Tuesday, October 16, 2007

Taagan Daba Dheer, Talo Maxaad U Haysaa?

Waxan jeclaystay inaan jawaab saaxiibnimo an uga celiyo saaxiibkay C/Naasir Xasan Tukaale, murtidiisii qiimaha iyo qaayaha badnayd ee:

"Taagan Daba Dheer Talo Maxaad u Haysaa?"

Waxan xusuustaa inaan mar dhexdaasiya ka codsaday C/Naasir inuu kusoo celiyo Murtidiisaas dhaxal galka ah. Mar labaad ayuuna C/Naasir ku soo celiyay oo la odhan karo waa markii ku habboonayd.

Aad iyo Aadbaan kuu salaamay aa Mr Tukaale; Taladayduna waa Sidan ku kooban tixdan an ugu magac daray , TUNKA XIG HALLOO SUDHO:

C/Naasir Tukaaloow
Tahniyadiyo Marka hore
Salaan ah Taaj Sariyo
Duco Tuullan iga hoo
Marka Xiga Tubteediyo
Toobiyahay lahaydba
Murti adaa ku Toosiyoo
Turxantana u diidaye
Markaninna Taagtay
Tamartayda Aniguna
Tusmo Qoraaliyo
Talo aan ka Dhiibtee
Haddaan Tiico Cabdoow
bi’i waaye bal ila Tiiri
Tafiyo Labadan Turuq. (waa Bakaylaha iyo Dabagaalahee)
Waxba Tafeeno is dhaamin
ee hadana is Tir-tiraaya
Quduro Taasi weeyiye
Miyaa Laysku Tafaafulay?
Taahiyo Mayska daayaan
Tuhunka Dhammaaniyo
Tawaawacani hadhaynoo
Ku Tuntuunsadaan Dantooda?
Miyay Taariikhda Duugee
Soo Taxnayd Abiidiyo
Tusaalooyinka Qoraniyo
Tilmaamaha Raacaan?
Togagaa hareer xigiyo
Tuuraha may Jalleeceen
Inta Teetsan Dugaagiyo
Cadaawe aan u Tudhaynin?
Bal inay Tabcaan yihiin
Miyay Tabaha loo dagiyo
Xeeladaha Tashiishaan
Tamartoodana Hubiyaan?
Taakulayniyo hadday
Tuuraan Wada -Tashiga
Tafaraaruq ha ogaadaan
Tahartoodaa ku madhane
Waxba Yuu ila Taraarine
Waxan ku Tu’iyay Hadalkii
Bakaylahan Tallamayiyo
Dabagaalaha Toocsaday
Tafiirtani Ilma Tarbiyee
Tarankana wadaagti
Tanaasul iyo hadayba
Tawfiiqdaba diidaan
Tumaatidiyo wadaana
Taf wareenka dhexdooda
Taladaydu waxay tahay
Waar Intaba halla Tumoo
Tiinkii Boon ku yiilliyo
Tunka Xig halloo sudho.
Maacaleesh Tukaale!!!!

Mar Labaad Hambalyiyo Salaan Mudane Tukaale kuna Ciid Caafimaadsan.

Nabad iyo Caano Aynu ku Ciidno

Abdiqani Ateyeh
London UK

hiildan@yahoo.com

No comments: