Thursday, December 27, 2007

Xisaabta Mar ii soo Celi.

Wali waxan ku qasbanahay inaan madadaaliyo SAHRA-Haldhaa/Shara Suubban/Sahra-Awdal, anigaana isku xil saaraye, cidna iima xil saarin. Shaqsi ahaan dadka intii dan iyo muraad ii lihi way ogsoonyihiin emailka laygala soo xidhiidhi karo oo ah ; hiildan@yahoo.com iyo Forumka an ugu jeclahay ee Saylac Forum, oo ka mid ah saylacnews.com iyo waliba Addresskayga oo ah: 52 Russell Road , London E16 3QS , iyo Telefoonka gurigayga ee 020 7 4763610. Kuwa iisoo diraya emailada riqiiska ah ee faro ku tiriska ahna waxan leehay, "halkaad iga daydaydiyo, halkaan dagay kala durkee, Ilaahbaa deeq baxshee, dulmiga Awdal ka daa......"!!!!!

Dadka an intaas igala soo xidhiidhi karin, hadana wada xasad iyo xinnato, ee wareerinaya shabakadaha Awdal iyo Somaliland , ee xag-xagasho wada. Aniga Ilaahaybaa I dilayee kuwaas uma diyaar ahi, wakhtina uma hayo, mana karo inaan la yoon-yoontamo, xagaygana waxay ka yihiyiin XAYE-LAAWE, iga galay xabaal oo iga dhintay, oo marnaba xaallayni maayo.

Imikana Sahra-Awdal, waxan u dhiibayaa, maansada iyo waliba heesta an laxanka yaabka leh u saaray ee an ugu magac daray Xisaabta Mar ii Soo Celi


XISAABTA MAR II SOO CELI

Xeer la dhigay iyo
Xaq la dhitaystayba
Xaal nin yaqaanaa
Xurmo la weydiiyaaye
Xishood nimaan lahayniyo
Xaye laawe xaggayga
Xabaalbuu ka galayoo
Xaallayniba maayo¢e
Waxanse u xiimayaa
Inta Xaq-dhawrka lehee
Xaaraan iyo xalaalba
Kala xeerin labadaba¢e

Xalay roobkii da¢ayee
Xayska dhigay saakana
Xawleleeyaay laagihiiyeey
Xareeduna qulqulayso
Xoolahani ka oomaniyo
Aadmiga xeebsan harraad
Xasiid la goostiyo wali
Xangeeyna an helin
Waa xog aanan garanine
Xaajadeedu maxay tahay?.

Ma xujaa Adduunyadu?
Ma xeel baa ayaamuhu?
Xadiis miyaa odhaahdu?
Hawraartu xajiin miyaa?
Xaqiiqdu ma aramibaa?
Ma xeeliga baddeeniyo
Buuraha isku xidhanbaa
Xikmadii eebe ku taagiyo
La xadreeyay sir gooniya?

Adaan kuu Xil saaroon
Sahraay kaala xidhiidhiye
Xabiibtiday gacalisooy
Xisaabta mar ii soo celi
Cabdiqani suldaan Yuusuf suldaan Caateeye suldaan Faahiye

London UK

HiilDan

hiildan@yahoo.com

1 comment:

Anonymous said...

Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com