Thursday, December 20, 2007

Yaa Yidhi Faysal Cali Waraabaa Doonaya Jagada Madaxweynenimada? Faallo– Maxamed Cumar Hyena

Qaybaha kala duwan ee shacbiga reer Somaliland ayaa weli ku jiro waayo aragnimo ay ku kala baranayaan siyaasiyiintooda haya xukunka dalka iyo kuwa haatan hadal haya mustaqbalka inay ka qayb galaan maamulka dalka, kuwaas oo isugu jira muxaafidka, mucaarad, wadaad, waranle, siyaasi cusub iyo kuwa hore.

Shacbiga ayaa durba qaybo ka mid ahi kala barteen ragga ku jira dawladda Rayaale ee wax qaban kara, kuwa aan waxba qaban karin, kuwa shacbiga iyo dawladda u kala sheekeeya iyo kuwa la dhegeysan la’yahay talooyinkooda.

Shacbiga ayaa sidoo kale waxay kala barteen ragga hoggaamiya siyaasadaha mucaaradka dhabta ah iyo kuwa sheeganaya, kuwa ay ka go’antahay in dalkan laga saaro xaaladda siyaasadeed, dhaqaale iyo nololeed ee uu ku jiro iyo kuwa an doonayn inay wax isbeddeleen ee hoosta kala socda xukuumadda shacbiga qaarkii ka cabanayo wax qabad la’aanteeda.

Sidoo kale waxay dadweynaha qaarkii ku sii kala durkayaan, ama u sii kala dhawaanayaan axsaabta lagu sheego inay yihiin kuwa qaranka, kuwaas oo kala ah UDUB, UCID iyo KULMIYE iyagoo qaarkood ay kala garan la’yihiin xisbiga mucaaradka ah ee dhabta ah iyo kan sheeganaya ee aan dhabtii ahayn mucaaradka, halka kuwa kalena ay kala garan la’yihiin xisbiga UDUB inuu yahay kan wax duminaya iyo inuu yahay kan wax dhisaya.

Haddaba markaan u soo laabanno siyaasadaha axsaabta mucaaradka lagu sheego, waxaad mooddaa inay soo baxayaan calaamado muujinaya in xisbiyadaasi, oo kala ah UCID iyo KULMIYE kala miirmayaan .oo midkood laga dareemayo inuu sito shaadhka Mucaaradka, balse aan dhabtii ku socon wadada lagu yaqaanno mucaaradnimada iyo isbeddel doonka.

Waayo aragnimada siyaasiyiinta Somaliland oo muddo ku wareersanaa jahada siyaasadeed ee uu ku socdo xisbiga siyaasiga ah ee UCID ayaa haatan ogaaday in xisbiga UCID uu yahay xisbi Mucaarad ku ah xisbiga kale ee Mucaaradka ah ee KULMIYE, balse aanu dawladda iyo xisbgeeda UDUB mucaarad ku ahayn.

Tan iyo markii Guddoomiyaha Xisbiga siyaasiga ah ee UCID Faysal Cali Waraabe uu markhaatiga ku furay saaxiibkii KULMIYE, isla markaana uu si dhakhso ah u qirtay guuldaradii axsaabtaasi ka soo gaadhay doorashooyinkii madaxweyne Rayaale ku tegey kursiga dalka ugu sarreeya 2003dii, waxay dad badani shaki ka qabeen in Faysal Cali Waraabe daacad ka ahaa maragga uu sida degdegga ah ugu furay Madaxweyne Rayaale inuu 80 cod kaga guuleystay KULMIYE.

Waxay dad badan la ahayd in waagaasi KULMIYE ka doodi karayey ama joojin karayey madaxtinnimada Daahir Rayaale haddii aanu xisbiga UCID lugta jiidin dooddii uu guddoomiyaha KULMIYE Axmed Siilaanyo ku diidi lahaa natiijadaasi, balse markii ergooyin ay hor-boodayeen siyaasiyiin, salaadiin iyo wadaaddo oggolaysiiyeen Axmed Siilaanyo inuu kursiga ka hadho, ayaa waxay dad badani tuhunsan yihiin in UCID ka dambeeyo baabi’inta guul kasta oo xisbiga KULMIYE ka helo shacbiga Somaliland.

Tan iyo waagaasi iyo maanta oo ay bilo ka hadheen doorasho kale oo shaki ku jiro inay dhici doonto iyo in kale, ayaa dad badan oo siyaasiyiin reer Somaliland ahi la yaabbanaayeen hadalada is-burinaya ee ka soo yeedhaya guddoomiyaha xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe oo inkastoo musharraxiintii xisbigiisu haystaan Baarlamaanka Somaliland, haatan u muuqda inuu dagaal kula jiro shir-guddoonka ay isla daala dhacayaan xukuumadda.

Ilaa imika oo Faysal sheeganayo inuu hoggaamiyo xisbi Mucaarad ah, ayaa dhinaca kale waxa soo kordhaya shaki fara badan oo ku gadaaman halka uu u jeedo xisbigaasi iyo cidda uu taageerada ka haysto.

Tan iyo waagaasi mawqif kasta oo xisbiga KULMIYE iska taago siyaasadda dalka, ayaa waxa daciifiya talooyinka iyo turunturrooyinka xisbiga UCID u geysanayo.

Haddaba markaad u fiirsato hadalada ka soo baxayey xisbiga UCID ee liddiga ku ah xisbiga KULMIYE, ayaa waxa wakhtigan la hadal hayaa arrimo door ah oo caddaynayaa in haatan xisbiga UCID uu yahay xisbiga UDUB afhayeenkiisa.

UCID weligii kama hadal xuquuqda aadamaha Somaliland, kamana hadal xoriyatal qawlka, xadhigga suxufiyiinta, xeerarka saxaafadda, Dimuqraadiyadda, xadhigga siyaasiyiinta QARAN-na waxa uu horeyba iskaga taagay mawqif la mid ah kan dawladda, ilaa imikana lagama hayo wax talooyin ah oo dawladda ku khasbaya inay ka leexato ama ku socoto.

Guddoomiyaha UCID, ayaa waxa kale oo lagu bartay booqashooyinka iyo kormeerka hawleed ee ku tego laamaha dawladda qaarkood, halkaas oo sida wasiirada loogu soo dhaweeyo, halka siyaasiyiinta xisbiga KULMIYE-na laga eryo meel kasta oo ay dan ku leeyihiin.

Dhinaca kale tan iyo markii ay guddiga doorashooyinka qaranka ay isku qabteen dawladda iyo shirguddoonku ayaa la ogaa in xubnahala isku mari la’aa uu Guddoomiyaha UCID mar walba dawladda kula safnaa gardaradeeda.

Sidoo kale Faysal ayaa hadallo ka dhan ah musharraxa xisbiga KULMIYE ee madaxweynaha, Axmed Siillaanyo weydiiyey wakhtigii doorashooyinka madaxweynenimada bal in Siillaanyo garanayo Sheedaha iyo degaanno kale oo ku hareeraysan Hargeysa, taas oo u muuqata in Faysal Cali Waraabe Hargeysa ka eryenayo Musharraxa reer Burco ee kula tartamaya Hargeysa.

Haddaba iyadoo xaalku sidaa yahay Xisbiga Faysal Cali Waraabana doorashooyinkii 2003dii uu dadweynaha Somaliland ka helay cod 15% dadweynihii Somaliland ee codkooda bixiyay, ayaa u muuqda in UCID shaki ka qabo guul uu ka gaadho doorashooyinka soo socda ee madaxweynenimada sidaa darteedna la tuhunsan yahay inay xukuumadda wada galeen heshiis lagu wiiqayo guul kasta oo uu Somaliland ka helo xisbiga KULMIYE, isagoo haatan Faysal Cali Waraabe shaadhka ka bixiyey mucaaradnimadii uu sheeganayey, si toos ahna ula saftay xukuumadda, taas oo dad badani oo reer Somaliland ahi shaki ka qabaan in Faysal Cali Waraabe doonayo kursiga madaxweynenimada, iyo inuu doonayo inuu u ololeeyo xisbiga UDUB oo ka heli karo danihii uu ka waayey dalka Finland, isagoo aan doorasho iyo olole kale toona ku karaamo beelinna uu la daadego xisbiga KULMIYE, ama xisbigaasi hoggaankiisa uu jeebka ugu rido xukuumadda sida ka muuqatay bilihii u dambeeyey ee Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ka dhammaan la’aa madaxtooyada, isla markaana Guddoomiyaha xisbiga UCID sida la sheegay ku sasabayey in xisbiga KULMIYE la shaqeeyo Dawladda.

Ugu dambayntiina waxa soo yaraanaya shakigii laga qabay guddoomiyaha xisbiga UCID ee ku saabsanaa inuu yahay Mucaarad iyo inuu yahay sub-station UDUB ah, oo aan isagu doonayn inuu Rayaale ku cidhiidhiyo doorashooyinka soo socda ee qabsoomiddoodu shakiga leedahay.

Source: Haatuf

No comments: