Monday, October 15, 2007

Sokeeyoow maxaa dan ah?

jawaab ku socota dhallinyartii u kala safatay Maxamad case iyo Makaahiil

waxaan aad uga xumaaday oo aan u arkay arrin ayaan darro ah qoraallada laysugu jaawaabayay maalmahii u danbeeyay ee dhexmarayay qaar ka mid ah dhallinyarteenna, oo ahaa qoraallo aad u foolxun oo dad badani walaac ka muujiyeen, maxaayeelay waxaa doqonniimo ah dunida oo maanta qaarad qaarad u midoobaysa in waraafinta lagu arko labo qowmiyadood oo nasab , dhul iyo diinba wadaaga oo la kala dilayo oo dad aan labada dhinac midnaba matali karini ay fitnad iyo xumaan ka dhex abuurayaan , walow aan rajaynayo inayna marnaba qowmiyadda reer


Sh makador ( Maxamad Case &Makaahiil) dheg u dhigi doonin hadallada aan la garanayn meel ay ka yimaaddeen iyo cid soo qortay toona ee looga danleeyahay in lagu kala fogeeyo dad aan waligood kala fogaan karin.qoraalladan oo ay dhallinyar rag iyo dumar lihiba ka qayb qaateen hurintooda ayaan aaminsanahay inay yihiin kuwo loogu talo gelay in fitnad aan loo baahnayn lagu abaabulo , haseyeeshee beelaha Samaroonka waxa caado u ah oo lagu yaqaan inay yihiin dadka ugu deggen caalamka ama qunyarsocodka geeska Africa,

maxaayeelay waa shacab duqaydooda ka danbeeya sidaa darteed anigu innaba kama cabsi qabo ugu horrayn inay qoraalladani saamayn ku yeelan karaan dadkeenna.si kastaba ha ahaatee waxaan muran ku jirin in beelaha Maxamad Case iyo beelaha Makaahiilba maanta dulmanyihiin, arrintaasna ay kaga gudbi karaan inay gacmaha is qabsadaan oo ay danahooda iyo xuquuqdooda si wada jir ah u raadsadaan,

waxa kale oo aan aad ugu mahadcelinayaa walaalkeen Xaaji C/Qani Caateeye oo talooyin fiican u soo jeediyay qoreyaasha iyo maamullada websiteska wadaniga ahba oo kula dardaarmay dadka wax soo qora inay si caafimaad qabta u hadlaan saxaafaddana kula taliyay inay ka qayb qaadato dhismaha dalka ee aanay dib ugu soo jeesan burburintiisa,, haddaba aniga oo aan hadalka sii badinayn waxaan jeclahay inaan idinku dhaafo maansadan hoos ku qoran oo guubaabo ah oo aan bari hore ka tiriyay dhacdo noocan oo kale ah oo dhex martay dhallinyar website reer Awdal ah ku murmaysay oo u kala safanaysay beelaha Makaahiilka iyo beelaha Maxamad case waxaanan jawaab ahaan ugu celiyay nin sxbkay ah oo Cilmi Cadaawe la yidhaa oo isagu nabadoon ahaan u dhex gelay dhallintaasi islamarkaana aannu ku wada guulaysannay inaannu qaboojinno fitnaddii iyada ahayd :
siinlayda maansadu:
anigoo saqiirooda`ahaan sideed jira
ayay igu sugnaydooncalankeeda sidi jiray
hadba dunidu siday tahay
waanigii sawiri jiraysidii muuse qalinliyo
sayidkii cubeesh
(1) baantixaha u sargoyn jiray
soomaali iyo carab
sanku neefle oo dhami
marnaba ima saluugayna
nigaase saydhoo
maalmahan ka saahiday
deeq saatir bixiyiyo
suugaantu waa hube
afartaa salkii iyo
ka dhig seeski jiiftada
sowt kalena wuxu yahay
saaxiib caddaawoow
marka hore salaan mudan
siinad iyo wanaag badan
Marka xigana siinlay
saaxiib caddaawoow
suuban maansadaadiitixdii
saajaca ahayd
helay sadarradeedii
markaad danaha samarroon
ku salaysay sheekada
farxad baan la sarekacay
aad baan u sacab tumay
saaxiib caddaawoow
suugaanyahan tafaad tahay
siyid loo bogaa tahay
suldaan la isku raacoo
sokeeyaha u rooniyo
sawjar qiimalaa tahaycilmow
samankan maanta ah
samarroon dhammaantii
nimu sugayay baad tahay

soohaye jawaabtii
afartaa Sanca u dira
saaxibboyaaloow
iga hooya sood kale
dantu way salguurtoo
waxbadan bay silloonayd
suruqdooy madoobayd
seegtay marinnadeedii

waxaan uga socdaa taasamankii innaga tegay
cahdigii Siyaad iyosoddonkii gu` ee hore
samarroonku gabigiiSubeer noo koryeeliyo
silic buu ku noolaasiyaasigi markaa jiray
samarroonku aaminayseetadaa u gaabnayd
duruufuhu ma saacidinseeftii kacaankiyo
sallid baa hortaagnaawaa su`aal la yaablee
maxaa sobobay waagiiSiyaad inuu Jibriil

(2)dilo: isagoon samayn qalad?
sikastaba ha noqotee
taliskii sidaasaa
dabadeed la sayn goo odaygii Siyaad iyo
lawaa samatarkii
siideete siifad kulul iyo
soomaali layn iyo
wax ka siixun baa yimid
waxan uga socdaa taa
saadadan la quudhsaday
laga saaray maabkiyo
runahaan Sagaal iyo
Saddex baan ka dhiidhiyay
seexan waayay awgeed
waa saami ceebeed
iyo soor dugaageed .
waa siyaasaddeeniyo
sidan maanta joogtee
saaxiibboyaaloow
sirta ma ila garateen ?
malaha waa si kale oo
maddiiday na sudhanoo
sixir bay na taabtee
suuradaha Quraankiyo
akhriya sadarka Yaasiin.
Allow sahal amuuraha
hanna seejin garashada
Saylac ha u horraysee
Allow sabadka noo dhowr
ka jir saaqid iyo tuug
dhibaatana sideedaba
Saxar ha u yaraadee
saatiroow ka nabad yeel
afrtaa sifeeyaye
sood kaleeto wuxu yahay
saaxiib caddaawoow
sidii aad hore u tidhi
saadaashu waa khayr
saakay u rooontahay
hadduu waagii soo baxay
wuu midoobay samarroon
saaxiib caddaawoow
xalaybaan saq-dhexe kacay
waa la igu soo degay
sabadkeenni roob iyo
sareedaa hadhaysoo
samadaa irmaanayd
sabi iyo haweeniyo
dhallintii la sugay
iyooday soo jireenaba
saf qudhaa la taagnaa
waxan uga socdaa taa
faal san baa innoo baxay
jidku saani weeyaan
siinku waa kor dhabanyahay
su`aashuna waxay tahay
sokeeyoow maxaa dana

(1) Muuse qalinle : waa abwaan reer Awdal ah waxaana lagu xusuustaa tartanklii uu abwaan timacadde alle ha u naxariisto dhammaantoode uu kaga badiyay.Cubeesh: ARAYE Cubeesh,waxa uu ahaan jiray gabyaa reer saylac ah oo aad u can ahaa qarnigii 19aad iyo kii 20aad billowgiisii alle ha u naxriistee

(2) Jibriil : waa dr.Jibriil Aamin waxa uu ahaa nin culus oo reer Awdal ah waxa uu ahaan jiray dhakhtar aqoon sare le haystana shahaadada PHD, ugu danbaynna waxaa loo magcaabay xisaabiyaha guud ee wasaaradda caafimaadka waxaana ugu xigtay in lagu eedeeyay weecsashada hanti qaran(xisaabi xil male) 1976. iyada oo uu waxa lagu haystayna ahaa kharash fudud oo iska bixin karayay wallow uu been abuur ahaa haddana laga diiday.

Axmad Ibraahim Axmad
axmad_guray100@hotmail.com

No comments: