Saturday, December 29, 2007

Guubaabo - Elmi Ahmed (Montecarlo)

waa in aan guntiga dhiisha iskaga dhignaa hadaan nahay beesha makadoor samaroon .halganku maanta ayuu bilaamay.

sida la wada ogsoon yahay madaxweyne daahir rayaale kaahin wuxuu noqday ninkii ugu horeeyey ee dimoqraadiyada barra ummadda reer soomaaliland.

hortii ma jirin nin sameeyey doorasho xalaal ah.waana casharkii ugu waynaa ee loo dhigo qabqablayaasha dagaal ee ku habsaday ummadda soomaaliyeed.

waa iin aan maanta hadaan nahay makadoor samaroon aynaan u kala hadhin sidii uu waligiis rayaale u joogi lahaa guriga madaxtooyada ee ay ragga qaarkiis u waasheen.

makadoor samaroon ha midoobo ha is raaco ha guulaysto. degaankaygu waa lawyacade ilaa agamsaha oo kala badha gabiley iyo arabsiyo ,ilaa diridhabe dhinaca kalana ilaa bulaxaar.

haddii daahir ka tego kursiga, makadoor wuxu ku dhawaaqi doonaa xukuumad ka madax banaan soomaaliland.

Siyaasada Somaliland ee Reer Awdal ayeyna noqon saddexdii nin ee u heshiisay ninka neefka adhiga ah iib keenay.

Nin fayow oo wata neef adhi ah (Wan) ayaa magaalada yimid si uu wanka u iibiyo.

Saddex nin ayaa u heshiisay waxay ku tashadeen in ninkan miskiinka ah ayka dhigaan nin waalan oo aan kala garanyn neefkan uu wataa inuu yahay "Ri" iyo inuu yahay "Wan"

isagoo kusii aadan dhinacaa iyo sayladii xoolaha ayuu ninkii kowaad ku hor yimid markaas ayey is salaameen oo ninkii neefka watay ayaa yidhi wankan ayaan iibgaynayaa oo aan rabaa inaan waxooga lacag ka helo:

markaasuu ninkii rabay inuu ninka waalo ayaa yidhi waar waxan aad wadataa waa "Ri" ee ma'aha "Wan" markaasuu iska dhaafay.

neef wate ayaa dib u eegay "Wankiisii" oo iska soocday.

ninkii labaad ee heeshiiska ku jiray inay ninka neef wate waalaan ayaa ka hor yimid sidii oo kale ayuu ugu yidhi neefkan aad wadataa ma'aha "Wan" ee waa "Ri"

neef wate oo wareeray oo kala garan la'a neefkan uu wataa inuu yahay "Ri" ama "Wan" ayaa kii saddexaad ka hor yimid. markaas ayuu neef wate waydiiyey waar waxan aan wato oo aan kala garanyn inuu "Ri" yahay iyo inuu "Wan" yahay ayaan iib gaynayaa.

markaasuu ninkii sadexaad intuu qoslay ku yidhi "waar waa Ri waxan aad wadataa"

neef wate sidii ayuu ku khal khalay oo uu kala garan waayey inuu Ri wato iyo Wan wato.

ayeynaan is wareerin. nin walowba neefka aad wadato waa neefka aad wadato ee aan isla fahano danta guud. Kaliya waxa loo baahan yahay in ninkii qaldan la' qabto oo nolol la'isku ogolaado. cadaalad iyo kala danbayn ayaan dhaqan u lahayn ayeynaan is dhabar jabin aan iskaashano.

Kuwa inaga danbeeya aan ka naxno oo wax lagu faano aan u qabano.

makadoor ha guulaysto

Elmi Ahmed (Montecarlo)
London, UK
elmi545@gmail.com

2 comments:

Anonymous said...

Jawaabtii guubabo Makadoor
walaal Cilmi {Axmed Montecarlo}
salaanta Islaamka iyo ta Samaroonka ka dhaxaysaan kugu salaamay, Cilmiyoow midnimada lagu waayey Samaroon ee aad ku raadinaysaa Makadoor maxay tahay?

waxay somaalidu ku mahmaahday [xiniyo maaha kuwaaga ee waa kuwa lagula garab joogo]

Makadoor madi ma'ahayn geeridu ha ilawdee Habarcafaani mee?

markaad bilaash xaytayaasha Issaq ka ama la hadlaysaan Samaroon dhaghaygu ha maqlaan

Sanad cawan oo wanaagsan ayaan idinka rajeynayaa

Hassan Mohamud

Anonymous said...

Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com