Saturday, August 18, 2007

“caqligii wanaagsani itaal inuu ka roonyahay bal eegoo ufiirsada!!!?” Sh. Muumin - By M. Diriye

Marka hore waxaan halkan mahad uuga jeedinayaa dhamaan ciyartodii iyo madaxda qaybta ciyaaraha ee gobalka Awdal waxanan idinleeyahay ka meedha wixii idinsoo maray, waad ka soo baxdeen wajibkiinii lakin waxa ay hawli u taal ninka waajibkiisa garan la ee inala dhex wareegaya waxba laynama yeelin. Kaa waxaan leeyahay ka fiirso intaanad falin.Aduunyadani iyadaa isu talinaysa oo umadani iyadaa gacanteeda isku soo hoyndoota taas iyada shaki kuma jiro, lakin waxa mu cjiso iga dagi la noqotay in ciyaalkii kubada u yimi magalada Hargaysa si ay gobolkooda uuga qaygalaan tartanka kubada cagta ee gobalada S/land in sidii maska inta dhagax iyo bud la la raadsado layidhaa waar waynakaa reer Hargaysawe meeday Awdal.Horta ficilkani wuxuu ka turjumayaa waxa ama nasteexada u taala dadka reer Awadal magaalada Hargeesa iyo agagaarkeeda , taas waxan uleyahay aduunka kubad waa laga ciyaaraa oo waa run oo kubadu way xamasad kulushay lakin wali lama hayo wadan ciyartooy u martiya ama gobol ciyartooy martiya sidaa uula dhaqmay.

Taasina waxa ay kaliftay in kooxdii kubad kolayguna ay gooran habeena ahayn maalina ahayn ka guurayso Hargaysa oo ay lafahoga labaxsadaan halkaana koobkii lagudoonsiiyay cidii markii horeba loogu talagalay iyadoon cidna waxba iska waydiin.Horta hadaan laka roonaan reer madago oo hadaan kooxda kubada kolaygu soo cararin oo aanay lafahooga lasoo baxasan ayaar koobka koox lama gudoonsiiyeen waa caqligii wanaasani itaal inuu ka roonayahay bal eegoo reer Hargaysaw u fiirsada.Hadaba bulshadeenu ma tu aan waxba kabaranbaa dhibaatooyinkii soo maray mise.? Mise waynu kabarnee inagaan waxba ku qaadan.? Waxa layidhi: “ Habar dugaag ayaa ugaadhsi tagay, markay ugaadhsi tagee ee ay soo dhamaysteen soona qabsadeen waxay qabsankarayeen ee ugaadh ah ee uu Ilaahay u calfay, ayay iskugu yimadeen xaruntoodii, waa laysku soo ururay waxaana laysugu yimid sidii loo wada cunilahaa loona qeebsanlahaa ugaadhii, marka waxay soo ugaadh sadeen oo kaliya Dameerfarow iyo Deero, waa laysku yimi inankii libaaxna waa fadhiyaa halkaa markay mareeso ayuu wiilkii Waraabe soo booday oo yidhi anaa inoo qaybinaya, waxa uu ku bilaabay waraabe, nimanyaw waan arganaayo waynagu yartay markaa waxaan odhanlahaa horta wiilka libaax kaligii ha cuno deerada, inteena kalena waynagu dameerfarwga. Intaa markuu yidhi ayuu wiilkii libaax bahal dha baaxo ah dhulka uugu tuuray waraabe, uu yidhi yaakubaray casharkaa. Intasi markay dhacaday ayey gabadhii dacawo soo booday ooy tidhi anaa talinaya, libaaxu haku quraacdo deerada, dameerfarwgana haka dhigto qado iyo cuwaaf. Wiilkii libaax intuu qoslay yidhi yaakubaray cilmigan markaa say dacawo tidhi dhirbaaxadaa waraabe ku dhacday aya ibartay.”Waxaan leeyahay waar dadka imika meetidii boqolal sanadood kahor dhimatay taaloyinka u dhisaya ee leh waa mujahid hebal taaladiisii oo ilahay uun xaalkoodu ogyahay meesha ayku suganyihiin, taasi waa halaysla waasho.

Waar ninka diida sinaatiisa adna diid sareentiisa meeshan ay gobalka Awdal uugu soo halgameen iyagaan wadiin doonaa waxaan leeyahay reer mujaahid hebel haw hawdoodu mid kubad ku dhamanaysa maaha walee waxay soo wadaan kawaaween.Waxaan halkan baaq uuga jeedinayaa dhamaan wax garadka iyo aqoonyahanada reer Awdal in ay ka joojiyaan taariikhada aan sal iyo raadka laheen ee loogu dhigayo caruurta dugsidyada. Halabaro ubadka taariikhdii reer Awdal iyo boortoyadii iyo ugaasyadii inta dhagaha laga qaadayo mujaahidkii ay lajihaadayeen adeeradood. Waxan looyahay noolaalda reer Awdal.

Mohamed Diiriye

3 comments:

Anonymous said...

...please where can I buy a unicorn?

Anonymous said...

...please where can I buy a unicorn?

Anonymous said...

[url=http://italtubi.com/levitra-vardenafil/ ]compra levitra onlin [/url] xkIdeale levitra senza ricetta rejypfjbkb [url=http://www.mister-wong.es/user/COMPRARCIALIS/comprar-viagra/]comprar viagra[/url]