Friday, December 28, 2007

Xaalkeennu Waa CAADDA.

“Dhacdadii u dambeysay markii askar beeleedkii shaadh ka S/land sidatey iyo beelihii dhulbalaadhsigii la jabiyey in Hargeysa laga soo direy ciidamo. Kuwaas oo loo qaatey ciidamo dhexdhaxaad ah laakiin si kidis ah ragbadan nooga laayey, Waana godob aan u hayno mamulka S/land gaar ahaan ina Rayaale. Waxaanan balanqaadeynaa cidkasta oo na dulmida in aan wakhtigeeda la sugayno in aan la'xisabtano”.

War murtiyeedkaasi wuxu kasoo baxay beesha Bahabar Muuse (Samarroon); oo ka mid ah beelaha ugu miisaanka weyn Samaroon oo ka hadlayay xaalada Degaanka Caadda ee Gabiley. Bahabar Muuse, waa Beel xaddaarad qadiimi ah ku fadhida, lehna dulqaad aad u weyn oo an marnaba ku horreynin daandaansiga. Waana beel hadii dul qaadkaas laga far marooojiyo oo la daandaansado, la hubo inay naftooda hurayaan, sida Libaaxdana u dagaalammi doonaan (Allaha sahlo Libaax seexday, niman salaaxeene). Isla markaana la hubo inay heli doonaan taageerada Beelaha Samaroon oo dhan.

Hadaba guurtida u xilka Qaran ka saaran yahay xasiloonida Somaliland, si loo kala badbaadiyo dagaal weyne dhex mara Samarroon iyo Isaaq, oo keeni doona dhammaanshaha Somaliland . Waxay ila tahay in sida ugu dhakhso badan loogu soo celiyo beesha Bahabar Muuse, xaqooda ka maqan, ee marna shaadh dawladeed loogu soo qaadanayo, marna shaadh shicib loogu soo qaadanayo. Raga laga laayayna, cidii laysay halla soo taago sharciga oo amma halla dilo ama deg-deg ha loo bixiyo magtooda iyo xaalkooda, oo toban laab ah.

Madaxweyne Daahirna waxan odhan lahaa SHAME ON YOU: Bahabar celi ayaad ciidan Ciisa ah ku dul haysaa dhulkoodiina laga sii durkinayaa, oo ceelashii iyo beerihii adeeraday ayaad ku haysaa cidhiidhi. Bahabar Muusana waxad ku dul haysaa ciidan Jibriil Abokor ah oo maalin walba xaalkoodu kusii socda xaalada Falastiin. Awdal oo dhan ayaa noqon doonta Falastiin, haddii ad sidaas wax ka badali weydana, taariikhda Awdal, meel xun iyo baal mugdi ah ayaad ka gali doontaa. Lagama yaabo inaad maanta noo baahantahay, waxanse kuugu bishaaraynayaa inaad noo baahandoonto, kuna danbayn doonto sida odaygii yidhi: “maantoo an talo hayo, tamar ma hayo, maalintaan tamarta hayayna, talo ma haynin.

Haddal iyo dhammaan; gudida xidhiidhka ee Beesha Bahabar Muuse, baaqooda waxay ku soo gaba-gabeeyeen sidan: "Haddaba dhamaan Golayaasha iyo muwaadiniinta jecel nabadda iyo cadaalada waxaan ugu baaqaynaa in ay arrinta CAADDA wax ka qabtaan intay goori goortahay.Waxaanan caddeynaynaa haddi xalkale oo caddaalada la waayo in aan dhulkayaga udhimanayno annagoo mabsuuda". Xaqiiq waa ay u dhiman doonaan dhulkooda iyagoo mabsuuda ah waana ka dhab, waana Bahabar Muuse.

Sidaa daraadeed ballanteena iyo Xaalkeenu Waa CAADDA.


Cabdiqani Yuusuf Caateeye


HiilDan

hiildan@yahoo.com

1 comment:

Anonymous said...

Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com