Wednesday, August 22, 2007

Maanso - jawaab ah oo ku socota masuul dawlada SL ku jira - Abdifatah Egeh

kusoo dhawaada maansadan oo jawaab u ah hadaladii foosha xumaa ee kasoo baxay masuulnimada ninka sheeganaya ee layidha c/casiis samaale ah kuxigeenkoowaad ee ra iisul barlamaanka soomaaliland runtii waxaa igu dhalisay dareen iyo naxdin aan kaqaaday masuul nootaliya inuu kudhawaaqo hadalo qabyaaladaysan amaaba aan idhaahdee cay ah dadoow anuu waan lahadlee iniguna maxaad odhanaysiin waa tan maansadiii
--------------------------------------------------------------------------------
inkastoon durayntiyo
doodaha kagaabsado
dulmi nece ayaan ahay
dan qabiilna fara galin
doqomada dharbaaxoo
diir diiran baan ahay
ninka yidhi dadbaan dili
doc qabiil uleexdee
daan daansi raadsheeda.
yartiyo shabaabkana
waan ladoodayaa yidhi
ma inaa ladoortaa
qofka daacadnima iyo
dad in looshaqeeyiyo
danaheena garanaynee
qabiil dugsanayaa
doofaar inuu yahay
daah nagama saarnee
dambigaa ninkii galay
ma inaa ladoortaa
umadii dalkaygaaay
daadbaa nasoo galay
dulmi falaw ayaa jira
umad daadshay dhiigood
doonaaya maantana
dab inuu abuuree
dawgeenu waa maxay
ma inaaan kadoodnaa
misa waan kadaynaa
oo dana gaara baa jira
dood anuu makarayee
hala daadajaan idhi
danaystaha nu aragnee
ruuxa dumista qaran raba
ma inaa ladoortaadaa
dahaynta odayga
anuu waan kadayrshee
doon doona ruux kale
ku dareenay gabiyaga
kaa durug nayee garo
darajiyo suldaanimo iyo
harajaynin doorasho
diinbaan aqaaanaa dib
dambayta ha u odhan
danta guud anaa jecel
halajoogsan dawyada
waa inaan dadaalnaa
damnahaagu yay odhan
duqaytiyo cuqaashoow
dumarkiyo shabaabkoow
diktoorada dalkeenoow
kuwa daadahayntiyo
danta qaran ilaashoow
dabcigeenu maahayn
inaa xuma ladaayee
bal difaaca sharaftoo
hadaan dawlad runa nahay
ninkaa dibad inaga dhiga
hadaad ani idoontood
waan dili tidhaahdana
dig digloow kufahanee
ina daahirbaan ahay
anaa daabecee garo
c/fataax daahir cige

mudane_22@hotmail.com
qaaahira

No comments: