Tuesday, December 18, 2007

Madaxdii Ururka QARAN oo la sii daayay

Madaxdii ururka QARAN ee Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, Eng. Maxamed Xaashi Cilmi iyo Jamaal Caydiid ayaa xabsiga laga soo daayay aroornimadii hore ee maanta, Salaasa 18/12/2007, kadib markii ay xabsigu ku jireen muddo shan bilood ku dhow (144 maalmood) iyaga oo dawladdu u xidhay sifo siyaasadaysan oo guud ahaan laysku raacay inay sharciga baalmarsantahay.

Dr. Gaboose oo u waramayay weriyaha BBC-da ayaa sheegay in abbaara 4-tii aroornimo laydhka lagu shiday taasoo aan caado u ahayn xabsiga. Kadibna waxa u soo galay taliye xigeenka iyo ciidankiisii oo ku wargeliyay inay degdeg alaabtooda u soo qaataan.

Wuxuu Dr. Gaboose sheegay inaan wax waraaqo ah laga saxeexin iyaguna aanay wax codsi ah u qoran madaxweynaha. Wuxuu sheegay in xitaa waraaqdii lagu xidhay aanay mar qudha arag intii ay xidhnaayeen iyo markii maxkamaddoodu socotayba.

Dr. Gaboose wuxuu sheegay inay guryahoodii soo gaadheen abbaara shantii subaxnimo. Wuxuu intaa ku daray in dareenkoodu aad u wanaagsanyahay.

Waxa kale oo uu Dr. Gaboose ku adkaystay in dimoqraadiyadii iyo xaqiiba ay adkaadeen, soo-dayntooduna ay tahay guul u soo hoyatay ummadda Somaliland maadaama aanay ka tanaasulin mawqifkoodii. Wuxuu sheegay xabsigii lagu bajin jiray dadka ku taagan xaqu inuu beenoobay.
Wuxuu Dr. Gaboose u mahad celiyay dhamaan dadkii u gurmaday intii ay xabsiga ku jireen.
Sidaasoo kale Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin inay guryahoodii iyo caa’iladahoodii ku soo noqdaan.

Jamaal Caydiid ayaa isna sheegay inay sii wadidoonaan hawshoodii [urur-siyaasadeedka QARAN].

Madaxda ururka QARAN waxa la xidhay bishii 28-kii bishii July ee sannadkan.

SOURCE: Somaliland.Org

No comments: