Saturday, December 29, 2007

Ergo l - Markii Arimuhu Gadhaan Casaan; By Omer fahiye

Waxa wali ii socda Ergo l Hadana qofna ma oga inuu meel qaldan taaganyahay. Haduu qofku qaladkiisa garan waayo wuxu halis u yahay inuu ku dhaco qalad kale; mid kale iyo mid kaleba oo markaa qaladaadkiisu wuxuu ugu ekaadaa wax caadi ah, waxa la yidhi waxaad barataaba waa baaskaa.

Dhaqanku wuxuu lahaa calaamooyin iyo (red lines), markii arrimuhu gaadhaan casaanka:


durbaan wariyey lahayd
xeer hakiyey lahayd
halyay taliyey lahayd
bulsho hareerataagan bay lahay
dabar iyo hogaan iyo
garsoor hufan bay lahayd,

gaf kasta oo dhaca hab loo mareeyo ayay lahayd markii la tuuray rukumadii dhaqanka waxay sheekadu noqotay (DHIDARKII KU KACAY DALAB DOC KASTAAB WAA U TOOS),wax alaale wixii sax ama hagaag loo yaqaanay qalad buu noqday,wax alaale wixii qalad loo yaqaanayna sax ayuu noqday.

Sheekhnimada khamiis cad uun baad u baahantahay inaad xidhato qofka ugu horeeya eekaasoo horbaxa ma Sheekhiibaa haduu ku yidhaahdo markaa laga bilaabo Sheekh baad tahay xataa inaad malcaamad quraan gashay qofna makhusayso. Suldaanimada dukaamada lagu iibiyaa, inta sultaan suuqa taagan yaab ayaa ku dhamaanaya kuwii la yaqaanay mid kama joogo ama uu dhintay ama meel u ka cidhiidhsado ayuu waayay ama lafihiisa ayuu u xishooday.

Waxaan ogahay intii Caaqil ee mushaahara ka qaadan jirtay Ingriiskii ma dhamayn toban imikana laf hoose ayaa leh toban iyo ka badan, taasi waxay lumisay hogaankii toosnaa ee aan ku soo dhaqanay qarniyaal. waxa abuurmay khilaafka taagan yaa wax xukuma oo yaa la xukumaa? markaa waxa qoonmay kala dambayntii, cadaaladi iyo is xukunkii.

Qofka waxa lagu qiimeeyaa inta uu maalintaa qaadka ka bixin karo. noloshu way adagtahay dadkuna way isku sii eedeeyeen, oo waxay doorteen inay been ku noolaadaan, noloshii miyiga oo u ahayd dhamaystir ka magaalada, ee marka u saaka keeno neef xoola ah suuqa ama caano ee u iibiyo dilaalkuna ka helo quud maalmeedka oo isaguna reerkii u gayn jiray rashin - way xidhantay. qofka wax soo saara ee u halgamaya noloshiisa boqolaal baa darfaaha haysta oo wixii u soo dhididay fadhiga ku cunaya markaa isaguna wax fiican kasban maayo iyaga wax ma wada tari karo.

Dadku waxay waqtiga intiisa badan ku lumiyaan hadal iyo fadhi loo balamo si loo qayilo. Markii aan dhawaaan booqday dalkii oo aan muddo ka maqnaa wixii an arkay wuxu ahaa wax anaan filayn oo madaxayga rogay, waxan maqaalkayga ku soo xidhayaa maanta, talo aan dadka leehay wax badan oo la qabsan karo ayaa jira ee madaxu hashaqeeyo. waxaad ka maarmi kartaan boqol dollar oo dibedda laga soo diro ee talo is weydiiya, fadhiga badan dhaqdhaqaaq ku beddela, khilaafkana isla shaqayn wax tarleh ku bedela.

Borama waxa yaalaa meel walba wuu yaalaa ee ka baadigooba, nolosha miyigu waa laf dhabar lagag maarmi karo duliga magaalada ee ha u daymala`anina, qofku nolosha isagaa samaysta ee wax ka sugidda dawladdu waa waqti lumis ee isku tashada, dawladdu iyadaa dadka u baahan ee ula macaamila sida ay tahay.

Omer Fahiye
omerfahiyeh3@gmail.com

1 comment:

Anonymous said...

Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com