Marka hore waxaan ku bilaabay magaca eebe (SWT), sharaf iyo maamuusna waxay u ahaatay nabigeenii suubanaa Maxamad binu c/laahi (SCW).
Intaasi ka dib qormada aan qalinka u cuskaday doorkan ayaa ah mid taxane’ah arimo door ahna xambaarsan, kuwaasoo mudan in xal loo helo waajibna ka saaranyahay qof kastoo wadaninimo ku dheehantahay jecelna horumarka gayiga iyo dadka uu u’nisba sheeganayo,
Si darxumada iyo silica ba’an ee ina hor yaala aan uga xuub siibano.
Qodobadan hoose ayaan shiiska saaraynaa si bal aan u ogaano hadiiba aya jiraan wax caqabado ah oo ku gedaaman oo horumarka gayigani ragaadiyey.
- Taariikhda
- siyaasada
- wax barashada
- kaabayaasha dhaqaalaha
qodobadan ayaa ah kuwo muhiimah oo aan is idhi way mudanyihiin in gole la horkeeno si garre iyo guntanaba (rag iyo dumarba) arin iyo gorfayntiisa la kowsado ileen horaa loo yidhi “ama talo keen noqo ama talo raace”
qodobadan ayaa salka u ah “qormadaydan hawraarsan” waxaanse, kala sheekaystay “Awdal laftarkeeda” mar aan ku kulanay gole ka mida goleyaasha lagu caweeyo, u jeedadayduna ay tahay inaan ogaado waxa ay Awdal tabayso ee ka maqan iyo waxa u suurto galay intaba
Ileen ruuxwalba wixii dhibay dhafoorkiisuu ka muuqdaay, waxaase ii cadaatay doorkan inay Awdal guuxaysay oo aad u cadhysnayd markii aan golaha isugu nimid kulankana xiqiiqdii uu ka duwanaa kula madayadii caadiga ahaa waayo kani way i soo fariimaysay (Awdal) intaas waxaa garab socday dardaaran aan kala go lahayn oon aan halkan uga shaacinayaa dhalintii bogcadkeega ku soo barbaaray ee doc-joog & qurba-joogba’le, waxba yaanan hadal idinku daaline sheekadii aniga (Mukhtaar) iyo Awdal na dhex martay waxay ku bilaamantay sidan:-
Mukhtaar “awdalli”:- ciidaydiiyeey !! waxaan sanooyin badan ku dakeeyay guudkaaga waxaanad dhaxal u leedahay taariikh raagtay oo soo jireen’ah bal waxaad xoogaa nooga garoocdaa taariikhdaada iyo ta dadkaagaba?.
Awdal:- ku ajiibay wiilkaygiyoow!! Aniga iyo dadkayguba waxaan leenahay taariikh balaadhan oo aan halkan ku soo koobi Karin balse hadaan wax ka taabto ,
Waxaan ahaa dawlad, baarlamaan, dastuur, ay hay’aad keegu kamilnaayeen waana xiligii aan marti galiyay boqortooyadii (Adal empire) oo ahayd iftiinka kalihaata ee ka baxaayay geeska Afrika xiligaas taas oo sobobtay inay igu soo hirtaan gaar ahaan dadka soomaaliyeed guud ahaana ummada muslimka ah ee geeska Africa ilaa gacanka carabta.
Boqortooyadaas oo xarun u noqotay beddankayga waaxda ugu da’da weyn ee “Saylac”
Dadkayguna waxay ahaayeen kuwo sharaf iyo magac ku leh baledada kale ee aan ood wadaagta nahay waxaana jirtay in dadkaygu ay ii hiiliyeen caddaw badana iga dhiciyeen gaar ahaan xiliyadii ay i damceen boqoradii mucatab ku dirirka ahaa ee gaaloos (ethiopia) iyo tii Bortuqiiskaba(portugesse conquest) taasoo uu’u ba-bac dhigay geesigii duriyadayda ka mid ahaa ee Imaam: Axmed Ibraahim (Axmed guray) isagoo xidhiidh la lahaa boqrtooyadii muslimka ahayd ee Turkiga.
Wiilkaygiyoow, taariikhda dadkaygu waa mid sal iyo raad ku leh umada soomaaliyeed gaar ahaan qaybta aan dhaco ee woqooyiga soomaaliya/Somaliland, dadkayguna waa dad matali kara bulsha waynta umada soomaaliyeed qaybaheeda kala duwan, waayo waa dad asbaaba dhawr ah u saaxiiba sida:- dad la, dhaqanka, aqoonta, waaya aragnimo iyo bisayl ay u qabaan arimaha maamulka maadaamooy yihiin dadkii ugu horeeyey ee dhul soomaaliyeed xukun adag ka yagleelay.
