Saturday, January 19, 2008

Hargeysa Calankii Xorriyadda; Ma Calankii Gumaysigey Ka Dooratay?

Sanad walba marka madaxweynaha Dalku u baxo bannaanka isago oo laga yaabo inuu soo fulinay meherado isaga iyo dalkaba laga muhiimadi ugu jirto. Waxa looga bartay ummmaddani ay Hargeya hogaamsio inay sameeyaan bannaanbaxyo ay isku maqshquuliyaan oo mararka qaarkood ad mooddo inay isku illoowsiinayaan xayraanimada (Frustration) haysata.

(1). Calanka Xorriyada vs Calanka Gumaysiga

Sanadihii hore waxyaabihii ugu yaabka iyo amakaaga badnaa waxay ahayd in Hargeysa dhexdeeda lagu gubo calankii xoriyadda Soomaaliyeed ee laga dhacsaday Gumaysiga Ingiriiska. Haatanna wixii ugu yaabka badnaa ee aynu aragno waxay ahayd in calankii gumaysiga cusub ee adduunka oo ah midkan Maraykan, iyo calankii gumaysiga gaboobay ee Ingiriiska labadiiba laga taago oo la ag dhigo calanka cusub ee Somaliland . Waxana soo socda calankii xabashida oo isna Hareysa laga taagi doono.

Doorkan maanta ahna, inakstoon maqal meel lagu gubay Calankii Xorriyada Soomaaliyeed ee buluuga ahaa. Hadana waxa muuqata in isagana layska laabay oo layska illaaway, oo meelna kama muuqan. Xitaa in lagu samirsiiyo oo loogu tacsiyeeyo walaalaheena Koonfureed ee dhiigu ka da¢ayo, ee gacanta gumaysiga madow ku jira, waa la garan waayay, laguna xushmeeyo halyeeyadii Isticmaarka innooga dhiciyay xorriyadeena guud ahaan.

Ummaddani Tiihiyo
Tawaawaca ku taagan
Talo way ka dhabaqdee
Maxaa loo toosin waayay?.


(2). Geerida Abwaan Xasan (AUN), oo Calanka Hoos loo Dhigin

Waxa intaas dheer inuu dhawaan geeriyooday Abaankii Abwaanada soomaaliyeed ee aynu wada jeclayn, waa Abwaan Xasan Sh Muumin Gorod (Raxmatullaah Calayhi). Waynu ka wada damqannay oo ka wada ooynay geerida abwaanka. Waxase dadka aragtida dheer ku noqotay fajacsiyo iyo yaab, in Hargeysa iyo dalka ay u taliso ee Somaliland , si heer qaran ah looga xusi waayay geeridiisa.

Waxaynu dhagaysanay madaxweynaha Dalka Somlailand oo ka ticsiyaynaya geerida Abwaanka. Hadalkaasina wuxu madaxweynuhu ku sheegay inuu Abwaan Xasan Sh Muumin (AUN) ahaa Abwaankii sameeyay, heesta astaanta u ah calanka Somaliland . Hadana maynu maqal madaxweynaha oo amraya in calanka hoos loo dhigo, isagoo lagu sharfayo abwaankii keenay heesta calankaasi.

Nasiib darro calanku wuxu ka ag babanayay kuwii gumaysiga markii tacsida Abwaanka loo barooranayay. Sidii laga yeelay Abwaankii kale ee qaaliga ahaa ee CABDILAAHI QARSHE (AUN), ee maydskiisa loo qaaday dhulkiisii Hooyo, calankana hoos loo dhigay, ee Madaxweyne Cigaal (AUN) ka yeelay. Si la mid ah ayaan ka sugaynay in laga yeelo Abwaanka Abwaanada XASAN SH. MUUMIN (AUN). Macal-Asif, Taasi ma dhicin, waanan ka madluunsannahay.

Hadal iyo Murtina waa, Hadayna Laahu.


Qofkii u baahan inuu wax Comment ah ka sameeyo qormadani iyada ah iyo dhammaan qoraaladeena oo dhan, waxan ku martiqaadaynaa, bogga yar (Blog),ee aynu u samaynayno in loogu doodo xuquuda Danyarta Geeska Afrika (HiilDan), oo hadhowto noqon doona Website weyn oo caalamiya.
Khadka ad Blogaasi kal heli kartiina waa: http://hiildan.wordpress.com/


Nabad iyo Caano

Cabdiqani Yuusuf Caateeye

hiildan@yahoo.com

No comments: