Tuesday, December 25, 2007

Gabaygii Salal - hiildan

Inta badan waxan u heesaa gabadh la yidhaahdo Sahra-Haldhaa oo ku jirta Forumka Saylac, ahna gabadhii an u sameeyay albumka SOO SOCO INAABTAAY. Sida qaalilbka ah, haddii aan shaaca ka qaado sirta an ka wato SAHRA. Aniga xagayga, Sahra Haldhaa/ Sahra-suuban , waa AWDAL, waana Awdaltayda. Waa Awdal oo an madadaalinayo, marna ku cabanayo, marna ka cabanayo, marna canaananayo, marna caashaq iyo iyo jacayl an ula ciir ciirayo. Maantana Shara waxan u dhiibayaa maansada SALAL, oo xitaa noqon karta Hees:


SALAL
Salal bay naftaydani
Seexan wayday jiifkoon
Saqda dhexe habeenkii
Sagaal jeer u toosaaye
Sahraay sabaanadan
Si kastooy ahaatiyo
Saadaashu waxay noqotaba
Waxbaa leh Salalage
Seeduhuu jacaylku
Saaqay waa horiyo
Caashaqii ii sirayee
Sawaxankana i baday
Sahwi kaloo ii dheeroo
Sasme an ka qaadaan
Saakana kuu wadaaye
Adna Saablayda jidhkiyo
Qalbigaaga ku soohoo
Soowtkaan ku leehay
Gacaliso ha Sii dayn
Sooyaalka taariikhdana
Ku xafid Sadaradaydan
Suubban hooyo labo
Sabiyooy wada dhashay
Sagaal ku siday calooshoo
Sarartiyo adhaxda saartay
Samaalana Aabahood
Socodkiyo baray asluub
Sufraarkana u dhaansaday
Saxariir inay mudan
Suurad iyo markay jimidh
Sinmeen cudadahoodu
Wixii laga sugaayiyo
Sooba celin waa abaalkii
Siibe xididikii dareenkiyo
Sumacadii kalgacalkeey
Isku sideen walaaluhu
Sadna u lahaa waalidkuye
Iyagaababa isku sara kacay
Isku sita seefiyo waran
Sun iyo boog qaraxdiyo
Isku noqoy sokeeye waabay
Gacalnimadii sabooshoo
La seg-saag geyaankiiye
Subunise laguma iibsadoo
Saanad weeyi xishoodkuye
Isagiina la wada siibye
Waxana laysku Sirayaa
Annaa kaa Sarreeyiyo
Sadkay layma siiniyo
Mid kalaa la sasabaaye
Salka iyo guntooduna
Waa saxal madooboo
Kuwani is wada sudhan
Midna Subag ma culanine
Surintoodu waa mugdi
U sidnayn siraade
Soonahdoodana sabooliyo
Caydhu waa saaxiibe
Hadana Saraawiiliyo
Suut rag kalay sitaan
Isku moodaan Saraakiile
Saadkay soo ergisteenna
Marka laga siibi doonee
Sanka ciidda loo dari
Saacadeedu ma dheeree
Waa waxay sameeyaan
Sarriigi maayo murtidee
Soohdin waxn uga dhigay
Waxba yay qaar Sillooni
Sibiraha igu Jiiddane
Sidoodana i moodin
Xadhig lama sitaane
Subxaankaan ka magan galay
Xumaan la susubiyaaye
Siiga bul balooy baydh
Sixirka xasadku reebban
Saaxirka xinkuna raaran
Saarka Iblaysku rogan
Ka Rooxaantuna Saarane
Salaawaad calaa Nabi
Suuradaha Quraankiyo
Saatirkaan wakiishaye
Safka Jinka kuma Jiro
Adna Sahra Haldhaayeey
Sacadiinoo xoroowdiyo
Saylacoo calanakii
Saafigiiyee buluugee
Sudhan yahay dusheedaa
Sahandabe la Arkiye
Waa Innoo Sidaasi



Cabdiqani Yuusuf Caateeye

HiilDan

hiildan@yahoo.com

1 comment:

Anonymous said...

Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com