Hadii aan u gudbo dhinacaa iyo xiligii maxmiyadii ingiriiska ee soomaalida (Somaliland protectorate) waxaan ahaa halkii uu ingriisku ku taamayayin uu soomaali dhulkeeda kadego, sobobtuna ay ahayd halka aan ku yaalo oo ah goob istiraatijiya (strategy territory ) gaar ahaan dhinaca xeebta ee adhaxdayda Saylac si uu isugu xidho saldhigiisa Cadan iyo kan maxmiyada cusub ee dhulka soomaalida, kaasoo xusid mudan in cuqaashaydii xiligaas ee Saylac ku noolaa ay ahaayeen dad u saaxiibah ilbaxnimo dheer marka loo eego deegaanada ku gedaaman, iyaga oo difaacay sumcadayda iyo sharafkayga af iyo adinba intii karaankooda ahaa, maadaamoo waayo aragnimo buuxda u lahaayeen kala danbayn iyo maamulba oo wax kastoo heshiisa oo lagu heshiiyo uu ka dhaco bada guudkeeda iyadoo arinkaas dadkaygu uga gol-lahaayeen arimo waayo aragnimo oo la xidhiidhsanaa ilbaxnimadaasi hore ee ADAL.
Waxaa kaloo dadkaygu ingriiska la sexeexdeen in ilmaha cadaanka ah uuna ku dhalan ciidayda taasi oo ahayd arin siyaasad la xidhiidha ula’jeedadeeduna ahayd in ilmahaasi uuna ciidayda sheegana amaba uu ku ab tirsan, sidoo kale waxaa xudun ganacsi u ahaa qoomiyado badan oo sitay jinsiyado kala duwan, waxba yaaan wiilkaygiiyoow kan iyo keer ku haynine waa taas waax yar oo kamid ah taatiikhda balaadhan ee aan soo koobi Karin ee aan ehelka u nahay aniga iyo dadkayguba.
Mukhtaar Awdalli:- maashaa allaah !! allaylahe waa taariikh guun ah oo dhaxal gal ah Mase jireen xidhiidhyo ama heshiisyo la taaban karo oo aad umada
gayiga ku dhex-dhexaadisay ?
Awdal:- haa way jireen wiilkaygiyoow! waxaan ka ciyaaray door laxaadle aarimaha geeska afrika gaar ahaan dadka soomaaliyeed, waxaase ugu cansanaa heshiishkii seddex geesoodka ahaa ee u dhexeeyay Fransiiska, Soomaalida iyo Canfarta taasi oo ugaaskii saylac oo afar nin (4 nin) oo kabaabula u diray dhinacaa iyo ubukh ( dhulka canfarta ee gobalka woqooyi ee jamhuuriyada Jabuuti ee hadda)Hakaasi oo sulux iyo is afgarad ka dhaliyay siddexdaa dhinac ee is hirdiyayay,waxaa kaloo ergooyin kale oo nabad doona loo diray ismaamulkii xaafuun oo ayaguna sidaasi si lamida nabad iyo waayo aragnimo iga hantay.
Mukhtaar awdalli:- mar hadii taariikhdaasi dahabiga’ah aan lahayd dhulkaygoow la, arkaa in dad badan oo duriyadaada ahi ayna ka war qabin taariikhdaadan halka qaarkalena ay ku dhego barjoobeen taariikho aan sal iyo raad toona lahayn gaar ahaan sabbanka maanta la joogo, ee maxaa talo ah ee aad noo, soo jeedin lahayd cadaydiiyey?
Awdal:- horta waxaa nasiib darro ah oo sun iyo waabay igu noqday hadalka kaaso yeedhay oo ah in ubadkayaga qaar ayan taariikhdayda kawarqabin, waxaase, iga tala ah in taariikhdayda oo dhamaystiran la qoro, waloow aqoonyahanadayda qaarkood wax iga qoreen, si dhaxal ay igu noqoto ubadkayga aad ku sheegtay inay dhego barjoobeen, waayo waxaan ogahay in aqonyahanadayda maanta caalamka wax laga su’aalo, waan se idiin cadhaysanahay waayo waad is fogayseen dhexdiinii oo waad kala socotaan oo waxaad isku noqoteen caddow, oo waad is riiqaysaan waxaase iga dar-daarana oo hadana iga talo, ah in aad wada jirtaan sidii laydinku yiqiinay, waar isku duubnaada waad guulaysanaysaane ,waar garta garasho oo hanoonsama ,waar dadka ladhaqma oo ha isku qaawinina waar is doco-docaysi aan micno lahayn ka gudba oo magacayga dhowra, waar isku gar-gaara kiina doc-jooga ah iyo kiina qurbo-jooga ahba.
waar dalkiina dhista oo illo dhaqaale yagleela waa laydin ku soo hiran mar kalee Waar dantayda iyo dadkayga wax walba ka hormariya illeen xubi wadan waa qayb kamidee ii maanka .
Waar wax qora oo taariikhdayada qora illeen caalamka maanta qalin ayaa laysku
Gumaystaaye.
Mukhtaar Awdalli:- ciiddaydiiyey waxaan filaya in aad wax noo tartay doorkan oo aanu is bedel muujin doono ilaahna na hoojin maayo, hadal lays yidhaahdaa mahadhin ee hawl laykugu yimaado ayaa hadhay waa inoo markale iyo qodabka siyaasada oo aad si adag ugu hadashay oon ubadkaagana u shaacin doono insha’allah .
Fadlan lasoco taxanaha “qormadan hawraarsan” iyo qodabada kale ee xiisaha badan.
Qoraaga qormada:
Mukhtaar C/raxmaan C/laahi (Awdalli)
Mukhtaar24@rediffmail.com
No comments:
Post a Comment