintani ayaa akhristoow igu noqotay wax lama filaan ah oo aan halkan soo dhiganba in qof masuul iyo mansab ugu fadhiya ummad dhan wax noocan oo kala’ah soo qoro .inagoo kaduulaya in aan xaqiijiyo arinkaas ayaan adeegsaday baadi-goobaha
layidhaahdo checkdomain kaasi oo ku asmaxaya kadib marka aad hesho kadib IP-adress-ka
computerka lagaaga soo fariimeeyay , aad si sahlan u helikarto macluumadka sida wadanka
magaalada , nuuca internetka ee shirka laga’gashday iwm.

Waa taas aan ku xaqiiqsaay in ninkasi waxan soo qoray uu laftarkiisa yahay.
Sikastaba ha ahaatee cabdicasiisoow waa runtaa waxaan ahayn wiil dayar oo 24 gu hada baarka
kajaray laakiinse shaki kuma jiro in aan maskax ahaan aan kaa miisaan culusahay waayo anigu ma ‘aan caytamin beelna ma aan caayin caayina maayo ee bal wax isku fal ninyahoow masuulnimadu usoo dhaxday.

Waa kuma cabdi casiis samaale?


Cabcasiis samaale waa ku xigeenka rasiisul baarlamaanka dalka , ee wakhti xaadirkan
Cabdi casiis wuxuu ahaan jiray sanooyin badan masuul sare uu ujooga jabhadii dhiigyo cabka ahayd ee SNM dalka yemen. Waxaa kaloo cabdi caiis ahaan jiray imaam iyo caalim ku xeeldheer dhiinat islaamka Laakiin shaqadaas u’adeegida diin eebe ayuu kagaabiyey ilaa iyo intii xisbiga kulmiye dhidibad loo aas-aasay,taas marag madoon utahay sida uu uhadlaayo isagoo xaamilu kitaab ah misana shaydaan sinbiri-rixooday.

Mar hadii ay masuuliyiintii ay sidan u dhaqmayaa maxaa
la gudboon bulsho weynta reer Awdal?

Sida aan qabo dadka reer Awdal dal iyo dibadba waxaa la gudboon in ay isku duubnaadaan ooyna isku tashadaan, maadaama ay xaalada dalku meeshii ugu xumayd ay marayso tan iyo intii Somaliland lugu soo unkay magaala madaxda gobolka ee Borama, taasna waxaa markhaati cad u ah sida masuuliyiinta intooda badani ay u dhaqmayaan shakina kuma jiro in Somaliland tahay duni uu siyaasi rogayo. Waxaan ku boorinayaa guud ahaan inaad ka hadashaan aflagaadadaas foosha xunleh ee
badheedhka ah.


By: Mukhtaar C/raxmaan C/laahi

E-mail: bahdoon07@hotmail.com

No comments: