Monday, October 15, 2007

Madaxweyne Ku-xigeenkii Hore ee Somaliland C/raxmaan Aw Cali oo Socdaal Gaaban ku Yimid Magaalada Boorama

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Soomaaliland C/Raxmaan Aw Cali Faarax oo mudo labo beri ah ku sugnaa magaalada Boorama, ayaa siyaasiinta gobolka Awdal mucaarad iyo muxaafidba u nisbaynayeen inay la xidhiidho loolanka siyaasiin badan oo reer Awdal ahi ugu jiraan tartanka musharaxa madaweyne ku-xigeenka ee xisbiga Kulmiye.

Socdaalka Cabdiraxmaan Aw Cali, ayaa sida wararku ay sheegayaan la xidhiidha wado hadalo uu la yeeshay dad badan oo taageersan inuu isagu ku guulaysto tartanka ka dhex socda xisbiga Kulmiye iyo isaga oo uga waramaya taageerayaashiisa xaalada guud ee uu wadanku marayo. Waxa kale oo wararku intaa raacinayaan inuu socdaal gaar ah ku tegay beer uu ku leeyahay galbeedka magaalada Boorama.

Dhinaca kale, waxa magaalada Boorama aad looga hadal hayaa hadalo kulul oo uu ku weeraray madaxweyne Daahir Rayaale, kuwaas oo ka mid ahaa khudbad uu dhawaan uu ka jeediyey soo dhaweyntii Ismaaciil muumin Aare oo ah siyaasi cusub oo dhawaan ku biiray xisbiga Kulmiye, sida wararka ay sheegayaana Ismaaciil wuxuu ka qayb galayaa tartanka musharaxa ku-xigeenka ee xisbiga Kulmiye.

Socdaalka Mudane Cabdiraxmaan Aw Cali oo ay ugu dambaysay imaatinka magaalada Booram wakhtigii lagu jiray tartankii doorashooyinka Golaha Wakiilada, ayaa siyaasiinta gobolku ka bixiyeen darayno kale duwan, iyada oo dadka qaar wali xusuusan yihiin doorkii uu ka ciyaaray inay xildhibaano badan oo ka mid ah xibiga kulmiye ka soo baxaan gobolka Awdal.

Xildhibaanadii reer Awdal ee ku soo baxay xisbiga kulmiye, ayaa sida la ogyahay ku noqday laf dhuun gashay maamulka Madaxweyne Rayaale, iyaga oo qaar ka mid ahi horseed ka ahaayeen mooshanadii Golaha wakiiladu ku daadifeeyeen miisaaniyad dalka iyo labadii xubnood ee ka mid ahaan komishanka ee ay Golaha Wakiildu diideen inay ansixiyaan.

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Aw Cali, ayaan wax tafaasiil ah oo ku saabsan socdaalkiisan gaaban ee uu ku yimid magaalada Boorama ka siinin saxaafada gobolka. Dad badan oo ku dhaw dhaw C/raxmaan Aw Cali, ayaa dhinaca kale aaminsan in imaatinkiisa Boorama uu mar walba xukuumada Rayaale iyo maamulka Gobolkaba ku yahay culays, sida darteedna la hawl galiyo ciidamada sirdoonka iyo kooxo kale oo la shqeeya dawladda sare.

Waxayna tibaaxeen isaga oo si degdeg ah u soo galay, ugana baxay magaalada si loo yareeyo shanqadha socdaalkiisa. Dhinaca kale Cabdiraxmaan Aw Cali oo waayadii hore lagu yaqaannay inuu dadweynaha Boorama kala qaybgalay farxadaha ciidaha, aroosyada iyo aaska macaariifta, balse waayadaan dambe aan lagu arag magaalada, ayaa dadka qaar u qaateen in imaatinkiisa Boorama la mid yahay socdaaladadiisii hore ee uu ku iman jiray magaalada munaasabadaha ciidaha.

Maxamed Cumar - Hyena - (harowo.com)

Source: ahmed_othmanaden@yahoo.ca
Email: moshimu@hotmail.com

No comments: