Wednesday, December 19, 2007

Madaxweyne Daahir iyo Maxaabiista QARAN.

Waxan jeclaan lahaa in salaan lagya gaadhsiiyo Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, waaba hadduu iga qaadee, illeyn miskiin dan yaraan ahay, oo waliba ku ah mucaaride !. Madaxweyne Daahir iyo dadkiisa iyo dalkiisa oo ah dadkayga iyo dalkaygana waxan u rajaynayaa inay ku ciidaan Nabad iyo Caano.

Madaxweynaha, waxan odhan lahaa: Adeero Daahir, markii horana waad ku qummanayd inaad hoggaamiyayaasha xisbigii sharci darrada ahaa ee QARAN ad qol madoow ku riddo. Imikana waad ku qumman tahay, inaad qolkii madoobaa ee ay ku jireen ad sida jiirka uga soo dhex qaaddo oo ad guryahoodii ku soo celiso habeen madoow. Waxay sugayeen in lasoo galbiyo oo diyaarado iyo dibaabado lagu soo hooyo, loona rido madaafiic qarane. Waad ka badisay, waana xeelad lagaaga dayan karo oo xusid mudan, waana mid ay ku jirto sugida ammaanka dalku. Hambalyo... Madaxweyne....Hambalyo.

Mahadsanid Mudane madaxweyne waxanan kuu qirayaa inaad tahay halyeey soomaaliyeed oo aad u sugi yaqaana amniga dalkiisa iyo dadkiisa. Waxad isku haysaa oo ad isku xidh-xidhaysaa xanjo iyo jawaano midba gees u jeedo. Maalin maalmaha ka mid ahna dadaalka ad u gashay dalkan Somaliland , ee ad u dayacday gobolkaagii ad kasoo beerantay, waalla xusi doonaa, taariikhda been lagama sheegi doono.

Hogaamiyayaasha Xisbiga QARAN, iyagana waxan odhan lahaa, anugba xisbiyo waan keensan karnaa, waxanse xeerinaynaa xasiloonida iyo xurmada dalka Somaliland . Saddex xisbi oo isku wada reer kaliya ka yimid ayaa ka jira dalka JSL, waana inay idinku fillaadaan oo ad heshiis ku ahaatiin, iskuna iimaansantiin. Haddii ad u halgamaysiin diimuqraadiyad iyo daacadnimana, waan inaad danaysiin dareenka reeraha kale ee dalka idinla yaalla, ee midkoodna keensan xisbi wali. Haddii ad nagu dirqiyaysiin inaan ogolaano xisbi afraad oo kasoo baxa hargeysa, waa inaad marka hore ogolaatiin 3 xisbi oo kasoo baxa Awdal inta an la aqoonsan xisbigiina QARAN. Haddii kale QARAN wuxu waligiiba ahaan doonaa QARAN.

Nabad iyo Caano Aynu Ku Ciidno.


Cabdiqani Yuusuf Caateeye

HiilDan

No comments: